Wakiilka Somaliland U Fadhiya Faransiiska Oo Farriin U Diray Jileyaasha Ay Xumadda Doorashadu Madax-martay

0
117

Paris (Hubaal):  wakiilka dawladda Somaliland u fadhiya wadanka Faransiiska Amb. Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ugu baaqay axsaabta siyaasadda Somaliland in ay ilaaliyaan dimoqraadiyadda iyo nabadgeliyadda, maadaama oo ay inagu soo fool leedahay doorashadii madaxtooyadda, isagoo ka rejeeyay xisbiyadda ku tartamaya doorashadda in ay dhawraan hanaankii dimoqraadiga ahaa ee ay Somaliland ku soo Caano-maashay. Ambassador Cali Ismaaciil Xasan,  waxa uu sidaas ka sheegay kadib  kulan uu magaaladda  oshe ee dalka Faransiiska  kula yeeshay   jaaliyadda  reer Somaliland ee magaaladaasi ku dhaqan. “Waxaan halkan ka dirayaa  laba baaq  oo guubaabo ah. Mid  waxaan  u dirayaa xisbiyadda  siyaasadda heer qaranka ee Somaliland, maadaama oo ay inagu soo fool leedahay doorashadii madaxtooyadda waxaan ka rejaynayaa in ay dhawraan  nabadgeliyadda iyo dimoqraadiyadii aan ku soo Caano-maalnay”. Safiirka  ayaa mudooyinkan waxa uu socdaal la xidhiidha qaadhaan ururintii  uu madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay bishii May ee ka soo kabashadda abaaraha ku maryay magaalooyinka dalka Faransiiska ee ay ku nool yihiin jaaliyadda Somaliland. Waxaanu jaaliyadda magaaladda Oshe u gudbiyay qaybta kaga soo hagaagtay qaadhaan ururintaasi, isagoo hore u soo maray magaalooyinka dalkaasi ee ay ku dhaqan yihiin jaaliyadda reer Somaliland. Geesta kale xubno ka mid ah masuuliyiinta jaaliyadda magaaladda Oshe ayaa safiirka u balan qaaday in ay isla qaateen in ay lacagta qaadhaanka ah soo bixinayaan horaanta bisha December ee sanadkan, isla markaana ay iyagu arrintaasi hore ugasii tabaabulshaysteen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here