UK Oo Ku Biirtay Dawlado Doonaya Inay Saldhig Millatari Ka Furtaan Somaliland

0
1

Gavin Williamson oo toddobaadkii hore booqday ciidammada UK ee ku sugan Kenya, uu xaqiijiyey in ka bixitaanka Midowga Yurub uu Britain u ogolaanayo inay  beddelaan siyaasaddii Lixdamaadkii ee ay kaga baxeen dalalka

Wargeyska Daily Nation Oo Warbixin Ka Qoray Socdaalkii Uu Axadii Wasiirka Gaashaandhigga Ingiriisku Hargeysa Ku Yimi

Hargeysa(Hubaal)-Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa shalay oo salaasa ahayd qoray  in dawladda UK ay ku soo biirtay dalalka Imaaraadka carabta oo saldhig millatari ka sameysanaya Berbera iyo Ruushka oo naawilaya inuu saldhig ka sameysto Saylac.

Warkaasi oo Wakaallada Wararka Somaliland ka soo xigatay Daily Nation, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson oo Madaxweyne Muuse Biixi kula kulmay Hargeysa ay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Safaarrada Somaliland ku leedahay Nairobi may beenin, mana ay xaqiijin in UK doonayso inay saldhig millatari ka sameysato Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu  ku faraxsan yahay booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhiga Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi  sii xoojinayo  dedaalka ay Somaliland ku raadinayso Aqoonsi caalamiya.

Waxa kaloo uu danjire Baashe Cawil sheegay in socdaalkii Xoghaye Gavin Williamson uu tusmaynayo in bulshada caalamku ay garwaaqsatay muhiimada Somaliland.

Booqashada uu Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK ku yimid Somaliland waxay ku soo beegantay toddobaad ka dib, markii uu iclaamiyey in Ingiriisku doonayo inay saldhigyo millatari ka sameystaan adduunka, marka ay ka baxaan Midowga Yurub dib, waxaanu Wargeyska Daily Nation ku warramay  in socdaalkan loo arkay inay suurtogal tahay in Xoghayuhu kala hadlay Somaliland sidii ay UK uga sameysan lahayd  saldhig millatari.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Gavin Williamson, oo toddobaadkii hore booqday ciidammada UK ee ku sugan Kenya, uu xaqiijiyey in ka bixitaanka Midowga Yurub uu UK  u ogolaanayo inay  beddelaan siyaasaddii Lixdamaadkii ee ay kaga baxeen dalalka.

Warka Daily Nation daabacday waxa lagu sheegay in saldhigii Millatari ee Imaaraadku ka hirgelinayey Magaalada Berbera ee Somaliland uu dhammaan doono bisha June ee sannadkan.

Madaxa Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Cumar Maxamed Faarax ayaa warbixintan soo turjumay

SHARE
Article horeHARGEYSA: Madaxda Wasaaradda Waxbarashada oo Lagu Wareejiyey Dhul Dan Guud ah
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here