“Waa La Dhaafay Xiligii Nalagu Khuukhin Jiray Itoobiya, Waddamada Carabtana Dantoodu Waxay Ku Jirtaa Somaliland Ee Kuma Jirto Soomaaliya”

0
41

Guddoomiyaha UCID Oo Maaweelo Ku Macneeyey Bayaan Ay  Wasiirrada Carabtu Kasoo Saareen  Askhato  Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ay Dawladda Muqdisho U Gudbisay

“Somaliland ayaa la jaar ah oo badda cas  ku taalla,  Soomaaliya jaar lama aha carabta, sidaas darteed waxa waddamada carabta dantoodu ku jirtaa Somaliland ee kuma jirto Soomaaliya.” – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe -WARAYSI

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa  ku sifeeyay xukuumadda  Soomaaliya mid ku fashilantay inay nabadayso dalkeeda,  waxaanu sheegay in shaqadeedii noqotay  inay  xaasido   dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland. Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Waxa uu intaas ku daray   in heshiiska saddex geesoodka ah ee horumarinta marsada Berbera ee ay wada galeen Dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World uu fuli doono. Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA. “Horta ma jirto wax la yidhaahdo dawlad sharci ah oo Soomaaliya ka dhisani, waxa ugu dambaysay dawlad tii Siyaad Barre, inamadan imika joogaana way nabadeyn kari waayeen dalkooda oo markii ay waxba qabsan kari waayeen ayey arrintoodii ku soo ururtay inay xaasidaan horumarka  Somaliland. Taasina uma soconayso,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal. Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaanu iftiimiyey in Somaliland ay dhaaftay wakhtigii lagu khuukhin jiray dalka Itoobiya oo uu xusay inuu ka dhexeeyo cilaaqaad iskaashi  ballaadhani, waxaanu yidhi; “Waxaan u  sheegaynaa Soomaaliya in Somaliland ay dhaaftay  xiligii lagu khuukhin jiray Itoobiya oo aanu jaar nahay,  Somaliland waxay xidhiidh dhaqan iyo iskaashi naga dhexeeyaa dawlada kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya oo xor  ah kana tirsan dawladda Itoobiya.” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu xusay in Somaliland ay jaar la tahay khaliijka carabta,  sidaas darteed waddamada carabtu ay tahay inay wax la qabsadaan Somaliland. waxaanu yidhi “Somaliland ayaa la jaar ah oo badda cas  ku taalla,  Soomaaliya jaar lama aha carabta, sidaas darteed waxa waddamada carabta dantoodu ku jirtaa Somaliland ee kuma jirto Soomaaliya.” Guddoomiyaha UCID oo la weydiiyay siduu u arko Bayaan ka soo baxay shirkii wasiirrada carabta oo ka dhashay askhato  ay u gudbisay dawladda Muqdisho, waxa uu sheegay in dalalka carabtu ay maaweelinayaan Soomaaliya. Sidoo kale Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu soo dhaweeyey sidii adkayd ee madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uga jawaabay hadalkii xiqdiga ahaa ee ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya. Guddoomiye Faysal wuxuu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu Soomaaliya dareen siiyey tacabka iyo dhibaatada ummadda reer Somaliland u soo martay dib u xoraynta dalkeeda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here