Ummadu Ha Kala Deyso Dalka wax Haloo Qabto iyo Lacagta Qaranka Hala Iska Gurto

0
1

 

“Muddo-xileedka Kooban Ee Ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Talada Hayso Iyo Waxyaabaha Laga Bedalay”- W/Q: Axmed Gobanimo, Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE

Muddada aan sanadka gaadhin ee ay talada hayso xukuumadda xisbiga KULMIye ka dhalatay ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxaa ka muuqda isbedel dhinaca maamulka iyo haykalka dawladnimada ah oo lagu sameeyey nidaamkii hore ay u dhisnaan jireen xukuumadihii hore ee dalka Soomaliland, kuwaas oo xukuumaddani qaarkood meesha ka saartay halka ay kuwo kalena soo kordhisay.

WAxyaabaha meesha ka baxay waxaa kamid ah

Wasiirradii faraha badnaa ee safarada dibada iyo gudahaba socon jiray oo kharash badani ku bixisay, shidaalladooda, iyo dhaqdhaqaaqooda, sidoo kale waaa meesha ka baxay lacago iyo dhaqaalle aan loo meel dayin oo ay masuuliyiintu u qori jiray dad ka ay danaha ka leeyihiin ha noqdaan kuwa beeshooda ama kuwo dano ka dhexeeyaan. Tusaale ahaanna dadka ay masuuliyiintaas isku beesha yihiin ayaa lacagaha ay u qoraan lagu sababayn jiray mid laaluush ah oo masuulku ka laaluushayo xilka uu hayo iyaga oo uu ka cabsi qaba inay ugu hanjabaan xilka aad reerka u hayso ayaanu kaa qaadi intaanu madaxtooyada tagno..

Odayaashii iyo siyaasiyiintii madaxtooyada mashquulin jiray oo meesha ka baxay ayaa iyana ay xukuumadi soo kordhisay , iyada oo madaxtooyaduna noqotay meel danka qaranka lagaga shaqeeyo.

Waxaa kale oo meesha iyaguna ka baxay qof mucaarid iska dhigaya oo aan cidna metelin oo wax ka sheega xukuumadda. Agaasimihii wasiirka bedeli jiray ee madaxtooyada uga faro dhuudhuubnaan jiray masuulka ka sareeya ayaa isaguna meesha ka baxay iyada oo wasiirka wasaarad kasta awood buuxda loo siiyay in uu wasaaradiisa maamulo. Intaasi waa intaa waxa iyaduna soo kordhay oo aan is dul taagi doonaa waxa la qabaty iyo waxyaabaha hirgalay mudadaas, kuwaas oo ay kamid yihiin ka shaqaysiinta masuuliyiinta iyo shaqaalaha dalwadda oo saacado badan u mmada u shaqeeya.

Bangigii dhexe oo noqday meel kaantaroola lacagaha sarifka sixirjaridiisa iyo soonoolaynta shilinkii Somaliland. Tayaynta cidamada Somaliland haykal iyo haybadii iyo kor uqadida nafaqayntoda iyo aqoontoda oo meshi ugu ficnayd maraysa . Mashquci biyo baladhinta casimada oo xukumadu dardargalisay dhamadna kudhow insha allah

Musuqmasugi oo hoose udhac baladhani kuyimid. Tasoo melaha umadu iskugu timado oo oday kuxoogsigi iyo afkuxogsigi leyihin xukumad qufulan ayaa dalki timid. Ugu dembeyn waxaan ku soo koobayaa  Umaddu ha kala dayso dalka wax haloo qabto  Iyo lacagta qaranka ha laiska gurto.

Allaa mahad leh

Siyaasi Axmed GObanimo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here