UCID & WADDANI Oo JAwaab Midaysan Ka Bixiyey Naxliga Ay Xukuumadda Xamar Ka Qaaday Heshiiskii Berbera

0
26

“Waxaanu U Sheegaynaa Soomaaliya In Maanta Wixii Ka Dambeeya Ay Naga Baqan Doonaan Haday Naga Xishoon Waayeen” -Xisbiga WADDANI

+++++++++++++

“Waxa aanu Raysal Wasaaraha Somalia u cadaynaynaa in aanu Jaanis Dilaalnimo uga banaanayn Heshiis-yada Horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la galayso Beesha Caalamka” -Xisbiga UCID

Hargaysa(Hubaal):- Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland ayaa war-saxaafadeedyo ay siyaabo kala duwan u soos aareen waxaa ay ku cambaareeyeen hadalkii hinaasuhu ku ladhnaa ee dorraad ka sooyeedhay raysal wasaaraha Soomaaliya kaasi oo ay niyad jab kaga muujiyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Somaliland, Itoobiya iyo  shirkadda Dp World ku kala saxeexdeen saamiga maalgashi ee dekedda Berbera.

Xisbiga UCID

Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID ayaa War-murtiyeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in jamhuuriyadda madaxa-bannaan ee Somaliland ay ku guulaysatay mid ka mida Qorshayaasheeddii ugu muhiimsannaa, kaasoo ay ku tilmaameen inay si toos ah ula Macaamisho dalalka Caalamka. Xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu sheegay in hadalkii shalay ee Ra’iisal-wasaarre Kheyrre uu muujinnaayo Caddaawadda iyo Naxliga Xukuumadda itaalka yar ee Muqdisho, waxaannay sheegeen in hadalka Mr. Kheyrre uu Ka soo horjeeddo Qaddiyadda madax-bannaanida jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo u sheegay inaan jaannis dilaalnimo uga bannaanayn heshiisyadda Horumarrinneed ee ay Xukuumadda Somaliland  galayso.

Warsaxaafaddeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,  oo isugu jiray mawqifka ay xisbi ahaan ka aaminsan yihiin heshiiskaas iyo hadalka kasoo yeedhay Soomaaliyada ayaa nuqul kamid ah oo wargeyska HUBAAL soo gaadhay waxa uu u dhignaa sidan: “Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka UCID, Waxaa uu soo dhawaynayaa heshiiskii saddex geesood-ka ahaa ee 1-dii March 2018-ka, ku dhex maray Dalka Imaaraadka Carabta, Wadamada Somaliland, Ethopia iyo shirkadda DP World. Xisbiga UCID Waxa uu heshiiskaasi u arkaa Guul-taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Reer Somaliland.

Heshiiskan ayaa noqday mid ay somaliland ku gaadhay hamigeedi ahaa in ay dunida si toos ah ula macaamisho, sidoo kalena waxaa uu heshiiskani muujiyay in ay somaliland tahay qaran la isku halayn-karo amaankiisa iyo shuruucdiisaba, galina-kara heshiisyo waa-waayn oo masiiri ah.

Haddaba, Heshiiskani waxaa uu bar-bilaw fiican u yahay in shacabka reer Somaliland ka faa’idaystaan khayraad-kooda dabiiciga ah iyo mawqica istaaraatijiga ah ee uu ilaahay dhigay.

Sidoo kalena Heshiiskani waxaa uu sahlayaa in dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay si fudud ugu adeegi karto Dalka ay dadka badani ku nool-yihiin ee Ethopia iyo wadamadda kale ee aan badaha lahayn ee Africa.

Xisbiga UCID waxa  uu cambaaraynayaa hadalkii shalay [dorraad] ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha Somalia ee ku aaddanaa heshiiska Dekedda Berbera. Xisbiga UCID waxaa uu arkaa Hadalka Raysal Wasaaraha in uu ka soo hor jeedo jiritaanka iyo madax-banaanida Somaliland, sidoo kalena waxa uu si toos ah uga  hor  imanaya heshiisyadii ay hore u kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Somalia.

Sidoo kale Hadalka Raysal Wasaaraha Somalia, waxaa uu muujinayaa Cadaawada ay xukuumadda Muqdisho ay u qabto shacabka Reer Somaliland, iyo sida ay uga soo hor jeedo horumar kasta oo ay Somaliland Gaadho .

Waxa aanu Raysal Wasaaraha Somalia u cadaynaynaa in aanu Jaanis Dilaalnimo uga banaanayn Heshiis-yada Horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la galayso Beesha Caalamka, sidoo kalena Waxaanu xasuusinaynaa Raysal Wasaaraha in Maamul-ka Puntland ee Somalia uu heshiis aanay Xukuumadiisu waxba ka ogayn uu la galay Shirkadda P&O Ports, Wax talaabo ahna aanay xukuumadiisu ka qaadin .

Ugu dambayn Xisbiga UCID waxa  uu shacabka Reer Somaliland ku boorinayaa in ay midnimada iyo wada jir-ka iyo horumarka dalkooda meel uga soo wada jeestaan wakhtiga xasaasiga ah.” Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uus oo saaray guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Mawqifka Xisbiga WADDANI

Geesta kale Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si kulul jawaab uga bxiyey hadal ka soo yeedhay raysal wasaaraha soomaaliya kaas oo ku saabsan heshiiska dekeda Berbera.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo shalay  la hadlay warbaahinta ayaa dawlada soomaaliya ugu hanjabay inay ka baqi doonaan somaliland, haddii ay diidaan xishoodka.

Xoghaye Uurcade oo ugu horayn ka hadlaya heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Heshiiskaas waxa ansixiyey oo sharciyeeyey xukuumada somaliland, goleyaasheeda qaranka, xisbiyada iyo shacabka somaliland, waxaanan maqlaynay oo lagu cel celinayey raysal wasaaraha soomaaliya oo si aflagaado ah oo cay ah  ula hadlayey shacabka Somaliland oo danahooda uga tashaday kaas oo u hadlayey si dadnimada ka baxsan oo ay shacabka somaliland la yaabeen, waxaanan u sheegaynaa in somaliland, goleyaasheeda, madaxdeeda iyo shacabkeeduba ay yihiin umad jirta oo aduunyada ka mid ah, adiga iyo qayrkaa toona talo ka waydiin maayaan dalkooda.”

Xoghaye Uurcade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan idiin sheegaynaa hadaad tihiin soomaaliya in badan ayaanu jeclayn inaynu walaalnimo iyo darisnimo ku wada noolaano balse way idiin dhadhami wayday, waxaanu idiin sheegaynaa  hadaad xishoon waydeen inaad naga baqan doontaan oo aad in badan ka cabsan doontaan soomaliland haddii aad diideen inaynu walaalnimo ku wada noolaano.”

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalada ay shacabka iyo madaxda soomaaliya ka bixiyeen qadiyada somaliland waxaanu yidhi “Waxaanu jeclayn inaanu soomaaliya walaalnimo ku wada noolaano balse way u dhadhami la dahay mudo 27 sanadood ah oo aad ku cel celinaysaan ma tihidin umada jirta maalin walba aad warbaahinta la soo fadhiisanaysaan hadaad tihiin madax iyo hadaad tihiin mijaba, waxaanu idiin sheegaynaa oo aanu idiinku cel celinaynaa inaad naga baqi doontaan maanta wixii ka dambeeya hadaad naga xishoon waydaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here