Taqabala Allahu Minnaa Wa Minkum- Guuleed Maxamed Yaasiin(Dalxa)

0
53

AXKAANTA CIIDDA

MunaasIbaduhu kala duwan dhaayuhuna kala geddisan. Waxa jira dharaaro Muslimiinta soo mara oo loo riyaaqo, badhaadhe iyo barwaaqona la filo. Sida kutubta lagu hayo, laba dharaarood ayaa si gaar ah diinta Islaamku ammaan kula dul dhacday; Muslimiintana guud ahaan la faray inay farxaan oo bashbash iyo badhaadhe la huleelaan. Ciidda Fidriga iyo Ciidda Udxada ayaa ah labada xogaha sugan ee diintu tibaaxeen. Haatan ciidda Fidriga ayaa la filayaa waayo waxay ay Muslimiintu soo gabogabaynayaan bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Waddamada Muslimiinta weli waddan si rasmi ah ugu dhawaaqay ma jiro goorta la ciidayo, walow  Imaamyada Masaajiddada waddanka Australia oo ah kan adduunka cadceeddu ugu soo hor baxdo uu sheegay in maalinta Jimcaha ah la ciidayo. Dalka Sucuudiga ayaa si weyn looga war sugayaa maadaama uu u heelan yahay ogaanshaha bisha Shawaal inay soo baxday iyo in kale. Waxa uu leeyahay qalabka soo dhaweeyaha ee telescope ka loo yaqaan.Si kastaba ha ahaatee, Muslimiinta waxa la gudboon inay xogo ka ogaadaan ciiddan:guleid dalha

  1. ISA SII NADIIFIN – inta aanu ruuxu tagin goobta ciidda, waa in uu sii maydhaa, kadibna dharkiisa ugu quruxda badan xidhaa. Sidaas waa sida uu samayn jiray Ibnu Cumar si uu ka weriyay Naafic. Tix-raac: Muwada’u Maalik Ibnul Qayim iyo Ibnu Xajar ba way sheegeen in sunne raac weyn uu ahaa Ibnu Cumar ayna fiican tahay in lagu daydo. Tix-raac:Saadul Macaadka iyo Fatxul Baariga
  2. TIMIR SI KISI AH LOO SII CUNO – waxa fiican in ruuxu uu sii quraacdo ama dhawr xabbo oo timir ah uu sii cuno sida 3, 5, 7, amaba 9. Anasa ayaa Nebiga SCW sidaas ka weriyay. Tix-raac: Bukhari
  3. TAKBIIRTA OO LA QAADO – waa in takbriirta aad loo qaadaa subaxdaas ciidda. Ibnu Cumar iyo Abuu Hureyra waxay kaga dayaamin jireen suuqaqa. Ragga codka kor ayay u qaadayaan dumarkuna hoos ayay u dhigayaan. Ibnu Cumar wuxuu leeyahay, “ Nebigu codkiisa kor ayuu qaadi jiray isagoo tahliisha iyo takbiirta wada.” Tix-raac: Irwaa’ul Qaliil Sida loo qaadayo takbiirta waa sida uu Ibnu Mascuud u qaadijiray oo ah : ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR LAAILAAHA ILLALAAH WALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR WALILLAAHI ALXAMDU. Tix-raac: Musannafka Ibnu Abii Shaybah Sidaas ayaa ah sida sugan ee Ibnul Muflix isna Kitaabkiisa al Furuuc uu ku qoray sida aanu ka akhrinay. Haddii la sii badsado sida dadkeenii hore ee wanaagsanaa ay sheegeen ee intan kale lagu daray, culimadu ma diidaan; haseyeeshee waxa fiican sidaas sugan.
  4. TAKBIIRTA QOF KASTAABA KELIGII AYUU WADAYAA – ma bannaana in takbiirta laga sugo imaamka sida maanta loo badan yahay. Inta laga warhayo kutubta xadiiskana ku xardhan, may dhicin waagii Nebiga SCW in marnaba si jamac ah loo qaado, ee ruux kastaa keligii ayuu qaadi jiray.
  5. GAROONKA HA LOO LUGEEYO – waxa habboon in loo lugeeyo goobta salaadda ciidda oo qofku gaadhiga iskaga tago kadibna lug ku tago garoonka. Cali binu Abii Daalib wuxuu leeyahay, “ Sunnadu waa in lug lagu tago.”
  6. TAKBIIRKA – rakcadda hore waa in 7 jeer uu imaamku takbiirtaa tan labaadna waxa uu takbiiranyaa 5 jeer, labada jeer kuma jirto takbiirtii salaadda ee caadiga ahayd. Tix-raac: Abuu Daauud
  7. SUURADAHA LAGU AKHRINAYO – Waxa habboon in rakcadda hore la akhriyo Sabbixisma tan labaadna Suuratul Qaashiya. Waxa sugnaatay in Suuratu Qaaf iyo Qamar la akhriyo. Tix-raac: Muslim ayaa ka weriyay Nucmaan binu Bashiir
  8. KHUDBADA – imaamku dadka waa inuu u khudbadeeyo salaadda ciidda ka dib. Luuqadda Soomaaliga ayaan ku talinaynaa si loo fahmo.
  9. HADDII AY JIMCE KU BEEGANTO – haddii ay Jimce ku beeganto qofka waxa u bannaan in labada khudbadood tu doono xaadiro; waxa kale oo bannaan in labadaba is raaciyo. Tix-raac: Ibnu Maajah xadiiskii Ibnu Cabbaas
  10. WADDADA AYAA LA BEDDELAA – maalintaa waxa fiican in waddada aad kolkii hore sii martay aad beddesho oo waddo kale aad soo marto. Jaabir ayaa sidaas Nebiga SCW ka weriyay. Tix-raac: Bukhari
  11. HAMBALYO – inta ogaalkayga ah ma garanayo mana akhriyin weedho Nebigu maalintaa odhan jiray oo ka soo arooray. Haseyeeshee, saxaabada sida Umaamtal Baahili way isu hambalyayn jireen kolka ciidda laga soo noqdo oo waxay isla dhex qaadi jireen: Taqabala Allahu minnaa wa minkum. Tix-raac: Kitaabka Turkumaani, iyo Axmed binu Xanbal oo yidhi, “ Taxanaha hawraartaasi waa mid wanaagsan.”
  12. GAROON AYAA LAGU TUKANAYAA – suubanahu SCW wuxuu ku tukan jiray garoon ama meel bannaan oo weyn; ma fiicna in lagu tukado masaajiddada, waa in la tago garoomada. Hargeysa garoomo badan ayay leedahay kolkaas waa in caruur iyo ciroole ba la tago meelahaas bannaan.

ALLE AYAA MAHADI U SUGNAATAY DHAMMAANTEED.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here