Walaalo Is Waayey- (SHEEKO)

0
61

Iyada oo Haajiri fikirkii ku dheeraatay maskaxdeeduna furfuri kari la’dahay farriimaha sidii tusbax la furay ugu soo fatahaya, ayey furtay albaabka qolkii Maxamed. Waa qol sida uu is ku gu dhexdaadsanyahay wax badan ka sheegayso duruufta guriga ka jirta, kii Faysal ee markii dhaweyd galayna uga sii daray. Dharka usgagga ah ee aad mooddo in qolka sharaxaadda looga dhigay, tuwaalka katabaanka sida foosha xun uga soo laadlaada, barkimada sariirta in ay ka dhacdo u dhow ee dhanka ka saaran, bustaha mar horeba isagu dhacay ee dhulka soo taabtay iyo kursiga aad mooddo in uu ku sujuudayo sijaayadda aan u jeedin jahadii loo tukanayey ayaa jawiga qolka iyo gurigaba wax badan ka sheegaysa. Maanta laakiin Haajiri ma eegayso qolkan mararka qaarkood ayna ogolaan jirin duqsi duulayaa in uu ku dego.

 

Haajiri waa hooyo lixdan jir ah. Da’ iyo duruufo nololeed ayaa dusheeda ka muuqda. Daranyo iyo diihaal ayey la daalaa dhacaysaa. Nolol dhimashadu dhaanto ayey dhex mushaaxaysaa. Ilays beryo u daarnaan jiray ayaa ka damay. Han iyo himilo ay lahayd ayaa ka hallowday. Nolol tacab iyo tamar badan ay soo gelisay ayaa horteeda ku burburtay. Yididdiilo ay nolosha ka lahayd ayaa ka luntay. Dhibaatada haysata dhafoorkeeda ayey ku taallaa. Niyad jabka iyo qalbi xanuunka haysta oogadeeda sare ayaad ka akhrisanaysaa.

 

Iyadu ismay hagran, cid kalena waxba may yeelin. Ubad iyo adduun li’i midna ishaa umuu yeelin. Ammuuro iyo ibtilooyin ka awood weyn oo aan aadame hore u soo joogin ayaa iyada ku keliyeystay. Wakhtiga ayaa ka hiiliyey. Waayaha ayaa ciilay.

 

Waxay ahayd sannadkii 2011 kii markii qalalaasaha iyo qulqulatooyinku waddankeeda ka bilaabmeen. Dhallinyaro caaddifad iy cadho madax martay ayaa goor aan habeenna ahayn maalinna la gaadhin guddoonsaday in ay madaxweynahan macangegga ah kursiga madaxnimada weydaariyaan. Talo aan waayeel iyo wax garad midna lala wadaagin ayey ahayd. Dhallinta dabka hurinaysa laftoodu ismay weydiin waxa ka maqan ee ay raadsanayaan iyo waxan ay wadaan waxa ay ku waayi karaan. ‘Laab la kacay lugo se kuma taagni’ ayey ahayd arrintoodu. Dhallin aan silica iyo saymaha dagaal waxba uga soo joogin ayey ahaayeen. Dhallin caanaha nabadda laga dhamo aan dhadhamin ayey ahaayeen. Maya, wey dhadhamiyeen laakiin waanay u dhadhamin, macaan iyo qadhaadh midna. Oo maxay u dhadhantaa ma iyagaa dhibba arkay? Ma iyagaa qori dhacaya iyo qof lasii jiidayo toona arkay. Ma iyagaa qof saani saacaddu uga buuxsantay oo socday mooyee qof saymo colaadeed middiyi ku sartay u soo joogay. Ma iyagaa qiiqa iyo qaaca ka baxa qummacyada rasaasta markay talo faro ka haaddo weligood u soo taagnaa. Ma iyagaan meelaha oogta dagaalku ka istaadhantahay marka ay  shaahadaha muraayadaha kala socdaan u haysan humaag aan waxba ka hosayn. Barwaaqadu iskuma kaa sheegto beladuna digniin kuma sii siiso. Wanaagga aad haysato marka uu kaa maqanyahay ayuu macno sameeyaa.

