“Waa Maxay Hambalyada Ninka Xamar Xilka u Doontay!!!”? W.Q: Prof. Cabdi Cali Jaamac

0
1

 

 

Haddii aynu ka kori waynay qabiil iyo qabyaalad ,dhib ma leh haddii aynu u wada hadallo sidii awoowyadeen u wada hadli jireen oo meesha laga saaro nacasnimada iyo dheglay ku shub dhan walba ha lagu qadee iyo cadowga oo aynu isu loogno.

 

Waxan la yaabay Face-buugga waxa ka socda; waar ma maanta ayaynu si badheedh ah u hambalyaynaa nin xamar xil u doontay; miyaynaan xataa kala xishoonayan; saw tii aynu wax xeerin jirnay; maxaa iga danbeeyay?; ma doorashadii waaxan ahayn; oo ma Boqor baa m/weynaha iyo ku/xigeenkiisa la doortay ;mise waa Dictator xoog innagu qabsaday; miyaynaan farteena iskaga kaxayn Karin; ma doorasho la kala helay baa waddankii dhammaa u xaraashteen; Wallahi waxaan is mooday in aan yara dhintay oo aan soo noolaaday; waar goorma dalka iyo dadku sidan noqday; waar ma maanta oo aynu dagaal ku jirno ayaad waxaa samaynaysaan; waar bal dib may isugu noqonnaa?!!!

 

Waar hadda taa aad ka cabanaysaan mid la mid ah ayaa jirta heer kasta; illayn bahasha qabyaaladda ahi waa basale. Inkastood I odhan doontaan idinkaa isu qaba, haddana bahashu waa iska xanuun aynu la noolahaye; in yar oo xisaab hoose ah u dulqaata; idinku waabad ka codayseene; intaanu codkii siinay oo u ololaynay xoog iyo xoolaba; oo uu na yidhi reerkayaga waxba siin maayo, ayuu annagana qori kari waayay magacayagiii, reerkiisii uu lahaa waxba siin maayana; isagoo isagiina la siiyay xilkii Qaranka u sarreeyay; uu lix digreeto ku soo saaray; markaasaa waliba laysku diganayaa oo lagu odhanayaa shaadhkayga ha ku shaqaysan; oo maxaad I siisay ee aan ku shaqaystaa; waar ma waxaa leedihiin markaas xamar xil u doono; waar taasi caqli ma aha ee ka daaya sidaa aad wax u wadaan, inama anfacayso wallahi!!

 

Noolaada, Noolaada;

Abdoo

Your civil society acitivist

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here