HUBAALMEDIA.COM
“Waad Maqleyseen In Dawladdu Oggolaatay Heshiiska Uu Hor-dhiciisu Hadda Bilaabmay, Mucdiisanna Hadda Ayaa La Geli Doonaa”
August 8, 2016 - Written by Mustafe Faro

“Haddii Khaliif iyo Maamulkiisi Aqbaleen aad baan ugu mahad-naqayaa, una.…” Wasiir Cali Maxamuud Axmed

cali maxamuud xaamud wasiirka shaqada & arrimaha bulshadaHargeysa (Hubaal):- Wasiirka arrimaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle), ayaa u mahad-naqayo Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxda uu hoggaamiyo ee Khaatumo la baxday sida ay u aqbaleen inay wadahadal la furan dowladda Somaliland, isagoo sheegay in wadahadalkaas hordhiciisi bilaabmay, isla markaana mucdiisa maalmaha soo socda la guda-geli doono.  Waxaanay Weftiyo Khaatumo iyo Somaliland ka socdaa ku kulansan yihiin magaalada Caynabo oo wejiga koowaad ee wadahadalku ka furmay. Wasiir Cali-Sandulle waxa uu sheegay Somaliland oo mid noqota oo waxyaabaha dhexdeeda ka jira ka saartaa inay horseedi doonto Somaliland awood leh oo isku duuban. “Runtii anigu waxaan u arkaa inay arrin wanaagsan tahay, waanan soo dhawaynayaa wadahadalkaas. Waxaan u arkaa in ay dantu ku jirto Somaliland in ay isu wada-timaaddo, markaas ayey wax noqonaysaa, markaa ayey Walaalnimadu buuxsamaysaa, inta cidi innaga maqan tahay waa wax innaga maqan, waana meel innaga bannaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali-Sandulle oo Axaddii shalay u warramay Bulsho TV. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku daray; “Markaa, inaynu wada gufayno oo la isu yimaaddo, oo hareeraha la wada qabto oo wax la wada qaybsado, haddaynu saami ka cabanayno iyo haddaynu ka cabanayno isku duubnideenna inta-ba markaas, ayay taabbo-galaysaa, aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa.” Cali-Sandulle wuxu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waad ogtihiin mawqifka ay Xukuumadda Somaliland ka qaadatay, mar walba dib-u-heshiisiin iyo in la isu-yimaaddo marar badan baa lagu dhawaaqay, wakhti badan bay gogosha nabadeed taallay, maanta haddii qoladii kale ee Khaatumo ama Cali Khaliif iyo Maamulkiisi aqbaleen aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa.” “Dowladduna way oggolaatay, waanad maqlayseen dowladdu inay heshiiskaas diyaar u tahay, hordhiciisana wuu bilaabmay, mucdiisiina haddaa la geli doonaa, iyagana imaatinkooda waan uga mahad-celinayaa, Xukuumadda iyo siday u soo dhawaysayna waan uga mahad-celinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali-Sandulle.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews