HUBAALMEDIA.COM
Tirada Dhallinyaro Hargeysa Iyo Burco Ka Tahriibay Oo Baabuur Kula Jabay Saxaaraha Liibiya Habeen Qad iyo Harraadna U Dhintay
August 27, 2015 - Written by Mustafe Faro

 Khartuum (Hubaal)–Warar ka nixiyey shacabka Reer Somaliland, ayaa kasoo baxaya Dhinaca Saxaraha Dalka Libya, kadib markii gaadhi ay saarnaayeen Ugu yaraan 25 Qof oo dhammaantood  kasoo jeeda Magaalooyinka Hargeysa Burco uu Saxarahaas kula jabay kadibna ay Harraad iyo Gaajo Halkaas ugu geeriyoodeen. naxdin tacsigaarDadkan dhallinyarada ah  ayaa markii Baabuurbkii ay Saarnaayeen Jabay isku dayey inay Lugeeyaan, balse Meel dhexe ayey si gooni gooni ah ugu dhinteen Harraad daran oo ku qabsaday Saxaraha kulul ee Sudaan iyo Libya u dhexeeya, “Dadku waxa la soo sheegayaa inay Harraad intooda badan u dhinteen ka dib markii Gaadhi ay Suudaan ka raaceen kula jabay Saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan, ka dibna ay isku dayeen inay Lugeeyaan, oo ay u sii socdaan dhinaca Liibiya, dadkaas oo Tirada ay Gaadhiga ku saarnaayeen naloogu soo sheegay 27 Ruux inay ahaayeen, markii malaha ay in badan socdeen waxay u dhinteen sida naloo sheegay intooda badani Harraad.” Ayey warbaahinta u sheegay Sidaa Sahra Xasan oo ka mid ah Ehelada dadka dhintay qaarkood. Sahra oo hadalkeeda sii wadatay, waxay intaas ku dartay oo ay tidhi; “Dadku waxay u badnaayeen Rag Dhalinyaro iyo Xaaslayba isugu jira oo intooda badani reer Burco ahaayeen, waxaa ku jira dadkaas Saxaraha ku dhintay Garaadkii Dhalinyarada Beelaha Habar-yoonis Garaad Cabdiqani Axmed Cabdiraxmaan oo aan Eheladiisa ka mid tahay,”.  “Dadkaa 27-ka qof marka hore Gaadhiga ku saarnaa, waxaa naloo soo sheegay inay keliya laba Qof oo Nin iyo Gabadh ahi ka badbaadeen, laakiin 25-kii kale-ba ay Saxaraha Harraad iyo Gaajo ugu le’deen (dhinteen), markii ay inta badani harraad u dhanqalmeen, iyagoo Ragna u badnaa, sida naloo sheegay ay Harraad dartii Doobtu dib ugu wada-noqotay, xilligu waa illaa Isniintii sida naloo sheegay.” Sidaa ayey tidhi  Sahra. Waxay Sahra Xasan sheegtay in dadkaas looga gurmaday dhinaca waddanka Liibiya, si Meydadkooda halkaas looga soo guro, balse aanay hubin hadda in la soo gaadhsiiyey Suudaan iyo in kale., balse waay xustay in sida warka lagu siiyey aanay ku jirin dadkaas wax dhaawac ahi, hase-ahaatee, ay wada geeriyoodeen. Innaali-laahu Wa-innaa-ileyhi Raajucuun. Allaah dhammaantood Naxariistiisa Janno haka waraabiyo dadkaas, Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Ummadda ay ka baxeenna Samir iyo Iimaan Saadiq ah haka siiyo Insha ALLAAH.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews