“Wakiilkii Itoobiya U Fadhiyey Hargeysa Dib Ayaa Loo Celiyey, Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiyana….”

0
1

Xukuumaddu Maxay Kaga Jawaabtay In Hoos Loo Dhigay Shaqadii Xafiiska Itoobiya Ee Hargeysa?

Hargeysa(Hubaal) Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay isbadal la sheegay in lagu sameeyey shaqadii uu qaabilsanaa xafiiska wakiilka dawlada Itoobiya ku leedahay Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inaanay jirin wax-ka-beddel lagu sameeyey shaqadii xafiiska wakiilka Itoobiya ee Hargeysa uu qaabilsanaa.

“Arrintaas saxaafad badan ayaa qortay, inta aanan ka jawaabinna, waxa ay tahay iswaydiintu ma runbaa mise waa been, waxaan qabaa inay tahay been.” Ayuu yidhi wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland oo u waramay somalicabletv. “qunsuliyadii guud ee ay Itoobiya ku lahayd Somaliland waa sideedii shaqadeeduna sideedii ayey u socotaa, imikana waxaannu shir kula jirnay madaxdii qunsuliyada guud ee dalka Itoobiya.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Wasiirku Sidoo kale waxa uu sheegay inay rajaynayaan inmasuul cusub loo soo magacaabo xafiiska ay itoobiya ku lahayd somaliland ka dib markii loo yeedhay safiirkii hore ee qaabilsanaa “Wakiilkii Itoobiya u qaabilsanaa somaliland dib ayaa loo celiyey, waxaanay ka mid tahay talaabooyinka caadiga ah ee dublamaasiyiinta in marka uu shaqadiisa dhamaysto dib loogu yeedho, waxaanan rajaynaynaa in si dhakhso ah loo soo badali doono safiirkii cusbaa ee Itoobiya u qaabilsanaan lahaa somaliland.”

Ugu dambayn waxa uu sheegay in xidhiidhkii somaliland iyo Itoobiya uu yahay sidiisii isla markaana aanay jirin wax iska badalay “Markaa wax iska badalay shaqadii iyo xafiiskii ay Itoobiya ku lahayd somaliland ma jiro,wararkaasina waa been ay fidinayaan cadawga somaliland iyada oo aanay jirin meel ay gaadhaysaa, waana borobogaandho raqiis ah, xidhiidhkii somaliland iyo Itoobiyana waa sidiisii.”

SHARE
Article hore“Naga Daaya Qabiilka oo Ha Na Dhex Eryina Qabiil Annagaa Maalinba Kuwa Meesha Fadhiista La Xisaabtamayna e’ “
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here