TELESOM Oo Abaalmarino Qaalli Ah Guddoonsiisey Qaar Ka Mida Macaamiisheeda oo Tartan Ku Guulaystay

0
1

Hargeysa – (Hubaal) – Shirkadda Telesom ayaa abaalmarino guddoonsiiyey macaamiil ku guuleysatay abaalmarinta la bixiyo bilkasta , abaalmarinaha ayaa isugu jirtay moobaylo casri ah, tablets, Mifi-yo iyo abaalmarino kale oo qaaliya. Macaamiisha ku guuleystay abaal-marinahan ayaa ah macmiisha isticmaasha adeegyadda Internet-ka, ee 4G, 3G iyo 2G iyo sidoo kale macaamiisha isticmaasha adeegga aqoon-maal. Shirkadda Telesom ayaa bilkasta abaal-marino siisa macamiisheeda. Maamulaha Waaxda xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo iyo maamulaha Waaxda Suuq-geynta Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan (Aar) ayaa sharaxaad ka bixiyey noocyada abaal-marinta la siiyey macmiisha guuleysatay iyo guud ahaanba arimaha ay shirkadda macmiisheeda ku abaal-mariso. Masuuliyiinta ayaan hambalyo u diray macaamiisha guuleysatay waxaanay macaamiisha kale ee aan wali ku guuleysan u rajeeyeen inay iyaguna ku guuleysan doonaan.

SHARE
Article horeIsbedelka Ka Dhacay Kililka 5aad Ee Itoobiya Oo Sababay Inuu Kordho Isu-socodkii Hargeysa Iyo Jigjiga
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here