 

Durbaba nabaddii ayaa galbatay. Jawigii naxariista iyo nayaayirka lahaa ayaa geddismay. Fiinta ayaa yeedhay. Codka diiggii wadaadka subixii daakiraadda xasuusin jiray, dayaanka dumbuqa ayaa dooriyey. Mushxaradda shimbirihii arooryada hore shururugleyn jiray, shalalamta xabbadda ayaa beddeshay. Sanqadha iyo sawaxanka noocyada kala duwan ee hubka ee la isku adeegsanayo ayaa samada ka yeedhay. Badhaadhihii iyo barwaaqadii lagu jiray ayaamo ayey ku baaba’day.

 

Maantu shalay maaha! Shalay nabad iyo nolol ayaa jirtay. Werwer iyo walbahaar lama qabin, wadnahana farta laguma hayn. Deganaansho iyo kala danbayn ayaa jirtay. Aroortii qof walba hawsha maalintaa ayuu dhiniciisa qaban jiray. Noloshu wey miisaannayd. Taagtaagga, turunturrooyinka iyo tarbiicooyinka maanta oo kale may lahayn.

 

Sida caadiga ah Haajiri afarta iyo badhka aroorimo ayey kacdaa. Waa waqti ku qaaliya. Weynaheeda ayey wax weyddiisataa. In saacad ku dhow ayey sacabbada biyihii weysada ee qaboobaa weli ka sii qoyan yihiin Rabbigeed hoos qabsataa. Noloshaa samaha iyo sareedada leh in Sarreeyuhu u sii siyaadsho ayey su’aalataa. Eedaanka subixii marka uu yeedho waxay ay toosisaa labadeeda wiil ka yar iyo yarta ay ayeyda u tahay. Salaadda marka sidaa foodda looga qaado, qof weliba meel ayuu qaabilaa. Maxamed oo ah labada wiil ee Haajira ka yar waa gaashaanle sare oo ka tirsan ciidanka qaranka ee Siiriya. Lixda subaxnimo waxa uu iska xaadiriyaa xero ciidan oo ku taalla waqooyiga Dimishiq. Faysal waa wiilka curad ee Haajira.  Toddobada iyo badhka waxa uu ku tagaa gaadhigiisa dugsiga uu maamulaha iyo mulkiilahaba ka yahay ee Caynu Shamsi. Caynu Shamsi, Faysal waxa uu aasaasay sagaal sano ka hor markii uu kulliyadda barashada shareecada Islaamka ee Dimishiq ka qalinjabiyey. Caynu Shamsi waa mid ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwa ugu caansan loona jecel yahay. Hinda, xaaska Faysal, waa kalkaaliso caafimaad. Waxa ay ka shaqaysaa dhakhtar gaar loo leeyahay oo aan ka fogayn gurigooda. Haajira , Hadiya, curadda Faysal,  Isra iyo Axmed ayaa guriga lagaga tagaa aroortii. Hadiyi inta badan ayeydeed Haajira kama ag dhammaato. Hadiyi waxa ay jeceshay sheekooyinka ay uga sheekayso ayeydeed. Haajirina waxa ay uga faa’iidaysataa in ay u dirato waxyaabaha ay guriga iyo debaddaba uga baahato. Wey isku nastaan.

 

Noloshaa dhammayska tirani hadda ma dhamma. Wey dheelliday. Waxbaa kala dhantaalay oo kala dhimay. Haajiri waa qof waayeelnimo iyo waayo aragnimo badani isku weheliyaan. Wax badan ayey u soo joogtay. Noloshu beri hore ayey iskugu toostay oo haddana ka kala daadatay. Macaan iyo qadhaadhba maalmuhu hore ayey u soo dhadhansiiyeen. Maalmo xasuustooda ay la muraaqooto wey soo qaadatay. Maalmo ay ka murugooto oo marka ay maskaxdeeda ku soo dhacaanba qalbiga meeli dalooshantana xaadir ayey u ahayd. Dhirbaaxooyin daran oo waqtigu ku dhuftay ayey ka soo doogatay. War badan ayey haysaa waayuhuna kuma cusba. Waxbaa intaaba u dheer laakiin. Wakhtigan maanta ay ku jirtaa wuxuu la yimid war cusub iyo wax aan hore u dhicin.

