Ummada Aan Yoolka Lahayn Wuxuu Wakhtigu Kaga Lumaa Wax Aan Dani Ugu Jirin!

0
48

W/Q: Qore: Maxamed Sharma’arke, Sharmaake91@gmail.com

Marka aanay ummaddu lahayn yool mideeya iyo hadaf ka dhexeeya oo ay si siman ugu heellan yihiin in ay si wada jir ah uga midho-dhaliyaan, kolba waxa ay dedaalkooga oo dhan iyo maskaxdoodaba ku bixiyaan waxyaabo raqiis ah oo aan sidaas u sii ridnayn, waxaana ay buunbuuniyaan waxyaabo aan u qalmin xataa in hal daqiiqo oo wakhti ah lagu bixiyo, iyaga oo si fudud iskaga baal maraya waxyaabo kale oo badan oo ay ahayd in xoog badan iyo dedaalba loo huro. Wakhti badan oo qaali ahaa iyo fursado dahabi ahaa oo aan soo noqod lahayn ayaa kaga hallaaba iska-daba-wareeg, xintan, isku-meeraysi aan u jeeddo lahayn iyo is-qabqabsi aan macno lahayn. Shay aad u kooban ayaa kala fogeeya, si fududna uma midoobaan maadaama oo aanay jirin himilo u muuqata oo ay ka lib-keeniddeeda u wada guntan yihiin ama jid ay wadaagaan oo idaylkood midaynayaa. Yool la’aantaasi waa xuddunta ay ku soo biyo-shubato kala qaybsanaanta bulshadu, waana sababta keenta in ay bulsho isku duubani mar kaliya u kala tafaraaruqdo sida dab dhagax lagu dhuftay, maadaama oo aanu awalba jirin hadaf ay gaadhiddiisa u midaysnaayeen. Waagii dillaacaba waxa ay ummaddaasi dul yuururtaa meel aanay dani ugu jirin, waxaana ka habaaba hadafka ay ka leeyihiin ummadnimadooda iyo jiritaankoogaba. Bulshadaasi waxa ay ku jah-wareertaa xintanka ka dhexeeya qofaf dantooda gaarka ah isku seegay oo aan iyaga waxba u soo tarin, una tari doonin, waxa aanay ku daba-faylaan qofafkaas iyaga oo kula kala safanaya kaliya inay wadaagaan ab-tirsi. Waxaaba iska caan ah in qofafkaasi ay ab-tirsiga u adeegsadaan danahooga gaarka ah, danahaas gaarka ah oo inta badan liddi ku ah danaha bulshada ay wadaagto, iyada taas la og yahay ayaa haddana lagu daba galaa!

 

Bal Soomaalilaan uun sidaas u eeg! Maxaa lagu mashquulsan yahay? Maxaa la isku haystaa? Ma dantii bulshada mise dan shakhsiyaad? Goorma ayaa innoogu dambaysay in aynu aragno qof ka hadlaya danta bulshada? Immisa jeer ayaad maalintii aragtaa qofaf dantooda gaarka ah oo ay waayeen awgeed gafuurka u taagaya, bulshadana iskaga hor-keenaya? Maxaa danta bulshada raqiiska ka dhigay, danta qofafkaasna qiimaha illaa xadkaas ah u yeeley, ma bulshada mise iyaga?

 

Inkasta oo masiibada jahligu ay tahay sababta aynaan isku weydiinayn su’aalo badan oo innagu xeeran amaba ay maskaxdeennu uga xishooto inay fikirto, haddana taas waxa sii xoojiyey ab-tirsiga midaynaya laba aan isku dan ahayn ee kala kaxaynaya laba dan-wadaag ahaa. Bulshadu hadba waxa ay isku urursataa sida ay isku dan uz tahay, waayo qayb kasta oo bulshada ka mid ah oo leh dan isku mid ah, waxa ay wadaagtaa caqabado isku mid ah, waxaana wada saameeya hadba sida loo xalliyo caqabadahaas ay wadaagaan. Balse ninka milyaneerka ah iyo ninka kaariyoonka ku xammaasha ee haddana isku reerka ahi, isku duruuf ma’aha, warna iskuma hayaan, waxna iskama oga! Waxa war isku haya oo isku duruuf ah labada kaariyoonka ku wada xammaasha ee kala reerka ah, iyagu in ay danahooga wada difaacdaanna waxa ku jirta sii noolaanshahooga! Intaas oo la fahmaa waxa ay innaga gudbin lahayd dhibaatooyin tiro badan, balse inta labadaas kaariyoonka ku wada xammaashaa ay u colloobayaan isa-seegga dhex mara labada milyaneer ee ay ab-tirsiimada wadaagaan, waa inta ay bulshadu talada seeggan tahay, gudcurkuna uu xididdo adag dhexdeenna ku sii mudanayo. Tusaalahani waa mid bulshada kale oo dhanna sawir innaga siinaya oo aan ku koobnayn intaas aan tusaalaha u soo qaatay oo qudha.

 

Inta aan la murmin ee aan la is-qabqabsan, horta waa maxay ujeeddada aynu ka leennahay ummadnimadeenna? Maxaynu u jirnaa? Maxaynu dal u nahay? Ma is-qabqabsi? Ma muran? Ma qabyaalad? Ma inaynu shakhsiyaad u danayno? Maxaynu doonaynaa? Maxaynu hiigsanaynaa? Halkee ayeynu u soconnaa? Yaa mudan in la taageero? Yaa se mudan in aan la taageerin? Marka aynu jawaabo waafi ah u helno su’aalahan iyo kuwo kale oo badan ayeynu doodi karnaa, ugu yaraanna sidaas ha la yeelo iyo yaan yeelin isku qabsan karnaa, waayo markaas waxa jira cabbir aynu wax walba ku dhererinayno oo ah yoolkeenna wixii ina gaadhsiin kara iyo waxa aan ina gaadhsiin karin. Balse inta aynaan garanayn yoolka aynu leennahay, maba jirto wax aynu ku murannaa ama isku qabqabsannaa, waayo cabbirba ma lihin aynu wax ku qiyaasno.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here