Waa Kuma Xildhibaanka Ugu Soo Horreeya Liiska Xil-sugeyaasha Golaha Wakiillada Ee Buuxin Doona Xubinnimada Cabdiraxmaan-Cirro Banneeyo?

0
326

Abwaan Magac Ku Leh Suugaanta Soomaalida Oo Buuxin Doona Xubinta Xildhibaannimada Ee Uu Bannaynayo   Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi

Murashax Cirro Waxaa Uu Iska Casilay Hoggaamintii Golaha Wakiillada Oo Keliya, Balse Istiqaallada Xubinnimadii Gobolka Laga Soo Doortay ee SAAXIL Way U Hadhay

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay si rasmi ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada hortooda ugaga dhawaaqay inuu iska casilay Guddoomiye-nimadii Wakiillada, 12 Sannadood oo uu Xilkaasi hayey ka dib. Guddoomiye Cirro oo Khudbad dheer u jeediyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo shalay fadhi aan Caadi ahayn, ayaa gebogabadii Khudbaddiisa ku sheegay inuu iska Casilay Xilka Guddoomiye-nimada Wakiillada oo uu soo hayey 12kii Sannadood ee u dambeeyay.  Iscasilaadda Guddoomiye Cirro, ayaa Mudaneyaasha Cod Gacan taag ah ku ogolaadeen. 71 Xildhibaan oo ka soo Xaadiray Fadhigan oo uu Guddoomiye Cirro Shir-Guddoominayey, ayaa 70 ka mid ahi ogolaadeen Iscasilaaddiisa, ma jirin Cid diidday ama Cid ka aamustay, halka Guddoomiyuhuna aanu ka codaynin. Waxa loo ballamay in Axadda Toddobaadka soo socda la doorto Shir-guddoonku cusub haddii Alle yidhaahdo. Iska casilaada guddoomiye cirro oo ka dembaysay kadib markii ay kaabiga saaran tahay qabsoomidii doorashada madaxtooyada ee loo muddeeyey inay ku loollamaan saddexda murashaxa ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE oo Dabcan Md. Cirro uu isagu kamid yahay saddexdaas murashax ayaa sida xeerku dhigayo waxaa murashaxa jagadaasi isu taagay waxa shuruudaha ku waajibay kamid ah inaanu shaqo kale oo qaranku leeyahay ku jirin marka liiskamurashaxiinta saddexda xisbi iyo taariikh nololeedyadooda u gudbiyaan komishanka, maalintaas oo wixii ka dembeeyey masuulka is sharraxaya ay ka reeban tahay in uu shaqaalle dawladeed noqdo sidaasi darteed isaga oo Cabdiraxmaan Cirro ka shidaal qaadanaya waajibaadka dastuuriga ah ee  saaran murashaxa isaga oo kale ah ayaa uu muddo dheer oo hadal haynta is casilaadiisu socotay kadib waxaa uu shalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas oo uu muddo 12 sanno ah hayay, iyadoo sidoo kalela filayo in xubinnimadii golahaasi uu ka tirsanaa uu bannayn doono dhawaan, iyadoo booskiisa uu soo buuxin doono  xildhibaannadii kaydka ahaa ee gobolka uu ka soo baxay ee SAAXIL ugu qornaa lambarka koowaad  xil sugayaaasha. Md. Cirro oo kamid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Saaxil ayaa waxaa marka uu si toos ah u macasalaameeyo golaha wakiillada waxaa kursiga uu banneeyey ku fadhiisan doona loona dhaarin doonaa  Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug) oo kamid ahaa murashaxiintii xisbiga UCID uga tartamayay doorashadii golaha wakiillada ee sanadkii 2005-tii gobolka Saaxil, waxaanu si rasmi ah u buuxin doonaa booskaas marka uu xilli aan fogayn xubinnimada golaha iska casilo Md.Cirro.

Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi Oo Gaaxnuug Loo yaqaannaa waxa uukamid yahay hal abuurrada foollaadka ah ee reer Somaliland isaga oo kaalin mug leh suugaantiisu ka soo qayb qaadatay  halgankii SNM, markii dalku xoroobayna waxaa uu muddooyinkii ka dembeeyey degannaa dalka Jabuuti hase haatee waqti xaadirkan waxaa uu rasmi ah aan ugu soo guuray dalkiisa hooyo ee Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here