Taliyihii Hore Ee Booliska Somaliland Oo Geeriyooday iyo Madaxweynaha Oo Umadda Somaliland Ka Tacsiyeeyay

0
11

Hargeysa(Hubaal) -ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Cilmi Rooble Furre(Cilmi Kabaal), ayaa maanta ku geeriyooday dalka Talyaaniga. Marxuumka ayaa haatan ahaa Suldaan ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland, waxaana tacsi u diray Madaxweynaha Somaliland.

cilmi kabaalMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti badana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.

waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here