Toddodbaadka Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeisa

0
1

Warbixin Kooban Oo Ka Mid Ah Waxyaabihii Ay Dawlada Hoose Fulisay Todobaadyadii U Dambeeyay

Mudooyinkii  Udambeeyay Dawlada hoose ee hargeisa oo uu hor-kacayo Maayor Ku xigeenka Caasimada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Xaashi waxaa ay waxqabado iskugu jira Dayactirka wadooyinka Caasimada , Tayaynta Adeegyada Ay helaan Dadwanahu, Dhagax dhigida Saldhig boolis, Kulanka dhex maray Dawlada hoose ee hargeisa iyo Wasaarada maaliyada oo lagaga hadlayay kordhinta wax-qabadka Adeegyada ay dawlada hoose bixiyo iyo sidoo kale Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Ibraahim Koodbuur Oo laga hergeliyay Xarumo Ciidanka Dab-damiska Caasimadu Yeelan doono.

Dawlada Hoose ee hargeisa oo uu horkacayo Maayorka iyo Maayor ku xigeen iyo sidoo kale Taliyaha Ciidka Dab-damiska Caasimadu waxay Xadhiga ka jareen Dhismaha Ciidanka Dab-damiska oo ay yeelan doonan dagmooyinka Maxamuud haybe iyo Ibraahim Koodbuur kaasi oo wax-wayn katari doona Hawshii ay ciidanka Dab-damisku u hayeen shacabka Caasimada sidoo kalena fududayn doona in si dhaw loo gaadhi karo Meeshi ay dhibaato ka dhacdo, Dadwaynaha Dagmooyinkaas ayaa ugu mahad Celiyay Dawlada Hoose hargeisa iyagoo sheegay inay wakhti-kaga lumi jiray inta ay ciidanku soo gaadhayaan goobta ay waxka dhacaan.

Sidoo Kale Dawlada Hoose ee Hargeisa oo uu horkacayo Maayor ku xigeenka Caasimada Mudane Cabdicasiis iyo wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Iyo Xoghaya Fulinta ee Dawlada Hoose waxay Dhagax dhigeen Wadada Jig-jiga yar Goolada Safaari ilaa Goolada Sare taas oo dhawaan dawlada hoose ay bilaabi Doonto Dhismaheeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Oo uu Wehelinayo Maayor Ku xigeenka Caasimada ayaa dhagax dhigay saldhig cusub oo casri ah oo laga hirgelin doono deegaanka Xeedho, kaas oo lagu magacaabo Mujaahid Aadan Shiinetaas. Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdicasiis Maxamed Cago-weyne oo isaguna madasha dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa sheegay inay dawlad hoose ahaan qorshahooda ku darsadeen sidii ay degmooyinka kala duwan ee caasimaddu u heli lahayd saldhigyo ku filan, si loo xoojiyo amniga bulshada ku dhaqan caasimadda

Wasaarada Maaliyada JSL iyo Dawlada Hoose ee hargeisa waxa ay kulan ku yeesheen Xafiiska wasaarada Maaliyada waxaana kulankaas Hogaaminayay Wasiir Sacad Cali Shire iyo Maayor Ku xigeen Cabdi Casiis Maxamuud Xaashi Kulan kaas oo u jeedadisu ahay Tayaynta iyo dar-dar galinta wax-qabadka  Dawlada hoose ee hargeisa iyo wasaarada Maaliyada Somaliland

Maayor ka caasimada Hargiesa Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco Maayorka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin iyo Safiirka Somaliland ee UK Ayaan Mohamoud Cashuur waxay la kulmeen Gunter Nooke Personal Representative of the German chancellor for Africa, BMZ Commissioner for Afrika waxayna kawada hadleen mashaariicda dawlada jarmalku ka fuliso Somaliland, kana codsanay mashaariic horleh

Warbixintan waxay ka mid tahay inyar oo kooban oo ka mid ah wax-qabadyadi ay dawlada hoose fulisay Todobaadyadii U dambeeyay waxa inta dheer oo socota shaqo maalmeedki Dawlada Hoose Haday noqoto Nadaafada,Dhiraynta iyo Banaynta Jidadka Caasimada.

ALLAA MAHADLEH

Hargeisa Somaliland

Contact : 00252-636700111

Info@hornsolutions.org

Suldaanrrashedomer@gmail.com

SHARE
Article horeSaraakiil Kale Oo Dhanka Badda Ah Oo Itoobiya U Qalin Jabisay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here