Waaxda Garsoorka Oo Weji Furan Ku Qaabishay Dacwad Saddex Sanno Ka Socotay Maxakamadda Sare Ee Somaliland Iyo Muwaadin Tiir-dhexaad U Ahaa Suluxa Kiiskan Oo HUBAAL U Warramay

0
27

Guddoomiyaha SAGAL JET Oo Door Shariif Ah Ka Qaatay Suluxan iyo Muddadii Ay Ku Qaadatay

“Waxaa La Yaab Leh In Dacwado  Maxakamadda Sare Ku Jira  Ay Markii Dadkii Is Haystay Ee Kiiska Bilaabay Geeriyoodeen, Jiilkii Ay Dhaleen Ee Sii Ambo-qaadayna Ay Sariir-yaal Yihiin GJiilkii Bilaabay Waa Hore Geeriyoodeen, Ay Hadda Qolo Saddexaad Oo Arrinkani Meel Uu Marayo Aan Garanayni Kiiska Wadaan”-  Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee JSL Aadan X. Cali Axmed

“Waxaanu Kalsooni Ka Helnay Labada Dhinac Oo Midkood Yahay Nin reer Soomaaliya ah oo caabud-waaq u dhashay, Isaguna…..Wallaahi kiiskan oo kale dadnimadeena iyo dawladnimadeena ayuu sharaf  u yahay,  waana sunne wanaagsan oo ku dayasho mudan”- Guddoomiyaha shirkadda SAGALJET  Cabdi Yuusuf Aar

kiis maxkamada ka scday 3 sano

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay xal laga gaadhay dacwad muddo saddex sannadood ah ka socotay maxakamaddaha dalka oo ku saabsan guri ku yaala Hargeysa  oo laba qoys isku haysteen kaasoo Ay dhammeeyeen Guddi madax bannaan oo   maxkamaddu  ogolaansho buuxa siisay.  Waxa uu sidoo kale sheegay in habka noocan ah intii bisha Ramadaan lagu jiray ay ku dhammeeyeen kiisas adag oo qaarkood dil ahaayeen, kuwaas oo dhinacyadu ku kala baxeen dhaar ama in si gaar ah loo xalliyo, iyadoo maxkamadda laga madax bannaan yahay, “Waxaan maanta [shalay]  saxaafadda ugu yeedhay inaan sheego inay muuqato in dadkeenii sharcigii u fahmeen, in inta la is dacweeyo 20 sanno, 15 Sanno, 16 Sanno, 18 Sanno dacwaddii socoto oo dabeedna dhinacyadii is dacwaynayay ba isku dul baaba’aan, hantidii la isku dacwaynayayna baaba’do, waliba gaar ahaan dacwadaha madaniga ah, waayo? Madanigu wuu ka fudud yahay waa wax laga tanaasuli karo, waa wax dhinacyadu hadal ku xallin karaan, markaa sidaas aanu Kiisaskaas u xallinay in lagu fakaro” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan. Aadan Xaaji Cali Axmed oo shalay warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa, waxaanu ku dheeraaday guuldarrooyinka Garsoorka dalka haysta, waxana uu badka soo dhigay dawcado jiilal badani iska dhaxleen oo dadkii bilaabay wakhtiyo hore god galeen, iyadoo jiitankuna iska sii socdo, waxana uu yidhi, “Waxa kale oo la yaab leh oo aan idiin sheegayaa, dacwado Maxakamadda sare ku jira ama maxakamaddaha kale ku jira ayaa waxaad arkaysaa Jiilkii is haystay ee Dacwaddaa bilaabay inay geeriyoodeen, Jiilkii labaad ee amma ay dhaleen ama ehelkooda ahaa ee dacwada sii amba qaaday ay sariir yaal yihiin ama ay dhinteen oo hadda qolo saddexaad oo wax socday iyo arrinkani meel uu marayay ba aan garanayna ay hadda wadaan”   Guddoomiyaha Maxakamadda sare waxa uu bulshada u sharaxay waajibka Maxakamaddaha “Maxakamaduhu waxay u taagan yihiin inay sharciga ku taagnaadaan, inay xaqa difaacaan oo Caddaaladda  raacaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland.