 

Markii dabayshu hurisay dogobyo aasnaa, markii baladu daartay dadkii iska degganaa ayaa wiil iyo walaalkii is waayeen. Dadkuba nabadda iyo naruurada ayey wax iskugu ahaayeen. Markii wax walba ay islahaayeen ayaa wax la’isku ahaa. Wanaagga iyo wacnaanta ayaa dadkaba isku haysay. Iyadaa ayaa nolosha qaabaynasay, qurxinaysay oo qiimaha u yeelaysay. Iyada ayaa dadkaba wax ka dhigaysay. Wax aanay ahayn. Balo hurudday ayaa toostay. Colaad huursanayd ayaa hamuum tiratay. Inan iyo aabbiihii kala geeya ayaa dhacday. Dhiigga waa lagu faraxashay. Dhaca maalka madaddaalo ayaa laga dhigtay. Maatida iyo birma geydada lagama baydhine birta ayaa laga aslay. Sidii loo kala xoogga iyo xirfaddaba badnaa ayaa la’isku muquuniyey. Nimay sigto iyo miday seeftu qaaddaaba, nimay sarto iyo miday hilibka saaftaaba, saf kuyuu aakhiro ayaa la wada galay. Kii siifta  seefta ka hoyday wuxuu noqday kii ay shalay la tagtay. Kii maanta sigtayna surrucaad hurdo kama seexan. Ducana wuxuu ku halaanhalay ‘nin sigtay ma nabad geline, Alloow xanuunkeedu muu maanta iga haado.’

 

Saymahaa iyo waqtigaa silloonaa ayey Haajiri reer Siiriya la wadaagtay. Midbaa jirtay laakiin. Mid iyada u gaar ahayd. Mid iyada ku saa’id ahayd. Mid aan lala wadaagin. Banbaaninta nafteeda ka sakow, Haajira waxa horyaallay hawl kale. Hawl dowladaha adduunku u maara waayeen ayaa ay iyadu maalinle u xallisaa. Waxay ay qaadatay door dhexdhexaadnimo; in ay dhex u ahaato labada garab ee hirdamaya; Madaxweyne Bashaar al Asad oo dhan ah iyo kuwa la dagaallamaya oo dhan ah. Door dhexdhexaadnimo oo caddaalad ah ayey qaadatay.

 

May, dhexdhexaad may noqon. Waxayba isku xilsaartay kala badbaadinta labada garab. Waa dhexdhexaadnimo iyo weliba dheeraad. Nabad dharaaro lagu nastay ayey ka dhex abuurtay. Laakiin taasi taloow siday u dhacday? Siday u kala horjoogi kartaa awoodaha hirdamaya iyada oo  haween ah? Weliba hooyo ayniya ah? Sideedaba qof qudhihi qaran iyo qolo ka soo horjeedda ma kala qaban karaa? Hadda waa qof keli ah oo caadiya oo aan cidna dabada ku hayn. Qof aan dowlad iyo dal shisheeye toona dibadda ka soo taageerayn.

 

Inta badan maya. Maskax madax qudha ku jirtaa ma maarayn karto muran kursi galay. Waayo? Waayadeed! Haddii qofka kelidii taagani awoodi lahaa in uu dowladaha heshiisiiyo, dunidaba dil iyo dulmi toona kamuu dhaceene wey degganaan lahayd. Cidiba cid ma seegteena caadibaa loo wada noolaan lahaa. Gabbal kaa dhacaayiyo waagaa baryaayaa nabad lagu wadaagi lahaa.

