“Tartankankaa Uu Wasiirku Yidhi Somaliland baa lagu qabanayaa oo Dalalka Aan La Aqoonsan Baa Loo Qabanayaa, Waa Been Cad”

0
1

Xisbiga Waddani Oo Dhaliilay Barnaamijka Wasaaradda Ciyaaraha, Kana Hadlay Koob  Wasiirka Ciyaaruhu Sheegay In Lagu Qabanayo Somaliland Oo Ay Ka Qaybgalayaan Dalalka Aan Aqoonsiga Haysan

Hargeysa (Hubaal) Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliilay barnaamijka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee ay sheegtay in dalalka aan la aqoonsan ay tartanka kubadda cagta ah ku qabanayaan Somaliland.

Xoghayaha dhalinyarada ee xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in tartankani yahay ‘kii qabaa’ilka loo qaban jiray’. “Maalmahan waxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu sheegaysay in tartan lagu qabanayo Somaliland, ka xisbi ahaan waannu soo dhaweynaynaa in tartanno lagu qabto Somaliland oo dhalinyarada loo qabto, laakiin inay tidhaahdo wasaaradu, waddamada aan la aqoonsan baa tartan loogu qabanayaa, waa been cad.” Ayuu yidhi Yoonis. “tartankan waxa loo qabtaa qabaa’ilka ee maaha tartan waddamo loo qabto.” Ayuu sii raaciyay

Sidoo kale waxa uu sheegay, inaanay jirin garoomo u diyaarsan wasaaradda, haddiiba ay yimaadaan, isagoona sheegay inaan qaranka ceeb loo soo jiidin. “Haddiiba ay innoo yimaadaan, garoomo innooma diyaarsana, caymis ma jiro.” Ayuu yidhi Xoghayaha dhalinyarada ee xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa

SHARE
Article horeKomishenka Maamul Wanaaga oo Bilaabay Qorshe Cusub oo Lagu Dabagalayo Hay’addaha Madaxa Bannaan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here