“Tartan Waa La Ogol Yahaye Haddii Madaxweynaha Laga Helo [Doorashada] Sidii Daahir Rayaale Magac Ha Qaato Oo Qummaati Iyo Hawl-yari Ha Ku Dhiibo”

0
19

  Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Hadlay Xaaladda Cakiran Iyo Hadallada Xanafta Leh Ee Xummada Doorashadu Dhalisay

AbdiWaraabeHarHargeysa (Hubaal)-Xil. Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ah  haldoorka ruug caddaaga ah ee ku jira golaha Guuritida Somaliland ayaa Axsaabta Mucaaridka ah iyo Madaxweynahaba ugu baaqay in dibin-daabyada laga dhawro dawladnimada, taas beddelkeedana waxa uu siyaasiyiinta mucaaridka ah ee naqdiya golahooda guurtida uga digay hadallo uu sheegay inaanay dan u ahayn. Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu Hoggaamiyeyaasha Axsaabta ee quudaraynaya inay ku loollamaan doorashada xummadeedu dalka ka oogan tahay ku hogatusaaleeyey qaabka ugu haboon ee ay tartanka uga qayb gali karaan isaga oo dareensiiyey jidka dheer ee loo soo maray hanashada dawladnimada Somaliland oo dhiig badan loo daadiyey. “Waxaan Illaahay ka baryaynaa in uu wadanka mid  barako leh innooga yeello oo uu gobonimada innoo adkeeyo. Waxaan leeyahay tartan waa la ogol yahay  buuq iyo qaylo’se lama ogola” sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe oo shalay ka hadlay madal dhaqameed lagu qabtay Hotel-ka ADAMS INN ee magaalada Hargeysa, waxana uu intaa ku daray isaga oo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta madasha la hadlaya “qolada mucaaridka waxaan leeyahay tartanka waa la ogol yahay ee ha iska xumaynina tartanka oo khilaaf ha dhex galinina. Dawlada yaa aasaasay?, Illaahay ka sokow Golaha Guurtida ayaa bud-dhigay, kolkaa  ninka Guurti ma jirto lihi waa dawladi ma jirto, ninkaasina isaga ayaan jirin oo is xumaynaya laakiin waxba hadalka ku yeeli maayo dawladnimada. Waxaan idin leeyahay  tartama laakiin sharafka ha iska qaadina ee daaya hadalka xun, khilaafka iska daaya  waayo dawladani waa tii aynu ku soo tacabnay, waa dawlada aan ka madax ahay, waa tii aynu curad iyo cuudba ku weynay”. “mucaaridka iyo xisbiyadu    raggii   soo hawshooday baad tihiin ee sharafka ilaaliya oo khilaafka  innaga ilaaliya”.

Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu baaq u soo jeediyey musharraxiinta ku loolamaya kursiga madaxweynaha kuwaas oo uu ku dardaaray in haddii doorasho dhacdo ninkii laga guulaystaa uu hanneeyo isaga oo ku hogatusay  sunnihii uu jideeyey Madaxweynihii Hore ee Md. Siilaanyo Xilka Ku Wareejiyey Md. Daahir Rayaale Kaahin “ [doorashada] ninkii laga helo hadduu madaxweynaha yahay iyo hadduu nin kale yahayba si qummaati ah ha u aqbalo oo  sidiii Daahir Rayaale ha u dhiibo. Daahir Rayaale sharaf buu ka tegey oo meel walba sharaf buu ku leeyahay, kolkaa ninkii laga helaa sidii Daahir hawl yari iyo sharaf ha u dhiibo oo magac ha qaato. Waxaan leeyahay haddii madaxweynaha laga helo Qummaati ha u dhiibo haddii xisbiyada mucaaridka ah laga helana qummaati ha u dhiibaan” ayuu Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) khudbadiisa ku soo xidhay isaga oo madashaasna ka duceeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here