 

Haddaba Haajira maxaad ka filaysaa?  Ma in ay baddaa ka dabbaalato mise in ay dhex dhumbato? Ma in ay maaro keento mise in ay ku dhex milanto? Si toos ah uma dhexdhexaadiso dowladda iyo kuwa ka soo horjeeda. Cidda ay kala ilaalisaa waa labadeeda wiil. Maxamed iyo Faysal. Labadii ay adduunkaba ka eeganaysay ayaa colaaddani is tustay. Hadda waa labadii walaalaha ahaa. Walaalo dhab ah. Isku hooyiyo aabbo, Haajiri wada dhashay. Walaalo is weeraraya naftana is weysiinaya oo aan haddana waalnayn!

 

Cimrigaa ay joogto iyo cirradaa ay leedahay dhacdadan oo kale umay soo joogin. Horteed jire u xaqiijiya may arag. Oday waayeel ahi war uu hayo maaha. Wadaaddadu kutubta kumay arag. Mahadhooyinku meelna kuma xusin. War dhagoodka kumay maqal. Dhiganayaasha laguma dhigin. Qalinka oo loo badinayo in uu ka  daalay darteed, baalalka buugta laguma xardhin. Waa arrin ugub ah oo iyada ku kowsatay.

 

Maxamed waxa uu abbaanduule sare ka yahay ciidanka xerada labaad ee ugu weyn magaalada Dimishiq. Waxa uu hawl gelintooda u xilsaaranyahay ciidan kumannaan kor u dhaafay. Ciidankiisu waxa ay masuul ka yihiin sugidda ammaanka waaxda waqooyi ee caasimadda Dimishiq. Si gaar ah waxa ay u xilsaaranyihiin ilaalinta goobaha muhiimka ah iyo jidka isku xidha Dimishiq iyo Xumus. Jidhkaa soo ilaalintiisu qaabka dagaalka muhiim u yahay.

 

Faysal waxa uu hormood u yahay kooxaha dhallinyarada ah ee la hirdamaya ciidanka qaranka ee Siiriya. Kooxda uu Faysal gadhwadeenka u yahay waxa ay qaabilsantahay kicinta shacabka iyo ku dhiirigelinta dhallinyarada dagaalka ka dhanka ah madaxweyne Bashaar al Asad iyo dowladdiisa. Aqoonta diinta ee lagu tuhmayo darteed, Faysal waxa looga danbeeyaa qaabka dadka loogu qancinayo in loo midooba dagaalka dowladda iyo maamulka madaxweynaha in la ridaa in ay tahay xaq, kuna waajibtay qofkasta. Faysal isaga oo aqoontiisa iyo aftahannimadiisaba isku gaynaya waxa uu geed dheer u mid gaabanba u fuulay kicinta shacabka.

 

Hoygii ay ku noolaayeen Maxamed iyo Faysal waxa ku hadhay hadda Haajira, Hinda, Hadiya, Isra iyo Axmed yare. Haajiri habeenkii wewer ma seexato. Labadeeda wiil ee dagaalka iska soo horjeeda ku jira ayaa hiyi kac ku abuuray. Wadnaha ayey farta ku haysaa. War kasta oo soo dhacaana intaanu dhegeheeda ku soo dhicinba naxdin ayey lasii dhan qaarantaa. Marka loo dhammeeyo warka bilaa dhiillada ahna foostooyin naqas ah ayaa ka soo booda. Farxad yar oo ilbidhiqsiyo ka dib baabi’i doonta ayey dareentaa.

 

