Wakaaladda Madbacadda Qaranka Somaliland Oo Ku Hamiyeysa Inay Noqoto Daabacaadda Geeska Afrika

0
1

Weedhii masuuliyiintu ka sheegeen Munaasibad Lagu Abaalmarinayay 12 Xubnood Oo Ugu Hawlkarsanaa Shqaalaha Madbacadda qaranka ee Sanadkii Tegay

 Hargeysa (Hubaal) Munaasibad lagu abaalmarinayay shaqaalaha ugu wanaagsanaa dhanka shaqada sanadkii tegay ee 2019 ee wakaaladda madbacadda qaranka Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay xarunta madbacadda qaranka.

Munaasibadda waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta sare ee madbacadda iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha kale ee dawladda.

Maareeye-ku-xigeenka madbacadda qaranka oo hadal kooban ka jeediyey ayaa shaqaalaha uga mahadnaqay doorkii ay ku lahaayeen horumarka shaqada madbacadda iyo sidii kartida badnayd ee ay ugu hagar baxeen shaqo wanaaga lagu abaalinayo, “Maanta waa bilow, kolay cid uun baa abaalmarin la siin doonaa, Insha Allaahu intii kalena waad gaadhi doontaan, waxay ka dhigan tahay in abaalmarintan aad dhammaantiin wadaqaadateen. Sanadkan aynnu soo dhaafnay ee maxamuud Raage ina joogay, runtii madbacadda qaranka isbeddelkii ka dhacay qaybta ugu weyn idinkaa lahaa, la’aantiin aniga iyo maareeyahay wax noo suurtogeli lahaa may jirteen.” Ayuu yidhi Maareeye-ku-xigeenka madbacadda qaranka

Agaasimaha wargeysyada DAWAN, Maxamed Axmed Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhinaciisa sheegay shaqada ay madbacaddu u qabato qaranka, “Run ahaantii mustaqbalka dhow, waxaynu u filaynaa in madbacaddu ay dhammaan dusha u ridato wixii dhukumenti ah ee qaranka Somaliland leeyahay.” Ayuu yidhi

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa ballan qaaday in shaqaalaha wakaaladda madbacadda qaranka lagu dari doono liiska shaqaalaha dawladda ee ka diiwaan gashan hay’adda shaqaalaha dawladda, “Madbacaddu waxay u tafoxaydatay oo ay lacag gelisay in heer sare la gaadhsiiyo qalabka iyo agabka ay ugu baahan tahay inay wax soo-saar u samaynkarto wadanka. Ka hay’ad shaqaale ahaan, madbacaddu waxay ka mid tahay hay’adaha qaranka toos ugu diiwaangashanayn hay’adda shaqaalaha, dhammaan hay’adaha dawladda ee aan diiwaanka hay’adda shaqaalaha ku jirin, way hoos imanayaan. Waxan idiin ballanqaadayaa in ugu dambayn bisha March aydun kirtaan liiska la diiwaangelinayo ee ka mid noqon doona shaqaale-weynaha diiwaanka shaqaalaha guud ee dawladda.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda

Maareeyaha madbacadda qaranka, Maxamuud Raage Ibraahim ayaa ka waramamay wax-qabadka madbacadda, iyo sidoo kale doorka shaqaalaha, isagoona ku booriyey dhaqaalaha inay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan, waxaana uu soo bandhigay halka ay hiigsanayso mustaqbalka. “Waxa innoo sharaf ah qaran ahaan inaynu inagu ismaalgalinayno ee aanay hay’addi inna maalgalinayn. Waxan hambalyaynayaa guddoomiyaha baanka Somaliland iyo agaasimihiisa sida ay u maalgaliyaan mashaariic badan oo maanta qaranka wax ugu ool ah. Masuuliyad adag weeye in la soo qaado qalab cusub oo lix iyo toban mashiin ah, la daryeelo, lagu shaqeeyo, aanay xumaanin, markii horena aanay mshaniino xun ahayn. Waxaan ka fikirayaa inaynu hiigsano oo daboolno baahida daabacadeed qaranka Somaliland public iyo private. Ma intaa kaliya ayanu ku eekaanaynaa? Waa maya ee inaynu daabacaadda geeska hantino ayaa hankayga iyo hiigsigaygu yahay. Hadaba hadduu sidaa yahay, wuxuu yeelanayaa shuruudo, waxaana ka mid ah oo halbowle u ah oo laf-dhabar u ah, shaqaalaha wakaaladda madbacadda qaranka. Ujeedada aynu leenahay maaha daabacaada oo keliya ee waxaynu leenahay xafidaada dhukumentiyada dawladda Somaliland” Ayuu yidhi maareeyaha madbacadda qaranka, Maxamuud Raage Ibraahim

Masuuliyiinta kala duwan ee madasha ka soo qabygalay ayaa ugu mahadnaqay, isla markaana boggaadiyey dhammaan shaqaalaha madbacadda qaranka, sida hawlkarnimada leh ee ay u qabteen shaqada

Ugu dambayn waxa halkaasi abaalmarinno lagu guddonsiiyey laba iyo toban xubnood oo loo aqoonsaday inay yihiin shaqaalahii ugu hawlkarsanaa sanadkii tegay ee 2019

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here