Ugaaskii Talo-Maroorsiga Eersaday: Milicsiga Qormooyin Laga Sameeyey Milaygii reer Guuraag & Hoggaamiyaha Soomaaliga Ah ee Madax Adayga Ku Sifooba

0
101

“Hadday sado macaan tahay ninkii maadiyaa cuna e
Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mihiibtaane
Muslin kuma cabiidsamo: ‘wallaan madaxa kaa goyne!’” Saahid Qamaan
Soomaalidu guud ahaan gaar ahaan reer Somaliland waxay qadarisaa sinnaanta iyo xoriyadda oo aas-aas u ah noloshoodda waa meelaha ay iska shabahaan dhaqankeena iyo dhidibada aas-aaska u ah waxaan loogu yeedho Dimoqraaddiyada oo dhawaan uun dool inoogu yimi.
Mar haddii maalmahan ay socdaan qodobo wadda-tashigii iyo hanaankii Somaliland ku soo caana-maashay meel ka dhac ku ah. Islamarkaana aan shuruucda dalka meel ku lahayn. Waxaa aynu soo qaadanaynaa qoraaladda laga sameeyay hoggaamiyaha Soomaaliga ah ee madax adayga oo waqtiyo kooban uun soo maray taariikhda dadka reer guuraaga ah ee gobolkan ku nool ama uu u cuntami waayay wadda tashigu.. aan Xigto qoraal ay sameysay K24.
Casilaaddii Ugaas Xaashi:
Dabayaaqadii qarnigii 19aad ayaa Itoobiya boqorkeedii lagu magacaabi jirey Menelik-kii II iyo Soomaalidii ku dhaqnayd dhulkii uu qaybta u helay markii Qaaraddan Afrika reer Yurub qaybsaday is diideen awood xoogana waa uu waayay. Sidaas darteed, Menelik wuxuu goostay si tartiib-tartiib ah inuu gobolka ku galo. Waxay la noqotay si nabadgelyo ah in Soomaalida halkaas ku dhaqan uu gacanta ugu dhigo. Markaas buu bilaabay madax-dhaqameedyadii geyigaas ka arrimin jirey inuu xidhiidh toos ah la yeesho, si ay dadkooda u oggolaysiiyaan inay Reer-Itoobiya yihiin, gibirkana ay Dawladda uga soo ururiyaan.
hadh3.jpgGuud ahaan, qorshahaasi markuu soo shaac-baxay, dadweynihii aad bay uga soo hor-jeesteen. Waxayba u qaateen gobannimadoodii in laga qaadayo iyo xoolo aan gar loogu lahayn oo baad ah in laga urursanayo. Taana waxaa ku raacay odayadii iyo waxgaradkii qabaa’ilka qaarkood iyo, sidoo kale, culimmadii Galbeedka ku sugnayd. Hase ahaatee, waxaa iyaguna jirey madaxdii xilligaas qaar ka mid ah oo wuxuu Boqorku soo jeediyey haddiiba oggolaatay, iyaga oo aan kala tashan dadkii ay u talinayeen.
Boqor Menelik-kii II markuu maqlay sida ay Soomaalidu amarkiisa u diiddan tahay ayuu shir ballaadhan ku qabtay meesha la yidhaahdo Kaara-Qora. Madax-dhaqameedyadii waaweynaa ee Gobolka ka arrimin jirey, shirkaasna ka qayb-galay waxaa ugu magac-dheeraa Ugaas Xaashi Ugaas Faarax-Cadde (Ogaadeen) isaga ayaana ugu horreeyay taladii Boqorka madaxdii ‘hawraarsan’ tidhi Weliba wuxuu ku ballan-qaaday, qof-qof iyo qoys-qoysba, gibirka inuu isagu tolkii ka soo ururin doono, ciddii ku gacan-saydhana uu ciidanka Boqorka u soo gacan-gelin doono!