Maxamed caadiyan Jimcayaasha ayuu xaafadda ka soo war helaa. Saacado marka ay hooyadii is wareystaanna hawsha halkeedii ayuu kaga noqdaa. Faysal isaga lama arko. Hooyadiisii Haajira ee uu baarriga u ahaa, xaaskiisii Hinda ee uu boqorka u ahaa, inantiisii Hadiya ee uu jeclaa, Isra yartii aroortii marka uu sii baxayo kabaha u keeni jirtay iyo sabigii yaraa ee Axmed, hawl aan cidi u diran ayuu u kaga mashquulay. Hadhka ayuu uga dhacay. Si aan joogto ahayn ayuu xaafadda marmar uga soo dul dhacaa. Laakiin Faysal Faysalkii la yaqaannay maaha. Marka uu xaafadda yimaaddo cidna lama hadlo. Iska warrama iyo maxaad ku berideen toona isaga oo aan odhan ayuu hooyadii Haajira weyddiiyaa Maxamed in uu joogo iyo in kale. Mararka qaar markay ku tidhaaho “may” isaga oon gurigaba hore ugu sii socon uun buu albaabka ka noqdaa. Arrintaa hooyadii weli may fahmin. Marka uu weyddiinayo si aan naxariis ku jirin ayuu u yidhaahdaa “Maxamed muu joogaa?” Haajiri si dareen naxariiseed leh ayey u tidhaahdaa “hooyo shalay ayuu mar na soo gaadhay oo haddana wuu noqday, laakiin sida kale uu iska fiicnaa.” Wuu iska fiicnaa, wuu iska fiicnaa, mararka qaarkood inta uu madaxa ruxo ayuu ka daba yidhaahdaa isaga oo dibinta qaniinsan, qorigiisiina degta u sudhan yahay.

 

Waa la kala war la’yahay. Haajira waxay latahay in Faysal walaalkii Maxamed xaalkiisa iyo waxa uu ku suganyahay ka waraysanayo. Si aada ayeyba ugu faahfaahisaa. Maalmaha qaar ayey ku calaacashaa “waxan aad isla waa waayasaan taloow waa maxay?” Faysal ayey ku canaanataa “haddaan ogaan lahaa xilliga aad noo imanayso waan kuu sii ballamin lahaaba.” Marar badanna ballan ayuuba u qabtay Faysal hooyadii. Isaga oo war la’ aanta hooyadii ka faa’iidaysanaya ayuu ku yidhaahdaa “Jimcaha waan imanayaaye haddii uu iga soo horreeyo isii sugsii”. Jimce yaal dhowr ah ayey Haajiri ku tidhi Maxamed “hooyo Maxamed walaalkaa Faysal ayaa nagu kaa wareeriyaye bal yara sug wuu soo socdaaye.” Maxamed wuu ka war hayaa in aanu Faysal caadi ahayn. Sidii maalintii labaad markii uu kooxdiisa aan weli loo magac bixin u raacay, farriintii qoraalka ahayd ugu soo diray wuu ka digtoonyahay. Hooyadii laakiin arrintaa ma dareensiiyo.  Marka ay la soo qaaddo ama ay maanta wuu imanayaaye yara sug tidhaahdo, waxa uu kaga baxaa “hooyo ma sugi kare e igu salaan uun.”

 

Dhanka kale, Faysal hawlihiisa darteed inta badan ma oofin jirin ballanta. Sidii looga bartay uun buu maalin aan la eegayn guriga ku soo beegmaa. Maxamed mee iyo ma joogo marka la’isla gaadhana halkiisii uun buu dib uga laabmaa.

 

Intii Maxamed iyo Faysal marba ay isa seegayeen, waqtigu cidna ma sugine wuu iska socday. Maalmo sannado u dhigma ayaa dhammaaday. Bilo bayhoof iyo  balanbal badnaa ayaa idlaaday. Dadka intii aan qoryaha sidani wax qaxa iyo wax qudh baxa ayey u bateen. Hinda oo ahayd xaaskii Faysal iyo Hadiya yar hooyadeed, habeen aan sii fogayn ayey hoyatay. Bam guriga saq dhexe haleelay ayaa sababay. Haajira iyo Hadiya oo naxdintii geerida hooyadeed laba jeer intii ay le’ekay hoos uga yaraatay, Isra iyo Axmed ayaa hadda gurigi ku soo hadhay. Faysal waa uu maqlay in ay xaaskiisii hoyatay, laakiin kamuu damqan, danna kama gelin. Faysal maaha Faysalkii la yaqaannay. Waan laga quusan uun. Maxaa Faysal ah ma ninkan hadh iyo habeen uu u hillaacayo dhiigga walaalkii! Walaalkii rumaad. Walaalkiisii dhabta ahaayee la dhashay. Shoodhihiisii, Maxamed yare.

