Waa Maxay Sababta Xildhibaannada Golahiisa Loogu Dari Waayay Ergada Nabadeed Ee Ceel Af-weyn?

0
1

Hargeysa, (Hubaal)-  –  Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay Sababta Xildhibaannada Guurtidu uga mid noqon waayeen Ergada Nabadeed ee ku hawlan Walaalaynta Beelaha Degmada Ceel Af-weyn ee Colaaddoodu soo noqnoqotay.

 

Guddoomiye Saleebaan oo Shalay hadal u jeediyey Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa sheegay in haddii Xildhibaannada Golaha Guurtidu wax ka qabanayaan Colaadda Beelaha Ceel Af-weyn ay dhowr jeer oo hore tageen, balse ay dedaalkoodii uu midho-dhali waayay isla-markaana Nabadayntooda ka dib ay dib u dagaalameen labada Beelood, sidaasi awgeed ay muhiim tahay in Xildhibaannada Guurtidu aanay odhanin ‘Maxaa la noogu dari waayay ergada joogta Ceel Af-weyn’ ee ay duco ku kaabaan Madax-dhaqameedka, Culimada iyo xubnaha Dawladda ka socda ee halkaa u jooga Walaalaynta labada Beelood Ceel Af-weyn.

 

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nimankii Diintii inoo Tarjumayey aynu dirno, Madax-dhaqameedkii aynu dirno, Anigu meel loo dhaafo garan maayo, waxaynu u nidhaahno Guurti-dii baa laga tagay ma jirto.”

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dedaal nabadeed ee Xildhibaannada Golaha Guurtidu hore uga geysteen Colaadda Ceel Af-weyn aanay waxba ku hagaagin, “Waar Guurti cidna kama tagin, ku noqde oo ka noqde (Guurtidu Ceel Af-weyn), haddana la isku noqonay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxay ila tahay intaa Maanta ku maqan ILLAAHAY haku guuleeyo, Odayaashii dhaqankaa ku maqan, Dawladdii baa ku maqan, Culimadii baa ku maqan, aynu u dayno oo aynu Garab iyo gaashaan u noqono una ducayno.”

 

 

 

Hadalka Guddoomiyaha Guurtida ayaa ku soo beegmaya, Maalmo uun ka dib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtidu ay Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ka maarmay, maaddaama bay yidhaahdeen aanu ku darin Ergada nabadeed ee dhawaan loo diray Walaalaynta labada Beelood ee dhowrka jeer ku dagaalamay deegaannada Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here