Waari Mayside War Ha Kaa Hadho

0
152

GEELE FARAX BOON ( GEELE HAAD QOYAY) 1890s–1937kii

———————————————————————————-

ALLE ha u naxariistee GEELE FARAX BOON ( HAAD-QOYAY) waxa uu noolaa hilaadihii 1890s kii ilaa 1937skii, waxa uu ku dhashay gubanka degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley. Sida tan hoos ku qoran ayuu ii sheegay PROFESOR OMER GHELE HAADQOYAY oo aan wax ka weydiiyey taariikhdii awowgii GEELE. ( Wuxuu geeriyooday 1937 Markaa aabahay wuxu ahaa sideed (8) sano jir. Adeerkay maxamuudna wuxuu jiray dhowr bilood oo qudha. Geelle Haadqoyey Markii ugu horeysay wuxuu ka mid noqday ciidamada milatariga faransiiska halkaas uu ka gaadhay darajo ka sareysa tii uu ka gaadhay bilayskii ingiriiska. Goorahaa ingiriisku iman doono Ayey sarkaal ka sareeyey ayey isku dhaceen sarkaalkii sida odayaashii waaweynaa aan dhowr ka maqlay ninkii sarkaalka ahaa ee sareyey ayuu nabaro u gaystay markaas ayuu ku soo laabtay Somaliland isagoo ingiriiskii qoranaya booliskii dabadeed darajada waxa lagu siiyey isla meeshii waayo ingiriisku wuxu U baahnaa cid awoon u leh ciidamada Somaliya isaga ayuu sarkiishii ugu saraysay ciidamadii Ingiriiska ee Somaliland ). Taariikhda kale ee aan raadiyey ayaan ku helay in Geele ka mid noqday ciidamadii ingiriiska hilaadihii dagaalkii koowaad ee dunida, waxa uu ahaa shaqsi ku caan ah calool adayg, go’aan qaadasho, aqoonta dadka, deeqsinimo, xalinta iyo dejinta khilaafyada qabailka dhexdooda iyo kuwa dhex mara dawladii ingiriiska iyo dadweynaha reer Somaliland. Geele Haad-qoyay arimahaasi waxa uu ku mutaystay in uu noqdo sarkaalkii ugu horeeyay ee Somali ah ee ingiriisku derejo siiyo, sida ay taariikhuhu sheegaan waxa aan xog raadin ku soo helay in uu lahaa waayo aragnimo iyo derejo sare oo ciidanimo ka hor marka uu ku biirayay ciidanka ingiriiska oo uu ahaa ciidamada faransiiska, ka dib ay is dileen sarkaal ka sareeyay oo ciidamada faransiiska ahaa oo uu nabaro u geystay sidaa na uu isaga yimi ciidanka faransiiska, kuna soo beegmay markii ingiriisku ciidamada qoranayey isaga oo aqoon ciidan iyo tabobarba qaba. Kartidaa iyo adaygaa shaqsiyeed ee uu lahaa ayaa waxa uu ku kasbaday in marba meesha ugu adag dalka ee la dejin kari waayo loo diro oo uu soo xaliyo khilaafyada iyo arimaha dhex yaalla beelaha walaalaha ee gobolkasta iyo degmo kasta iyo waliba miyigaba wada degan. Xaruntiisa shaqo ee rasmiga ahayd ama uu maamulka ciidanimo ku bilaabay waxa ay ahayd hargeisa , waxa se uu noloshiisa intii ugu dambaysay ku qaatay oo uu ka talinayey Gobolka togdheer, magaalada Burco iyo intii hoos iman jirtay deegaan wakhtigaa. Waxyaabaha lagu xasuusto waxa ka mid markii Burco la magaalaynayey ee la rabay in loo sameeyo ( Town plan) iyada oo dasooyin ah oo ceelasha biyaha dusheeda uun ku eeg ama la dagan yahay agagaarka dooxa (dixda) BURCO ayaa dadkii laga rari kari waayey si qorshe magaaleed loo sameeyo. GEELE HAADQOYAY waxa uu ahaa ninkii go’aanka ku qaatay in dadka la raro oo qorshe rasmiya oo magaalonimo loo sameeyo magaalada BURCO. Waxa wakhtigaa buraanbur tirisay islaan ka mid ah dadkii goobtaa laga rarayey ee dasooyinka daganayd oo bayd ka mid ah buraanburkeegii uu ahaa ( RAGA KALE RAG MAAHEE, HAAD QOYAY RARUU YIDHI ). Shaqsiyada Geele waxa lagu xasuustaa in uu ahaa nin aad u jecel culimada waxaana uu la saaxiib ahaa culimadii waaweynayd ee Hargeisa iyo kuwii Burco ba , gaar ahaan waxa ay saaxiibo gaara ahaayeen SH OSMAN NUUR ( sheekhii Burco ), sifooyinka iyo shaqsiyada GHELE HAADQOYAY waxa hayn jiray dad fara badan oo aan maanta waxba ka noolayn oo aan warkooda ka helay dadka maanta nool ee dadkaa soo gaadhay.