 

Adduunyooy ayaan daran. Nimay shalay u roonayd rafaadiysooy ayaan daran. Shalay waxa uu ahaa reer dhisan. Reer dhisan oo dhaqan. Walaac iyo werwer aan qabin. Adduun iyo ubadba inku filan ka leh. Haajiri waxa ay u dhaxaysay maalintii qolkeeda, qolka Maxamed iyo dhowrka qol ee iska soo horjeeda ee reer Faysal ee ay weli ka sii muuqato kashkaashkii iyo qurxintii loo qurxiyey arooskooda ay muddada dheeri ka soo wareegtay. Adduun kama wewerto. Labadeeda inan iyo Hinda, marwada Faysal ba shaqo sharfan oo ay mushahar fiicanna ku qaataan ayey qabtaan. Hawsha guriga lafteedu wax walaac iyo walbahaar ah kuma hayso. Inan shaqaale ah ayaa u xilsaaran. Labada carruura ee Hadiya ka yaryar; Isra iyo Axmed, ciyaarsiintoodu culays kuma hayso oo inan gaar ah ayaa u qaybsan. In kast oo ay Haajiri labadeeda wiil agoonnimo ku soo korisay, la soo kufaa kacday markii ay yaryaraayeen, immika wax kadeed ahi ma haysto. Midho ay beeratay oo bislaaday ayey guranaysaa. Ma aha guul meel gaaban iyo gacan haadis ugu timid. Wey u soo dhididday. Wey u soo dhib mudatay. ‘Hurdada maantu berri ayey kaa go’antahay. Nasashada maantu berri ayey kaa dhimantahay. Maanta ayaan yarahay. Maanta ayaan xoogleeyahay. Inta aan berri anoo da’ ah darxumoon lahaa maanta aan dedaalo.’  Weedhahaas ayaa ahaa kuwo ay maanka iyo maskaxdaba gashatay. Wey ku seexan jirtay oy ku soo toosi jirtay. Waxay ahaayeen yididdiilo ay wakhtigii adkaa kaga soo doogatay. Waxay ahaayeen weedho ay dhab noqoshadooda xilli hore sii sawiratay. Nimcada ay maanta haysataa waa riyooyinkii ay shalay lahayd oo rumoobay.

 

Toddoba cisho ayaa laga joogaa markii Faysla guriga yimid. Sidii looga bartay markii uu guriga sidaa foodda u soo geliyey waxa uu yidhi odhaahdii aan ka filaynay. “Maxamed ma jogaa?” Laakiin maanta Haajiri  kamay hoos qaadin. Araggiisa xataa sidii awal ugu may farxin. Ma wax lagu farxaa? Ninka xaaskiisa afarta habeen sii mootan aan aaskeedii iman. Ninka aan hooyadii waxay ay ku sugantahay ka soo war helin. Carruurtiisa dayacan aan ka soo war doonin. Farxadi ha kuu danbaysee waa wax ay tahay in la is ka fogeeyo.

 

