Waan Hayaa Dawadii. W/Q: Xamse Cumar Kujoog

0
57

“Wanaagga dunida oo dhammi waxa uu ku jiraa werwer la’aan, wanaagga aakhiro oo dhammina waxa uu ku jiraa gef la’aan”

Aadamuhu meel uu ku nool yahayba waxa dhab ah inuu kala duwan yahay, waxa uu ku kala duwan yahay abuurka, dhaqanka, midabka, luqadaha iyo sidoo kale qaab fekerka, sida ku cad Qur’aanka “Waxa ka mid ah calaamadaha Ilaahay lagu garto abuurka samooyinka, dhulka iyo kala duwanaanshaha afafkiinna (luuqadihiinna iyo midabbadiinna” Ruum 22.

Qofka wax qoraya, ka wax sheegaya, dhakhtarka wax dawaynaya, sheekha dadka wacdiyaya iyo cid kasta oo ummadda wax taraysa waxa waajib ku ah inay qiimayso kala duwanaanshahaas, mid kastaana uu waxtarkiisa ku saleeyo isku day uu ku raadinayo inuu ummadda ku hanto sida ugu fudud ee uu qalbigooda ku gaadhi karo.

Anigoo hordhacaas ka dhinbiil qaadanaya, ogaalkana ku haya in aynu nahay ummad muslin ah oo dhaqan iyo tusaalaba diintooda ka qaata, Qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Nabiguna SCW ay inoo yihiin ilaha ugu mudan ee aynu wax ka qaadanno, waxa hubaal ah kol kasta oo si aad ah aad ugu fiirfiirsato Qur’aanka iyo Sunnaha Nabiga Scw in aad ka helayso xalka iyo dawada dhibaatooyin iyo xanuunno badan oo ina haysta.

Sidaas awgeed, qormadan waxa aan si kooban isu dul taagi doonaa dawada laba xanuun oo dhib ku haya qof kasta oo dunida ku nool, dawadaasna waxa inoo qoraya dhakhtarkii ugu mudnaa ee loo soo diray dunidan badbaadadeeda oo ah Rasuulkii Ilaahay usoo diray Jin iyo Insiba Muxammad nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Labadaas xanuun midkood waxa uu qofka ku dhacaa inta uu adduunka korkiisa joogo, ka kalana waxa uu qofka ku dhacaa marka uu adduunka ka hulleelo ee halkii loo badnaa iyo aakhiro u hayaamo.

Xanuunka koowaad ee qofka ku dhaca inta uu dunida ku nool yahay waa xanuunka “Werwerka” oo ay adag tahay in qofku uu ka badbaado, sababtuna waa adduunkan aynu ku noolnahay oo sidiisaba ka samaysan dhib iyo dhakafaar, qof ayaa shaqo ka werweraya, mid kale ayaa ganacsi ka werweraya, mid ayaa ubad u werweraya, midbaa xanuun la werwersan, mid kale ayaa hanti la’aan la werwersan iyo qaar kale oo badan.

Xanuunka labaad ee qofku marka uu adduunka ka socdaalo ku dhacaa waa in uu aakhiro kula kulmo gefafkii uu adduunka kusii galay, taas oo iyaduna ah werwer kale oo qofku uu qaadayo, isagoo ka werweraya waxa uu noqon doono abaalkiisu, isna waydiinaya Rabbi ma iska cafin doonaa mise danbigii uu galay ayaa ciqaabtiisa la marin doonaa?.

Haddaba labadaas xanuun ee midna dunida korkeeda dadka ku dhaco, midna aakhiro ayaa waxa dawadooda aynu ka helaynaa sheekadan kooban ee soo socota.

Ubaya bin Kacab oo ka mid ahaa asxaabtii Nabiga Scw ayaa maalin maalmaha ka mid ah Nabiga Scw ku yidhi “Rasuulkii Ilaahayoow, marka aan Ilaahay xusayo ama ducaysanayo, intee in le’eg ayaan kugu salliyaa? (intee ayaa salliga Nabiga Scw ku celceliyaa), Nabigu Scw waxa uu ugu jawaabay “Inta aad doonto” kolkaa ayuu Ubaya ku celiyay “Rasuulkii Ilaahayoow ka warran haddii aan salligaaga ka dhigo affar meeloodoow meel” waxa uu Suubbanuhu Scw ugu jawaabay “haddii aad doonto, inaad ka badisaana adiga ayay kuu khayr badan tahay” kolkaas ayuu Ubaya yidhi “Ka warran haddii aan kala badh xuskayga ama ducadayda ka dhigo Salligaaga” Nabigu sidii si le’eg ayuu u sheegay in ay wanaagsan tahay, haddii uu kasii badinaya ay kasii wanaagsan tahay. Intaas kaddib ayuu Ubaya yidhi “Rasuulkii Ilaahayoow, ka warran haddii aan xuska iyo ducadayda oo dhan aan ka dhigo Salligaaga” kolkaas ayuu Nabigu Scw ku yidhi “Haddii aad sidaa samayso werwerka oo dhan ayaa lagaa dul qaadayaa, danbigaagana waa la dhaafayaa”.

Xadiiskan oo ansaxay ayaa waxa laga faa’idayaa dheeraadka uu leeyahay salliga Nabigu Scw, waxa kale oo aynu ka qaadanaynaa inuu Salliga Nabigu Scw dawo u yahay Werwerka iyo walbahaarka dunidan ina daashaday, sidoo kalana uu dawo u yahay qiyaamaha gefafka iyo danbiyada aynu dunida ku galno.

