Tijaabadda Manhajka iyo Dhalinyarta Somaliland

0
206

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

Tan iyo markii ay la soo noqotay Somaliland madaxbannaanideeda sannadkii 1991kii, waxa marajaya maamulka u hayay siyaasiyiin wax ku baratay jamhuuriyaddii dimuqraadiga ahayd ee burburtay. Siyaasiyiintaa laguma najaxin hoggaankooda oo waxa mar walba muuqatay inaanay u bislayn inay si dhab ah uga turjumaan baayihaha dalka ka jiray iyo maarayntooda.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan soo magacaabay golihiisa wasiiradda, ka dib markii xilka loo dhaariyay 13kii bishan diisambar.

Golaha wasiiraddu waa qaar aad uga tiro yar kuwii ka horeeyey, inkasta oo la filayay tiro intan ka yar, haddana waa  32 wasiiro iyo ku xigeeno iskugu jira. Waa 23 wasaaraddood. Waxa liiska golaha ku jira wejiyo badan oo aan siyaasadda hore loogu arag. Waxa ka mid ah wasiiro aad u miisaan culus, kuwaas oo wax ku bartay Somaliland intii ay xorrnimadeeda la soo noqotay.  Haddaba waxa aynu maqaalkan si kooban ugu eegi doonaa, maadaama ay wejiyo cusub yihiin wasiiradda in badan oo ka mid ah oo dalka wax ku bartay, sida ay uga turjumayaan manhajka Somaliland. Waxbarashadu waa laf-dhabarta bulshadda laga hago, oo manhajku wuxuu qaabeeyaa ama diyaariyaa aqoonyahanka dalku u baahan yahay ee mustaqbalka door ka qaadan doona dhanka siyaasadda iyo maamulka dawladnimadda, ganacsiga, tacliinta iyo hor’umarinta arrimaha bulshadda.

Haddaba maadaama oo in badan oo ka mid ah wasiiraddu ay dalka wax ku barteen, waa qaar si dhab ah uga war haya baahiyaha dalka oo si toos ah ayay u taabatay, intii ay wax baranayeen, shaqo raadiska ahaayeen ama dalka ku sugnaayeen oo xalkooda ayaa looga fadhiyaa.

Caqabado badan ayay ka dhaxlaysaa xukuumadda cusub tii ka horaysay. Waxa ugu horeeya bulshaddii ay kala qaybisay xannaftii ololaha in si degan oo caafimaad qabta loo daweeyo. Waxa intaa xigga kuwa maamul oo ay ugu horayso in musuq-maasuqa wax laga qabto. Madaxda maamulka haysa iyo bulshadduba aad ayay uga war hayaan in musuq-maasuq hadheeyey dalka, gaar ahaan hay’addaha dawladda. Caqabahada u baahan inay dawladdu wax ka qabato waxa ugu mudan la dagaalanka musuq-maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, in si dhaw oo caafimaad qabta loo darso oo loo xalliyo arrimaha goboladda bariga, si gaar ah 2% misaaniyadda loogu daray hor’umarinta Sool iyo Sanaag iyo tan ugu mudan ee wakhtigan u baahan in dib u qaabaynta iyo hagaajinta lagu sameeyo oo ah  siyaasadda arrimaha dibadda oo wakhtiyaddii ugu dambaysay mad-madaw badan ka muuqday iyo hoos u dhac ku yimid qaddiyadii madaxbannaanida Somaliland, wakhti gobolka ay ka dhaceen isbedelo dhanka siyaasadda ah.