Markii uu jawaab waayey ayuu gurigii soo galay, isaga oo hoosta ka faraxsan. Is leh maalin aad sugaysay ayaa timid. Qolkii Maxamed ayuu galay. Waxa uu arkay in aanu joogin. Laakiin qaabka gurigu isku dhexyaallo waxa uu gartay in aanu mar sidaa u sii fogayn ka bixin. Farxaddiisii ayaa cadho isku beddeshay. Dibinta ayuu afarta foolba iskugu keenay. Iyada ayuu ka jaray intii uu Maxamed ka jari lahaa in u dhiganta. Xumaa waxaad ku soo talo gashay markaad si fudud u weydo. Ka sii xumaa marka aanad wax fiicanba u socon. Isaga oo weli qolkii Maxamed cadho darteed dibintiisii diirka ka saaray, daamankuna xunbaynayaan sidii awr laba sabar noqday, ayaa Isra oo aabbo lahi ka soo daba gashay. Isri waa saddexda carruura ee Faysal ta dhexe. Waa ta Hadiya na hoos uga yar Axmed na kor uga weyn. Waa saddex jir dhawaan uun af dillaacsatay. Waa hadal barad hadalkeedu aanu dhaafsanayn hooyo iyo aabbo. Waa rajo afar habeen aan helin  boggii hooyo ee diirranaa.  Ilmo yar oo u darsatay hadalkii qaboobaa iyo dhabtii dugsoonayd ee hooyadeed. Waa dhallaan aan garaadsan, welina garanayn meesha ay hooyadeed macaan jirto. Waa nuunuu isheeda aad ka garato ilmo hooyadii waayey. “Aabbo, aabbo” waa weedhaha ay lahayd marka ay albaabka ayna handaraabkiisa gaadhayni ka hoos baxay markii ay soo riixday ka dib. Faysal waxa uu markaa ku hawlan yahay baadhbaadhista qolkan isku dhexdaadsan. Dhegihiisa waxa ku kulmay oohinta inantiisa yar ee albaabka jiifta iyo yeedhmada hooyadiisa qolkan uu ku jiro dhiniciisa waqooyi, qolka kale albaabkiisa taagan. “Qalladi kugu dhacday oo lagu qaadye inanta yar ee kugu xabeebatay la hadal.” Ayey Haajiri iyada oo habaar iyo canaan is ku gu daraysa ku tidhi inankeedan maqanaha jooga ah ee meesha baadhbaadhaye. “Wallee Faysaloow waa lagu helay hooyo e Alle haku soo hadeeyo” ayey ku calaacashay markii canaanteeda cidi ka hoos qaadi weyday. Faysal wax jixinjixa inantiisa yar ee albaabka jiifta umuu muujin, jiifkiina kama kicin, hooyadiina jawaab muusiin. Tii yarayd oo albaabka jiifka ku rafanaysa intuu sii jiidhay ayuu xaggaa iyo gurigiisa isku sii daayey. Albaabka qolka hurdada marka uu marayo ayuu isha ku dhuftay Hadiya. Inantiisii curad. Inantiisii uu ifka ugu jeclaa araggeeda. Odhaahdeeda tii uu afkiisu jeclaa, ‘aabbo Hadiyaay.’ Isaga oo aan kabihii iska furin ayuu dacal kaga fadhiistay sariirtiisii qolka hurdada. Inta uu hareerihiisa u baalla daymooday sidii dacawo la ursaday ayuu u yeedhay Hadiya oo sida bisadda qolka fadhiga meel yar iskugu nabaysa. Hadiyi Hadiyadii uu yaqaannay maaha. Indhuhu kabbo dhiiga ayey ka casyihiin. Indhihii awal aad moodaysay kuwa deeradu maanta god yar oo aad mooddo in irbad loogu dalooliyey ayey ka soo jeedaan iyaga oo midab doorsoomay. Dhabannada ilmadii dharaarahanba yaacaysay ayaa dhabbooyin ka cadcad kuwa geela ka samaysatay. Cunuhu mar horeba wuu xidhmay.  Baroortii ay hooyadeed u barooranaysay iyo dhowr caano maal oyna cunahaba wax marin ayaa iskugu biiray. Cid ay ku ciirsato oo caawisa ayey weyday.  Yaa caawin oo u jooga? Hooyadeed hoyatay. Aabbaheedna adduunba war uma hayoo waakaa aayar iska dhaafay sidii laba aan is dhalin ama isku dhiig ahayn. Ayeydeed iyada ayaaba u baahan cid wax tarta oo waataa halkaa ilxumada iyo ayaan darrada la eedaadaysa. Mowjado ka quweyd weyn ayaa qaaday. “Aabbo adeero Maxamed ma idiin yimaaddaa?” Waa odhaah aan halkeedii lahayn iyo hadal malaggii galay. Odhaah ka soo baxaysa afka uur aan dareensanayn urugada guriga ka jirta. Galaysa dhego aan dhug u lahayn hadal dhayal loo yidhaa. Daalinaysa maskax dareen wadayaashu daaleen. “Haa wuu noo yimaaddaa. Awal Jimce yaasha ayuu noo iman jiray, laakiin immika si joogto ah ayuu ayeeyo u soo egaa.” Waa hadal cune ay xabeebi jiqsiisay si qunyar ah uga soo baxaya. Gubaya maskaxda iyo maanka aan filayn weyddiin aan qusayn waayaha guriga ka jira. Hadal aan niyad ahaan uga soo bixin e nafi keentay.