Dabadeedna, waxgaradkii reeraha ayaa hoos u wada hadlay. Jilibbadii oo idil ayaa tashi isugu noqday. Waxaa la isla gartay arrintani inaanay ahayn mid qabata. Waxay isku raaceen, marka hore, xoolaha Boqorka Itoobiya uu ka guranayaa inay gardarro tahay. Marka labaadna, waxay gef aan marmarsiinyo loo heli karin u arkeen in Ugaaskii iyaga u duubnaa (Ay Caleemo saareen) inuu Boqorka la safto, dabadeedna uu dusha kaga keeno guddoon aanay innaba wax ka ogeyn!
Wax talada la wada gorfeeyoba, ugu dambaystii waxay go’aansadeen Ugaas Xaashi in duubka boqortooyada ay ka xayuubiyaan! Taasina, taariikhda Soomaalida ayay gashay oo mararka dhifta ah ee nin meeqaankaas leh uu tolkii uu ka dhashay casilo.
Maalintii dambe ayaa waxaa Ugaaskii la weyddiistey inuu shir qabto. Dabdeedna, isaga oo aan garaneyn sababta loo qabanaayo ayuu yeelay. Maxaa xigey? Aan, haddaba, xogwarranka wixii shirkaas ka dhacay u daayo taariikhyahanka Soomaaliyeed; Aw-Jaamac Cumar Ciise oo dhacdadaas isagu aad u dabo-galay, dabadeedna qoray: “Xilligaas waxaa haybad iyo miisaan lahaa gabayga iyo gabyaaga. Sidaas darteed, waxaa tashaday toddoba nin oo gabay iyo aftahammo aan lagula tartami karin, Ugaas Xaashina ay ilmo’adeer labaad ahaayeen…waxay go’aansadeen inuu nin waliba faraskiisa soo fuulo oo Ugaaska hortiisa ka tiriyo gabay sharafta iyo haybadda ka xayuubinaya, dabadeedna intuu faraska hoosta cidhibta kaga xado goobta ka tago
Sidaas ayay yeeleen, gabyaa walibana wuxuu kaxaystay qayb weyn oo dadkii geedka yimid ka mid ah. Waxaa halkii lagaga dhaqaaqay Ugaaskii iyo koox yar oo ku hadhay, sida la weriyeyna cid dambe ‘Ugaas mood. kuma ay odhan!
Aan, kolka, tusaale ahaan u soo qaato laba maansoyahan oo ka mid ahaa toddobadii Ugaaska gabayga ku casiley: Saahid Qamaan

Gabayadii maantaas Ugaas Xaashi lagu casiley waxaa, malaha, ugu caansan, dadkuna ay ugu jecel yihiin kii uu tiriyey Saahid Qamaan; kaas oo si wacan inoo baraya sinnaanta, qaddarinta qofka iyo wadatashigu siday u ahaayeen wax ku milan dhaqankii hore ee Soomaalida.
Qaybta araata ah ayuu, marka hore, wuxuu kula hadlayaa dhallinyaradii Ugaaska iyo Itoobiyaanku ay soo direen ee dadweynaha gibirka ka guraysey. Markaas buu yidhi:
Mitan kalena waa wiilasheer maanka laga qaaday:
Hadday sado macaan tahay ninkii maadiyaa cuna e
Miyir waxaad ku weydaan iswaal kuma mihiibtaane
Muslin kuma cabiidsamo: ‘wallaan madaxa kaa goyne!’
Meel dhexe oo gabaygiisa ka mid ah waxa uu Saahid dhaar ku marayaa, maantaas ka dib, inaanu cudud iyo ciidan u noqon doonin boqortooyo aanu taladeeda waxba ku lahayn oo, dhibteeda mooyee, aan dheefteeda isaga waxba looga oggolayn. Wuxuu yidhi:
Masoow aabbahay iyo halkaan Magan ka soo gaadhey
Maggawsina inaan layga siin maax la dhuranaayo
Oon malab rag kale loo shushubi wax uga miileeyo
Oon meesha taagnahay anoon murudna leefaynin
Oon weliba ‘mood’ iyo salaan ula maleegnado
Aan maydhax aan igu xidhnayn mayllimmo u haysto
Saddex magac Allee xaajadaas layma marinsiiyo!
