Tirada Guud ee Dadka Ku Dhintay Iyo Magaalooyinka Ay Ka Dhaceen Dibadbaxyada Lagaga Soo Horjeedo Abiy Axmed

0
5

Addis ababa (Hubaal) Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay Taliyaha Booliska degaanka Oromada ayaa sheegay dadka rabshadaha dalka Itoobiya ku dhintay inay tiradoodu gaadhay 67. Taliyaha booliska Oromada Kafyalew Tefera wuxuu sheegay goobaha ay rabshadaha ka dhaceen ee ku yaalla deegaanka Oromada iyo magaalooyinka Diridhaba iyo Harar waxaa ku dhintay 62 qof oo rayad ah iyo 5 askari o boolis ah.

Wargeyska New York Times wuxuu qoray dadkaasi dhintay 13 ka mid ah iney ciidamada ammaanku dileen halka dadka kale ee rabshadahaasi ku dhintay ay sababeen rabshada dhex maray mudaharaadayaal iska soo horjeeda.

Jimcihii dorraadna BBC oo soo xiganeysa xogaha ay ka heshay madaxda dalka Itoobiya, xirfadlayaasha caafimaadka iyo dad goob joog ah iney tiradu dadka rabshadaha ku dhintay ahayd 44, shalayna tirada dhimashada ay ku korodhay 12 qof oo kale.

Adaama: Dr Dasalegn Fiqaadu waa dhakhtar takhasuskiisu yahay qalliinka oo ka howlgala Isbitaalka Adaama. Wuxuuna sheegay maalinti Arbacada oo ay rabshaduhu billaawdeen ilaa iyo maanta in isbitaalka la soo gaarsiiyey dad dhaawac ahaa oo marki dambe geeriyooday iyo dadka iyaga oo meyd ah la keenayba tiradooda ay gaadhay 16 qof, dad ka badan 100 qof oo dhaawacyo kala duwan ay rabshadaha ka soo gaareenna isbitaalka lagu daweeyey.

“Rabshadihi ka taagnaa magaalada Adama oo la moodo iney maanta soo yaraanayaan haddana waxaa weli isbitaalka soo gaaraya dad dhaawacyo cusub qaba” ayuu yidhi Dr Fiqaadu.

Kofale” Abinet Aklilu oo ku nool magaalada Kofale wuxu BBC u shegay inuu rabshadaha ku waayey 3 qof oo ay qaraaba yihiin.

“Dhalinyaro badan oo isa soo uruursatay ayaa guriga adeerkey nagu soo werartay marka hore waxay dileen aderkey Tamraat Tsegaye, kaddibna waxay dileen wiilkiisa, mar seddexaadna waxay dileen wiil seddexaad oo adeerkey dukaankiisa iibinayey sidaa ayey 3 qof nooga dileen” ayuu yidhi.

“Dadka nalaga dilay magaalada Kofale oo ay ku dhasheen xataa inaan ku aasno waa naloo diiday, ugu dambeynti rafaad badan kaddib waxaan seddexdooduba ku aasnay magaalada Adaama” ayuu yidhi Abinet oo BBC u warramay.

Ambo: Waddooyinki xirnaa Arbacada iyo Khamiista waxaa dib loo furay Jimcihi shalay ahaa. Rabshadaha labada maalmood magaladaasi ka dhacayna waxa 5 qof oo mid ka mid ah yahay askari boolis ah. Askariga oo maalinta Khamiista la dalay waxaa loo dilay aanoiyada oo lagu eedeeyey arbacadi inuu qof dilay.

Doddoola: Magaalada Doddoola rabshadihi ka dhacayey Arbacada iyo Khamiista waxaa ku dhinatay 6 qof.

Bariga Hararge: Sida oo kale rabshadihi ka dhacayey bariga Hararge magaalooyin ka tirsan waxaa rabshadaha ku dhimatay 6 qof oo kale. Magaalooyinkaasi oo ay ka mid yihiin Deresa, Guro-guutu iyo Hamaresa.

Harar: Magaalada Hararna waxaa rabshadaha ku dhimatay 3 qof.

Diridhaba: Agaasimaha Isbitaalka Dil-chorra ee magaalada Diridhaba Dr C/raxmaan Abubakar wuxuu sheegay: “Magaalada Diridhaba Arbacadi in lagu dilay 1 qof, 4 qof oo dhaawac ahaan isbitaalka magaalada diridhaba loo keenay in lagu dabiibana ay dhaawaca u geeriyoodeen taasoo tirada dadka dhintay ka dhigeyso 4 qof”.

Roobe: Magaalada madaxada gobolka Bale ee Roobe oo ay rabshaa badan ka dhaceen tirada rasmiga ah ee dadka rabshadahaasi ku dhintay BBC ma aysan helin balse waxaa la shegayaa iney dhimasho iyo dhaawacba jirto.

Rabshadahan maxaa dhaliyey?

Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan.

Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu ammaanay isbadallada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.

Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.

Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaan, waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.”

Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar.

Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi.

Buugga ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai’sul wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo.

Taageerada ballaadhan ee Mr Jawar

Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai’sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn.

Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay.

Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa.

Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay.

Source: https://www.bbc.com/somali/war-50194356

SHARE
Article horeGAROOWE: Madaxweyne Deni Oo Baarlamaanka Ka Baxay Isagoo ‘Xanaaqsan’ Kadib Su’aal Aad U Kulul Oo La Weydiiyey
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here