Waxa uu ahaa nin magaciisa la soo qaadan jiray marka raganimo go’aan qaadasho iyo maamul ciidan iyo ixtiraamka dadkaba laga hadlayo oo tusaale wanaagsan ahaa , sida gabaydii DALAAYAD ee 1956 ee uu u tiriyey nin police kii hargeisa ka mid ahaa oo guhaadiyey odey ka mid ah odayadii reer Hargeisa ee caanka ahaa waxaanu ahaa gabaydii sida tan:-

Nin haduu gaboobo uu wax badan dunida guud joogo

Gadaal buu ka haasaawi jirey geediguu maraye

Gebgeb Ferenji gaadh iyo dedaal gaalo camalkeeda

Abidkiiba guul kalama tago nin u gadh xiiraaye.

Inta inan golyeed iyo nin raga tan isku soo gaadhay

Ee gaadhba gaadh naga bedeley goorahaad timiye

Ninkuu guun ciraystay iyo bideba khayr ka guriwaayey

Waayona garawgii ku cunay jeelkan gudihiisa

Waayona garnaylkii ku sigay gobobkan hoostooda

Is goofaadhintii Caarshe iyo gobodi Caateeye

Ee garanayaan ahay tan iyo Geele haad qoyey.

Gashi laysku sheegtiyo ninkaan godobi qaaxaynin

Ee aan geeridii Aw-darwiish guudka laga saarin

Ee aan sidaa Geydhe Ruxe gubanin jaahiisu

Geestii uu doonaba khalqiga wuu ku gelayaaye

Gidigiinba nimanyahaw bileys gebi ahaantiinba

Hala guro ulaa waa gudoon waase kala gaar

Gaadmiyo ninkaan lagu tuhmeyn gacan fudayd-toona

Ee genna tukubihiisa waa lagu gargaaraaye

Geed baas mid laga keenay iyo garac xun mooyaane

Ma gilgilo duqaytida ninkii uu ka soo go’aye

Cir galgaaley iyo dhulkoo goosi laga waayey

Gudintiyo hangoolada markii guunyo lagu daajey

Dhirtaba qaar malko ah baa jiriyo lama garaacaan

Dadkuna bir mageyduu leeyahay iyo lama guhaadshaan

Sidii baar-qab geel lagu daroo dhibi ku giirgiirtey

Oo geedka Awr daaqo iyo guuxa saninaaya

Oo karinle uu galab eryiyo rimay ka guuleystey

Uu bahal gulaan oo dibjiri meel isugu gaabshey

Uu gudub u riday waa kasyare galabsigiisiiye

Dhaaxuu mid goolaaftamay oo goofay nooyimiye

Adiguna guclada waad yarayn gooshkan dabadii.

Diyaariye:- Muhámed Dhimbii

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here