TOGDHEER: Hawlgalka Madax-taabashada Shaqaallaha Dawladda Oo Ka Bilaabmay Gobolkii 4aad & Guddoomiye Sharmaarke Oo Ka Hadlay

0
17

Hargeysa (Hubaal) -Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa Gobolkii 4aad oo Togdheer ah si xidhiidha uga daahfuray Barnaamijka diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee Somaliland magaalo madaxda Burco, waxaana ay madaxda Hay’adda shaqaaluhu sharaxeen mudada gobolka togdheer shaqaalihiisa dawladda ay ku diwaangelinayaan iyo deegaanadda gobolka ka tirsan ee ay mudo 9 maalmood ah hawlgalkooda ka fulinayaan oo ay ku jirto deegaanadda Daad-Madheedh iyo Buuhoodle. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay weheliyaan Saraakiisha kale ee Hay’adda shaqaalaha Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco uga daahfuray Mashruuca diwaangelinta shaqaalaha dawladda Somaliland ee deegaanaddasi ka hawlgala, waxaanu md Sharmarke geelle sharaxay ahmiyadad iyo muhiimada uu qaranka Somaliland shaqaalihiisa u leeyahay hawlgalkan ay wadaan isaga oo sharaxay hiigsiga iyo himilada qaranka ee bartilmaameedka ay horumarkiisa u noqon doonto diwaangelinta shaqaaluhu. Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo Saxaafadda kula hadlaayey munaasibada daahfurka diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee Gobolka Togdheer waxa uu yidhi “Saaka waa Bilawga tirinta iyo tayeynta ee shaqaalaha dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer saaka waxaynu u nimid soo dhawayn wanaagsan iyo shaqaale diyaar u ah yihiin u qaba daahfurka diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee gobolka  Togdheer oo in la tiriyo ay ku hoos jirto in la tayeeyo , saaka waxaynu daahfurayna gobolka balaadhan ee togdheer diwaangelinta shaqaalahiisa dawladda oo marka aynu xog helo ayeynu xaaladooda iyo xurmadooda iyo xoolahooda iyo dhamaan waxay tababaro u baahan yihiin aynu kor u qaadi karaa, saaka sahan ayeynu nahay iyo ceelaalyo, waxaynu u socona shaqaalihii dawladda in aynu ogaano xaalkooda iyo xogtooda si aynu xogta iyo xaaladda aynu soo ogaanay uga qiyaas qaadano oo shaqaalaheena u horumarino” Sharmarke oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Shaqaalaha dawladdu 26-kii sanno ee u dambeeyey xaalado iyo duruufo kala duwan ayey ku shaqaynayeen , waxay gaadhay xiligii la horumarinlahaa hanaankooda shaqo qoriseed iyo marka ay soo galaan in nidaam wanaagsan lagu qaabilo oo la hagaajiyo, la hubiyo oo la horumariyo in xirfadooda iyo way gaadhay iyo aqoontoodu kor loo qaadilahaa waayo waxay u baahan yihiin in loo sameeyo tababaro iyo nidaam wanaagsan loogu diyaarinlahaa, saaka hay’adda shaqaalaha Somaliland saaka guud ahaan gobolka Togdheer intaasi ayey u maraysa inay shaqaalaheedii ka dabatimaado oo ay ogaato horta ma jiraan oo ma joogaan oo kii inaga maqnaa eek u talo galay Jiif oo Jaq ee isaga oo maqan islahaa banaanka lacagta ku qaado ama garaadkiisu siiyey laba meelood ka mushahaar qaado gacan adag ayaa lagaga qaban doona qaranka waa laga saari, kii qarankiisa markii hore si fiican ugu shaqaynaayey ee waajibkiisa shaqo u gudanaayeyna marka la hubiyo wuu u sii joogi waanu u sii shaqayn qarankiisa Somaliland” Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Cabdikariin  oo isaguna Saxaafadda kula hadlaayey munaasibada daahfurka diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee gobolkii 4aad oo Burco ah laga bilaabay waxa uu yidhi “Maanta waxaanu shaqadii diwaangelinta shaqaalaha dawladda ka bilawnay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, waxaanu diwaangelin doona gobolkan shaqaalihiisa mudo 8 ilaa 9 maalmood ah, waxaanu tegi doona goobo cayiman oo gobolkan ka tirsan waxaanu tegi doona gobolka Daadmadheedh gobolka Buuhoodle qaybo ka mid ah iyo deegaano kale oo hoos yimaada gobolka Togdheer”.  

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here