Salliga Nabiga Scw waxa kale oo laga helaa wax badan, waxa aan kaaga sheegi doonaa 10 qodob oo aanad ka maqli doonin qolyaha sannadka oo dhan Nabiga Scw maalinta keli ah ka xasuusta, bal ila dhugo oo ila dhuux:

  • Qofku waxa uu noqonayaa qof fuliyay amarkii Ilaahay ee ahaa in Nabiga Scw lagu salliyo sida ku cad aayadda 56 ee Suuradda Axsaab.
  • Qofku markasta oo uu Nabiga Scw ku Salliyo isagana Ilaahay ayaa toban jeer ku Salliyaya, Salliga Ilaahay addoomihiisa ku salliyaana waa danbi dhaaf.
  • In Salliga qofku Nabiga Scw ku salliyaa uu gaadhayo Nabiga Scw, sida ku cad xadiiska saxeexa ah ee uu warinayo Abuu hurayra ee sheegaya inuu Suubbanuhu yidhi Scw “Haka dhigina guryihiinna qubuur, qabrigaygana haka dhigina meel lagu ciido, Igu salliya, salligiinnu waa uu isoo gaadhayaa meel aad joogtaanba”.
  • Salliga Nabigu Scw waxa uu ka mid yahay calaamadaha deeqsinnimada, Nabiguna Scw waxa uu bakhayl dhabcaal ah ku tilmaamay qofka agtiisa lagu xuso Nabiga Scw ee ku salliyi waaya.
  • Salliga Nabigu Scw waxa uu ka mid yahay calaamadaha Iimaanka ee qofka muslimka ah sida ku cad xadiiska uu warinayo Anas bin Maalik, waxa uu Nabigu Scw yidhi “Midkiin Iimaan dhammaystiran laga heli maayo jeer oo uu iga jeclaado waalidkii, ubadkiisa iyo dadka oo dhan” jacaylka Nabigana Scw waxa ka mid ah in aad xuskiisa badiso.
  • Qofka badiya Salliga Nabiga Scw waxa uu ka mid noqonayaa maalinta qiyaame dadka ugu dhow Nabiga Scw sida uu Nabigu Scw ku sheegay xadiiska Cabdilaahi bin Mascuud.
  • Salliga Nabiga Scw waxa lagu helaa in danbiga lagaaga dhaafo, ajar badan oo buuro le’egna laguugu qoro sida ku xusan xadiiska uu Anas bin Maalik ka warinayo Nabiga Scw.
  • Salliga Nabigu Scw waxa uu sabab u yahay in ducada lagaa aqbalo, waxa ka sugan Nabiga Scw in maalin maalmaha ka mid ah uu arkay nin ducaysanaya oo aan ducadiisa ku bilaabin mahad naqqa Rabbi iyo Salliga Nabiga Scw, kolkaas ayuu Nabigu Scw yidhi “Kaasi wuu degdegay, midkiin marka uu ducaysanayo haku bilaabo ducada mahad naqqa Ilaahay, kaddibna Salliga Nabiga Scw, kaddibna waxa uu doono haku ducaysto”.
  • Salliga Nabigu Scw waa mid ka mid ah calaamadaha sheegaya in qofku uu ixtiraam iyo waynayn u hayo Nabi Muxammad Scw.
  • Ugu danbayn waxa uu salliga Nabigu Scw sabab u yahay in maalinta qiyaame –maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay, maalinta wiil iyo waalidkii kala roorayaan, maalinta cadceeddu nin joogii iman doonto- inuu Nabi Muxammad Scw kuu shafeeco qaado.

 

Waxa aan kusoo xidhayaa qormadan kooban ee aan rajaynayo in wax badan oo aad hore u taqaannay ay ku xasuusisay, sidoo kalana laga yaabo in wax aanad ogayn aad ka ogaatay, in werwer kasta oo kusoo wajaha, walbahaar kasta oo aad la kulanto iyo danbi kasta oo aad ku dhacdo inta aad ifka ku nooshahay in dawadiisu ay ku jirto Salliga Nabiga Scw. Warkayguna waxa uu ku kooban yahay “aynu badinno Salliga Nabiga Scw” gaar ahaan maalinta jimcaha, subaxa hore iyo gelinka danbe, sidoo kalana aynu carrabkeenna barno waqtiyo badan oo aad meelahaa iska fadhido, bas/tareen saaran tahay, cid sugayso ama aad lugaynaysaba in aad salliga Nabiga Scw aad ugu celceliso.

Salliga Nabiga Scw oo aad carrabkaaga ku badisaana waqti badan kaa qaadan maayo, bal kaliya waxa aad xisaabisaa inta jeer ee aad Nabiga Scw ku salliday muddadii koobnayd ee aad maqaalkan akhriyaysay.

FG: Ereyga waan hayaa dawadii, waxa aan ka maqlay nin inta badan aan ku arki jiray suuqa Hargaysa oo iibiya dawo dhireed.

Rabbi khayr adduun iyo mid aakhiraba ha inna waafajiyo.

Allaahuma salli wa sallim calaa Nabiyinaa Muxammad.

W/Q: Xamse Cumar Kujoog

Hkujoog@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here