Gebi ahaanba shacabka somaliland ayaan inta badan kalsooni buuxda ku qabin Maxkamadaha dalka ka jira, iyadoo sababaha ugu waaweyni ay yihiin inay adag tahay in caddaaladi halkaas ka dhacdo, isla-markaana Garsoorayaashu ay caado ka dhigteen kiis kasta oo ay gacanta ku qabtaan inay camal ka dhigtaan oo aanay oggolaan innay soo afjaraan.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo ah Aqoonyahan da’yar ayaa laga filayaa inuu arrimahaas soo afjari karo, isla-markaana soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka ee dhinaca Maxkamdaha oo haatan halkii ugu hoosaysay maraysa.

Dhinaca kale Muwaadin Cabdi Yuusuf Aar Oo ah Guddoomiyaha Shirkadda daabacaada xayaysiisyada casriga ah ee SAGAL JET isla markaana isagu ahaa shakhsigii ku guulaystay isu soodhawaynta labada dhinac ee gurigu isku haystay ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii uu dhexdhexaadinta u bilaabay iyo xalka lagu go’aamiyey arrintan. Cabdi Yuusuf Aar oo xalay u warramay Wargeyska HUBAAL ayaa sheegay in Kiiskan oo muddo saddex sanno ah dacwad ahaan u socday uu dhex galay isaga oo labada dhinac ay kalsooni ku siiyeen in uu furdaamiyo “walaalo kiiskani dacwad ahaan saddex sanno ayuu socday,  waxaana hore u dhex galay dad badan oo sheikh iyo shariifba leh” ayuu yidhi Cabdi Yuusuf, waxaanu intaa ku daray in arrintan uu u wakiishay in uu dhex galo guddoomiyaha Maxakmadda Sare oo markii uu xilka la wareegayba taageero naga codsaday inaanu ku dhex galno, “Guddoomiye Aadan xaaji Cali ayaa markii uu xilka qabtay naga codsaday inaanu ka gacan siino sidii kiiskan sulux loogu dhamayn lahaa, dabadeedna waan ka aqbalay waxaana ku horeeyey dhinaca Dr. Cabdiraxmaan oo isaguna alla ha ka abaal mariyee kalsoonida na siiyey, haddana dhinacii kale oo aanu xildhibaanno la kaashannay ayaanu u tagnay, kaas oo ahaa nin reer soomalaiya ah oo caabud-waaq u dhashay isaguna si kalsooni leh ayuu noogu muujiyey danaynta kiiskani inuu dhammaado, markii intaa dhammaatay kadib waxaa aanu nootaayo u kala qornay labada dhinac iyo waxyaabihii ay kala tabanayeen.  Alxamdullilaah toddobaad bay arrintii nagu qaadatay, waxaana sida aad ka war qabtaanba shalay ka soo baxay go’aan xal iyo sullux ah oo ku suntan caddaalad”. Dhinaca kale Cabdi Yuusuf waxa uu kiiskan ku tilmaamay mid Muujinaya caddaalad iyo in bulshadu dhexdooda dhamaysan karto wixii ka dhex yimaada, sharafna uu u yahay Dalka Somaliland laftiisa “Wallaahi kiiskan oo kale dadnimadeena iyo dawladnimadeena ayuu sharaf  u yahay waxaanu muujinayaa in caddaalladu dhex u tahay cidda wax tabanaysa iyo cidda laga tabanayaba, xataa qofku hadii uu muwaadin yahay iyo haddii uu ajanabi yahayba in aan lays dulmiyin, waana sunne wanaagsan oo ku dayasho mudan” ayuu hadalkiisa ku soo gebo gabayeeyey Cabdi Yuusuf Aar.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here