Sida koron xiniinyaha la mudey uma malluugnaado!
Qaybta uu gabaygaas ku dhammeeyey ayuu gabyaagu ku muujinayaa sida aanu wax sinnaan ka hooseeya cidna uga yeelayn. Meeriska ugu dambeeyana wuxuu kaga xidhiidh-furanayaa Ugaas Xaashi iyo nin ka mid ah raggii tirada yaraa ee ku hadhay; kaas oo uu halkaas ku magac-dhebayo.
Wuxuu yidhi:
Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi
Maso inaannu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye
Oon weliba kaga miil-caddahay miidhse diiddaniye;
Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad-yeesho
Muska Ina-Afey galo arlada kama miciin-moodo!
Gurraase Xaaji Cali
Markuu Saahid inta uu gabaygaas tiriyey geedkii ka dhaqaaqay ayaa waxaa isaguna geeraar la kacay gabyaa kale oo la odhan jirey Gurraase Xaaji Cali. Si aan leexleexad lahayn ayuu isna tixdiisa Ugaaska ugu weerarayaa; isaga oo ku eedaynaya tolkii uu madaxda u ahaa inuu shisheeye u garbo-duubay. Wadatashi mooyee inaanu kelitalisnimo dadka ku hoggaamin karin ayuu si badheedh ah ugu sheegayaa. Wuxuu ku canbaaraynayaa inuu yahay nin waxa uu isagu go’aansado mooyee aan dhegihiisu talo kale u daloolin; taas oo ah wax aan, marnaba, bulshadu ka yeeli doonin, una suuroobi doonin!
Geeraarkiisii ayaa waxaa ka mid ahaa
……………..
Tawfiiq Ciise-Madoobiyo
Talyankii Ferenjaa leh;
Teendho Reer-Berberaad iyo
Turkigii xukumaa leh;
Tuhun Shuunka Amxaariyo
Nin la soo tashadaa leh
………………..
Nin maroodi taxaabay oo
Tunka saartay abeeso
Inuu aayar taxaasho
Taana wayna ahaannin!
Tolkii aynu naqaanniyo
Ogaadeen taladiisa
Taan idhaahdo uun mooyee
Tu’ kaleeto ma joogto
Taana wayna ahaannin!”
Gabayga Saahid iyo geeraarka Gurraase sidaynu ka fahmi karayno, labada ninba waxaa aad ula weynaa mabda’a sinnaanta, waxayna aamminsanaayeen wadatashigu inuu lamahuraan yahay; gaar ahaan danaha guud ee bulshada marka la maamulayo. Taasina labadooda iyo saaxiibbadoodii oo keliya kuma ay koobnayne, waxay ahayd Soomaalidii xilliyadaasi wax ay wada rumaysnayd.’
Haddii aynu tan maanta ku soo laabano, waxaa aan qormadan ku keenay oo Guddoomiyaha Guurtida oo khilaafka Kulmiye ka odayeeyay muujiyay in labada dhinac midkood is adkeeyay, waxaana gaar ahaan loo tirinayaa Madaxtooyadda. Sidaas oo ay tahay inagu odhan mayno madaxweynuhu waa kalli taliye oo malahayga halkaas ma gaadhin,. Muuse Biixina wuu is taawiyay umma quudhno oo waxaa uu qiray in wixii loogu taliyo uu yeellayo. Sidaas darteed, waxaynu leenahay labadooddaba mar haddii midna Xisbi dhan hoggaaminayo midna dalka oo dhan oo maca xisbigu ku jiro u madaxweyne yahay, kii adeer kalidii wax is mooddaa toona socon maayo’e, milicsadda taariikhda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here