HUBAALMEDIA.COM
Waa Waajib In Turkiga Aan Ula Dhaqano Hadba Sida Uu Inoola Dhaqmo
August 4, 2016 - Written by admin

Qore: Abdillahi Adam Omar[Wayab]

WAyabaTan iyo intii dalka Turkiga loo soo raray wada hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda lagu sheego Federaalka ee Somaaliya, waxa maalinba ta kale ee ka sii dembaysa ee ay labada dhinac ku kulmaan Turkiga, waxa sii tirtirmayey nuxurkii iyo ujeeddadii beesha Caalamku saldhigga uga dhigeen wada hadallada labada geesood oo ahayd, in wada xaajoodku u dhaxeeyo labadii dal ee Boqortooyada Ingiriiska iyo Talyaanigu u kala talinayeen. Haddaan ka sii durkiyo intaa si cid kastaba u fahamto waa labadii dal ee midna 26kii June,1960kii ka qaateen xorriyaddooda Boqortooyada Biriteyn oo ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Somaaliya oo 1dii July, 1960kii iyana ka qaatay Talyaaniga.

Labadaa dal ee mid walba gaar ahaantiisa u qaatay madaxbannaanidiisa ee xuduudahooduna aanay ahayn kuwa hadda kala-guris u baahan, haseahaatee yihiin kuwa la yaqaan oo caalamiyan horeba usoo jiray, kana diwaangashan Qaramada Midoobay, ayaa iska dhaaf garawshiiyo iyo isku soo dhaweyne uu tafa-xeytay, in qodobadii toddobada ahaa ee hortii lagu soo heshiiyey uu jeex-jeexay kuna dhex riday mar hore saladda qashinka. Waxa ay mas’uuliyiinta Turkiga oo uu kaw ka yahay hoggaamiyahooda Ordukhaan beddeleen oo ay dhallan rogeen waxyaabihii aasaaska u ahaa wada hadal ee ahaa, in labada dal madaxdoodu isla gorfeeyaan sidii ay u kala guran lahaayeen.

Madaxda sare ee Turkigu, waxay miiska wada hadallada soo dhigaan mar kasta oo ay isugu yeedhaan labada dhinac ajendayaal aan wax dan ah ugu jirin Jamhuuriyadda Somaliland, balse marka si qoto dheer loo dhugto laga dhex arki karayey in gogol xaadh u ahaayeen rajo ku salaysan dib usoo celin midnimadii sharci la’aaneed ee Somaliland iyo Somaaliya ee lagu suntaday 1dii July, 1960kii, taariikhaha dunida ku xardhan yihiin xasuuqii loo geystay dadkii iskood ugu jibbooday isku keeniddii Somali-weyn ee isku darkii bilaa shuruuda uga dhigay si ay saddexdii Somaaliyeed ee kale fure ugu noqdaan labadii xornimada ugu hor helay.

Qodobadii ajendayaasha aan soo xusay ujeeddada ay dabada ku hayeen, waxa ka mid ahaa, ka wada hadalkii Hawada Sare, iyadoo la ogsoon yahay in xuduudaha dalalka dunida u kala xadaysani kala yihiin xuduudaha xagga Hawada sare, Badda iyo dhulka. Sidoo kale waxa ka mid ahaa ajendayaashaa miiska uu Turkigu sii dhigi jiray, kana ansixinayey labada geesood, isu socodkii xuduudaha ee dadka ku kala nool labada dal[Somaliland iyo Somaaliya],kuwa kale oo badan oo aan xaggayna ka diidnayna way jireen sida in wada hadallada innaga oo aanu Turkigu ina soo wargelin ay Somaaliya dhinaca wada xaajoodka kusoo darsadeen dad Somalilander ah. Turkigu dulqaadkii faraha badnaa ee aan u yeelanay waxyaabihii uu dabada ka waday, ayaa waxa dhacday in malahayga uu isagu si kala u macnaystay, kadibna uu gaadhay heer uu gebi ahaanba dhallan rogo nuxurkii iyo ujeeddadii wada hadallada una beddelo mid la isticmaalo marka la damacsan in wax la khiyaameeyo oo loogu yeedho, bulshada ra’yidka, taasoo uu kulannadoodii ugu horreeyey ee labada bulsho ra’yid isugu keenay dalkiisa. Geesta kale Muqdisho. ayaa iyana geesteeda ka bilowday olole ay ku doonaysay inay ku kulansiiso Madax=dhaqameedka labada dhinac, taasoo ay si degdeg ah isaga xidheen mas’uuliyiinta sare ee JSL.

Haddaba, bal aan isweydinee maxaa isku beegay kulannadii bulshada ra’yidka ee Turkiga iyo Ololihii Xasan=ka Muqdisho ee kulanka Madaxdhaqameed uu isagu hago? Hadafyada iyo ujeeddooyinka labaduba waxay ahaayeen ku qorshaysan oo looga dan lahaa, in lagu mijaxaabiyo jiritaanka Qaranimadeena, iyadoo uu Turkigu damacsanaa inuu si kasta oo suurtagal ah ugu saxeexo bulshadaa uu u magaca bixiyey ee sawirkoodu yahay inay metalaan dadka ay kazoo jeedaan. Sidoo kalana sidaa Turkiga si la mid ah ayuu Maamulka Muqdisho lagu ilaaliyaana u sii qorshaystay inuu dib u soo celinta wixii Somaali eedday ee midnimo ku sheega loogu yeedhi jiray u adeegsado madaxdhaqameedka labada dal oo iyana sidii loo yiqiin ah kuwa aan dabadood cidna waxka daba odhan Karin. Isku soo wada duub, marka la eego Turkiga siyaasaddiisa oo ah mid aan waxa madaxbannaani la yidhaa marna dhegihiisu maqlin Karin, maadaama uu Kurdiyiinta oo soddon sanno in ka badan halgan ugu jiray ka madaxbannaanida dalka Turkiga aan aqbalin, xoogna ku haysta, sidoo kalana si uu dawlad jirta oo shaqaysa uga dhigo Somaaliya u huray dhaqaale aan la qiyaasi Karin, isla markaana siyaasiyan garab siiya Muqdisho mar kasta oo Caalamku ka sii jeesto, isagoo si degdeg ah uga dega Madaarka uu dib u dhisay ee Muqdisho iyo kuwa kale oo badan awgeed, ayaanu Turkigu marnaba dhexdhexaad iyo wax u eeg toona ka noqon Karin wada hadallada. Ta ugu dembaysay ee Turkigu isagu isku caddeeyey inuu dhinac yahay oo midnimo aan suurtagal ahayn u dagaalamayo, waxa inoo xaqiijiyey Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho oo dhawaan daboolka ka qaaday baasaboor aqoonsi oo Somaliland leedahay hadalkii daayoo uu dalkissu yahay ka ay ka go’an tahay dib usoo celin midnimadii rajadeed mar hore goblantay.

Sidaa darteed, maanta ma muuqato wax dembe oo aan ku sii dugsano Turkiga iyo siyaasadihiisa, qunsul haddaad maqashana, inta badan waxa ay dalalku fadhiisin uga dhigaan magaalo madaxda labaad ee dalka uu Safiirkiisu fadhiyo, markaa waa inaan Turkiga hadda iyo wixii ka dembeeya ula dhaqaan xag diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo dhinacyada kaleba hadba siduu wax uga beddelo sida uu imika inoola dhaqmo, isla markaana dalkeena ka caydhinaa Qunsulka la inoo soo dirsaday ee kala furfur iyo hadimooyin kale mooyee wax dan ah inoo hayn.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews