Waa Sidee Xog Baadhista Saxaafaddu, Sida Musuqa,Cadaalad Darada iyo Wixii La Midka ah? Cali Maxamed (Cali Saxafi)

0
15

Qaybta 1 aad:

Saxaafaddu waxay baadhitaan ku sameysaa,oo umadda u soo bandhightaa,xogo iyo warar dadka qaar isku dayayaan inay umadda ka qariyaan.sida loo baadhayaana waa hanaanka loo baadho xogaha kale,balse dadka xudunta u ah,baadhitaanku,had iyo goor kuma caawinayaan,oo waxay isku dayayaan inay shaqadaadu joogsato.

Shaqada suxufiyiintu waa inay bulshada u soo bandhigaan,isla markaana la socodsiiyaan,waxa bulshada dhexdeeda ka jira,iyo weliba bulshooyinka kale ee caalamka.suxufiyiintu waxay soo bandhigayaan xaqiiqada oo ay u sheegayaan akhritayaasha,dhageystayaasha ama daawadayaasha.

Shaqadani,helida xaqiiqadeedu way fududahay,sida looga helo goobaha maxkamaddaha,baarlamaanadda,masiibooyinka,kulamadda bulshadu yeelato,goobaha ciyaaraha lagu qabto.had iyo jeer dadku way ku faraxsan yihiin inay suxufiyiintu u soo gudbiyaan wararka iyo macluumaadka.xaqiiqdii,dalal badan ,kummanaan qof ayaa shaqeynaya wakhtiga oo dhan ,kana shaqeynaya xidhiidhka dadweynaha,waxay  siinayaan suxufiyiinta  macluumaad,faalooyin,warsaxaafadeedyo iyo xogo kale oo muhiim ah.

Aduunka oo dhan,waxa jira waxyaabo badan oo dhacaya balse dadku doonayaan inay sir u ahaato. Xaaladahaasi badankoodu waa qaar khaas ah,oo aan wax sameyn ah ku yeelanayn dadka kale,sida xidhiidhka qoyska,war bixinada qoysaska looga soo wariyo arimaha la xidhiidha waxyaabo aan habooneyn  caruurtooda dhigaynaysa iskuulka. Dhacdooyinkaasi waxay saxaafadu u aqoonsan tahay arimaha khusuusi ah.

Xaalado badan,dawladaha,shirkadaha,ururada iyo shakhsiyaadka qaar kood waxay isku dayaan inay qariyaan,go’aamada ay gaadhaan ee saameynta ku leh,noloshada bulshada. Marka suxufiyiintu isku dayaan inay ka war bixiyaan mawduucaasi,ay doonayaan inay qariyaan,ayaa waxa la yidhaa baadhitaan saxaafadeed.

Soo Saarihii weynaa ee Wargeyska British Newspaper ee la odhan Jiray Lord Northcliffe Wuxuu yidhi: “ Warku waa Xogta ay dadku qarinayaan ama qof uu qarinayo; waxa intaasi ka soo hadhay waa xayeysiis.”

Dhawr arimood ayaa jira oo ay bulshadu ugu baahan tahay in saxaafaddu ku sameyso baadhitaano:

Dadku xaq ayey u leeyihiin inay ogaadaan arimaha la xidhiidha noloshooda.waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan go’aamada la gaadho ee sameynta ku leh,xitaa hadii ay dadka awooda haystaa ay doonayaan in ay sir u ahaato xogaha sameynta ku leh,nolosha bulshada.

Dadka awooda haysa-sida dawladda,ganacsatada waaweyn, ama cid kasta oo awood ku dhex leh bulshada-waxay sameyn karaan xad gudub awoodeed. Waxay sameyn karaan musuq-maasuq,lacago xadid,sharci jabin iyo wax kasta oo wax yeelo ku ah bulshada. Waxa laga yaaba in aysan shaqadooda u gudan sidii ugu habooneyd. Waxay had iyo goor isku dayayaan inay qariyaan xogaha. Suxufiyiintu waxay had iyo jeer iskugu dayaan inay ka shifaan xad gudub yadaasi.

Jaawibaadka suxufiyiintu waa inay indha indheeyaan sida ay u fulinayaan awoodooda shaqo,gaar ahaan kuwa la doortay ee bulshada xafiisyada u fadhiya. Suxufiyiintu waa in ay had iyo goor weydiiyaan dadka  la doortay sida ay u fuliyeen balan qaadkii ololaha doorashada ay ku galeen,siyaasiyiinta iyo cida kale ee la doortay ee isku dayaya in ay qariyaan balan qaadkii ay dadka u sameeyeen iyo qarinta xaqiiqada; suxufiyiintu waa inay isku dayaan inay umadda u soo bandhigaan fashilaada jirta.

Dabcan,suxufiyiintu uma soo bandhigayaan oo kaliya bulshada karti darada dadka awooda haysta,musuqa ay sameynayaan,beenta shacabka ay u sheegayaan iyo balanqaadyada aan la fulineyn. Ee waxay sidoo kale bulshada u soo bandhiagayaan xaqiiqada ka dhex jirta baarlamaanka,golayaasha,maxkamaddaha,hayadaha,awoodaha booliska.had iyo jeer boolisku dadka sharciga jabiyey waxay geeyaan maxkamadda.laakiin  mar marka qaar booliska laftigoodu wakhti ma hayo,ama aqoon dhab ah,oo ay ku soo qabtaan xad gudub kasta,ma sameyn karaan wax kasta oo lidi ku ah,dadka oo dhaqan xumo ah,iyadoo xaqiiqdii sharciga la jabinayn ,oo dadka sameynayaa sharcigii aysan jabin balse shaygani uu yahay mid aan wanaagsaneyn.

Suxufiyiintu kaalin wanaagsan ayay ku leeyihiin.siyaabo kala duwan ayay ugu leeyihiin,marka suxufiyiintu soo bandhigayaan waxa khaldan,suxufiyiintu dadka ma ciqaabaan.suxufiyiintu kaliya waxay toosha ku qabtaan wixii khaladaad jira,dareenka bulshadana way ku soo jeediyaan,wixii inta ka danbeeyana waxay u taalaa bulshada,inay bulshadu ciqaabto cida khaladka sameynaysa ama inay bulshadu bedesho nidaamka jira ee fashilmay.

Suxufiyiintu Maxay Baadhayaan?

Suxufiyiintu waxay baadhayaan oo umadda u soo bandhigayaan xad gudubyada,Musuq-maasuqa iyo danbi kasta oo lagu sameeyo bulshada,laakiin meelaha la baadhayo waxa ka mid ah.

La Soco Qaybaha Danbe—–

Qoraalkii : Cali Maxamed (Cali Saxafi)

B.A in Journalism

Hargeysa/Somaliland

Calisaxafi@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here