Haddaan musuq-maasuqa wax laga qaban oo aan la nadiifin hay’addaha dawladda, koboc dhaqaale lama samayn karo. Xukuumadda talada wareejisay wax dayn ah kama tegin oo waa arrin lagu farxo, waxaana la gudboon xukuumadda cusub si ay koboc dhaqaale u samayso, waxa muhiim ah inay la dagaalanto musuq-maasuqa dalka sida baahsan uga jira. Haddii musuq-maasuqu halkaa ka sii socdo, dawladda cusub ma samayn karto koboc dhaqaale, haddaan koboc dhaqaale imanna, shaqo-abuur lama samayn karo, adeegyadda dawladdu bixiso kor looma qaadi karo oo lama hagaajin karo, arrimaha biyaha waxba lagama qaban karo, caafimaadka aynu ka dheregsannahay halku maanta marayo, kor looma qaadi karo, xarumo caafimaad oo cusub lama samayn karo, kuwii horena lama tayayn karo, beeraha iyo kalluumaysiga boodhka lagama jafi karo, xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland lama hagaajin karo, waxbarashadda oo hadda aad u liidata lama tayayn karo, waxna lagama qaban karo. Bal tusaalahan kooban si fiican u dhugo. Somaliland oo dhererka baddeedu aad u dheer yahay, khayraad kalluunku ugu horeeyaana ceegaago, kalluun ku filan lagama helo maagaalooyinka xeebaha, gaar ahaan Berbera. Haddii la hor’umariyo kalluumaysiga oo la maal-geliyo qalabka lagu kalluumaysto iyo aqoonta lagu kalluumaystaba, dhaqaalaha dalkuna koboc ayuu samayn, shaqo-abuurna waa laga samayn karaa, waxaanaynu ka baaqsan karnaa cunto badan oo aan tayo lahayn oo aynu dibadda kasoo dhoofsano. Haddii la xisaabiyo maalintii inta kiiloo ee kalluun ah  ee ay u baahan tahay bulshadda Somaliland, waxa si fiican looga hawl geli karaa sidii loo diyaarin lahaa maal-gelinta, wacyi-gelinta iyo tayaynta kalluumaysiga. Dhanka beeraha, waxaynu leenahay dhul beereed aad u hodan ah oo ku fiican wax beerashadda. Haddii la maal-geliyo waxaynu la soo bixi karnaa cunto innagu filan oo aynu kaga maarmi karno lacagta adag ee aynu dibadda kaga soo dhoofsano cuntadda aan tayada lahayn ee bulshaddu xanuunnadda badan ka qaadeen.

Arrimahaa aynu kor ku xusnay ee ay ugu mudan tahay koboca dhaqaaluhu lama samayn karo, haddaan musuq-maasuqa lala dagaalamin. Haddii musuq-maasuqa lala dagaalamo, inta kale ee aynu xusnayna waa la hirgelin karaa, laakiin la dagaalanka musuq-maasuqu wuxuu u baahan yahay in la hawl geliyo oo aan la faro-gelin shaqadda iyo madaxbannaanida hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa( Anti-Corruption Commission) iyo hanti dhawraha guud ee qaranka, arrintaa waxa xoojin kara oo iyana lagama maarmaan ah in garsoorka dalku madaxbannaan yahay oo aanay xukuumaddu faro-gelin. Haddii intaa la isla helo, waxa marag-madoon ah in hor’umar dhan walba leh la gaadhi doono oo muddo kooban is bedel laxaad leh la arki doono.

Arrimahaa aynu kor ku xusnay oo dhan waxay ku xidhnaan doonaan sida madaxweynaha cusub u hoggaamiyo xukuumaddiisa iyo siyaasaddaha uu qaato iyo siday dhalinyartaa xilka loo dhiibay ay u kaalmeeyaan madaxweynaha oo ay ula yimaadaan siyaasado wax-ku-ool ah oo ay uga midho dhaliyaan hiigsiga qaranka ee ah hor’umar dal iyo dad ba waxtar u leh.

Maqaalkeenu wuxuu gun-dhig u yahay, haddii manhajka Somaliland ka turjumayo baahida dalka iyo aqoonyahanka aynu rabno, dhalinyartaa dalka wax ku baratay ee xilalka loo magacaabay ayaynu ka arki, haddii kale oo aanu weli ku sallaysnayn baahideenana waxa aynu qiimayn doonaa oo eegi doona muddo xileedka xukuumaddu marka uu dhamaado 5 sanno ka dib. Haddii dhalinyartaa talada dalka qaybta ku leh ay badhaadhe iyo hor’umar keenaan, waa guul uu gaadhay manhajka Somaliland, haddii ay guuldarraystaana shaqo culus ayaa inoo taal oo waa inaynu dib ugu noqonaa manhajkeena oo aynu qaabayn iyo wax ka bedel ba ku samaynaa.

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

Email: aareeye2020@gmail.com

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here