Tartanka (SO! Soo Gasho Tournament Ramadan Group) Ee Ka Socday Garoonka Badhtamaha Oo Maanta Lasoo Xidhay

0
1

Kooxda SAGALJET Oo Ku Guulaystay Koobka Iyo Abaalmarino La Guddoonsiiyay Ciyaartoygii Ugu Fiicnaa Iyo Kii Ugu Goolasha Badnaa Tartanka

 

Hargeysa (Hubaal) Waxa Maanta Lasoo Gabagabeeyay tartankii ay maalgalisay SO! Ee bisha Ramadaan ka socda gegida kubadda cagta ee Badhtamaha. Labada kooxood ee Maansoor iyo Sagaljet ayaa ciyaartii kamadambaysta (Final) ku wada ciyaaray gegidaasi, ciyaartaasi oo ku dhammaatay 6-3 ay guushu ku raacday, isla markaasina koobka hanatay kooxda Sagaljet.

Goolasha waxa Kooxda Sagaljet ukala dhaliyay;  Khadar Cali Kiin oo 2 gool u dhaliyay. Ii doo isna laba gool dhaliyay, halka labada goo lee kalena ay kala dhaliyeen Gabax iyo Axmed Ronaldo.

 

Kooxda Maansoor waxa saddexda goo lee ay dhalisay ukala dhaliyay; Axmed Dhako, Cabdi-kuus iyo Saleebaan

Munaasibaddii xidhitaanka waxa la bixyey laba abaalmarino oo kala ah; ciyaartoygii ugu fiicnaa intii tartankaasi socday, waxaana la gudoonsiiyay ciyaartoyga lagu magacaabo Mustafe Cabdiraxmaan oo u ciyaarayay kooxda Maansoor. Abaalmarinta labaad oo iyana ahayd, ciyaartoygii ugu goolasha badnaa tartankaasi, ayaa waxa la gudoonsiiyay Jamaal Jante oo ka tirsanaa kooxda Hargeisa Football Center, oo iyadu semi-finalka ku hadhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here