Vienna: Kulan Uu Mareykanka Ka Maqanyahay Oo Lagu Lafa Gurayo Nuclear-ka Iran

0
1

Veina (Hubaal) – Ergooyinka ka kala socda dalalka Awooda leh ee Britain, France, Germany, China, Russia Iyo Iran oo uu ka maqan yahay dalka Maraykanka ayaa kulan uga furmay magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria, kaas oo lagaga hadlayo heshiiskii dhinaca Nuclearka ee ay dalalkani saxeexeen ee ay la galeen dalka Iran sanadkii 2015-kii.

Kulankan ayaa la doonayaa in lagu bedbaadiyo heshiiskii IRAN iyo Quwadaha Adduunka oo uu waxyeeleeyay ka bixitaankii Madaxweyne Trump.

Heshiiska uu Trump ka baxay ayaa dhigayey in IRAN joojiso Horumarinta Macdanta laga sameeyo Nuklearka, hadday taa fulisana waxa ballan-qaadka Quwadaha Adduunka, sida Germany, Britain, France, China, Maraykanka, Russia iyo Japan uu ahaa in laga qaado Cunaqabaynta dhaqaale ee saaran, laakiin Maraykanka oo ah Waddanka ugu Dhaqaalaha badan Dunida xilligan ayaa ka baxay heshiiskaasi, taasina waxay keentay xiisadda xilligan ka taagan khaliijka.

Diblumaaisyiin ka kala socda Dalalka Germany, Britain, France, China, Russia iyo IRAN oo wada jir ah ayaa maanta ku kulmay Magaalada Viena ee Caasimadda dalka Austria

Diblumaasiyiintan ayaa waxyaabaha ay isku dayayaan inay ka wada-hadlaan waxa ka mid ah in la dejiyo Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN, ka dib Mushkiladaha xidhiidhka ah ee ka dhacay Gacanta khaliijka illaa xilligaa iyo weliba sii socoshada Cunaqabaynta uu Maraykanku ku hayo IRAN.

Warbaahinta Dunida qaarkood ayaa qoraya in kulankan ay dabada ka riixayso Dawladda Britain oo ay si gaar ah isugu dhaceen IRAN, ka dib markii Britain ay qabsatay Markab shidaal oo IRAN leedahay, taasi oo IRAN kaga jawaabtay qabsashada Markab Ingiriisku leeyahay.

IRAN ayaa intii Xiisadda khaliijku kacsanayd waxay dhulka soo dhigtay diyaarad nooca wax basaas ah oo Maraykanku leeyahay, waxayna qabsatay laba Markab oo mid Ingiriisku leeyahay.

SHARE
Article horeMadaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here