 

Ninba halkii bugtaa isaga ayey balbashaa. Maskaxda ay ka tagtay dareenka iyo damqashadu daaweyn ma yeesho. Diirka aad arkayso dubaaqa ku jira haddii ay ka go’aan unugyada dareema farriimaha debecsanaantu illeyn kuma daryeelo. Hadiya waxa dul ceegaaga maskaxdeeda  farriimaha ay dirayso duruuftan guriga ka jirtaa. Faysal isaga uma bilowna shiddadaa inantiisa shidaysaa. Halkan ayuu aayar iska shuurinayaa. Haddii la awoodi lahaa in la ogaado waxa labadan qof ee is dhalay laabahooda ku jira, wax lala yaabo ayaa la arki lahaa. Labada laabood mid ayaa fashilmi lahayd. Ta weyn weliba. Waxay hayso iyo waxa laga eegayo ayaa kala weynaan lahaa. Sida ay u weyntahay iyo sida aanay waxba u hayn; wax waayaha guriga khuseeya, ayaa kala weynaan lahaa.

 

“Taloow aabbahaa muu waashay? Muxuu marka uu guriga yimaaddo adeero Maxamed uun idiin weyddiiyaa? Muxuu alaabihii aad ku ciyaari jirteen awal idiinku keeni waayey? Malaha wuu soo illaawaa. Maya. Misagaa beryahaaba idiinkeena. Haa. Wallaahi in badanba illeen horta noo muu keenin. Malaha adigaa weynaaday. Oo haddaan anigu weynaaday muxuu Israba ku illoobay? Maya, maya, sidaa maaha. Sidii aabbo uu khamiiskii caddaa iyo cumaamaddii casaydba iskaga saaray caadi maaha. Intan uu dharka cawl cawlan qaatayba waxbaa ka si noqday. Wuu kulul yahay uun. Horta maalintii dhaweyd ee  geerida hooyana guriga muu iman. Adeero Maxamed iyo abtiyo Cali iyo dadka jaarka ayuunbaa hawsha kala waday. Wallaahi aabbo immika waxba kuma filla haddaa. Ayeeyo lafteedu immika wey nacday. Sowta markuu soo galo ku qaylisa maaha. Sowtii markii dhaweyd habaaraysay maaha. Aabbo wuu is beddalay. Hooyana waa taa…” Halkaa marka uu fikir la marayo ayey sii wadi kari weyday Hadiyi. Ilmo kulul ayaa indhiihii abaaday ka soo burqatay oo dhabannadii caddaaday dililiq laysay.

 

Faysal waxa uu ka sii baxayaa guri aad mooddo in ay ku soo hoydaan murugooyinka adduunku. Guri aad mooddo in isaga cirka geestiisii ku beegnayd goor hore ku soo duntayo oo iska kici waa kukaasi la leeyahay. Farxad jawigan reerku ku jiro aan la jaanqaadayn ayaa foolkiisa ka muuqata. Farxaddu mar ayey foolxumo tahay. Marka aan meesheedii la joogin. Sida hadda oo kale. Albaabka ayuu caganta bidix iskaga furay isagoo gacanta midigna jeebka kula jira. Gacan raadinaysa furaha gaadhigan guriga horyaalla. Isaga oo aan ku ambannin waxa uu abbaaray gadaasha danbe ee gaadhiga. Wax yar ka dib waxa degta u saaran shandad weyn. Shandad madowgeeda iyo qaabka daran ee uu u sido aad ka garanayso in aanay wax wanaagsan soo wadin. Shandaddan uu dhaqdhaqaaqa ka dhowrayo inta uu ku mashquulsanyahay, waxa meel kaga soo maqan laba indhood. Sida shinnidu boqoraddeeda u dabo guurto si la mid ah waa indho halkuu aadaba daba alluuban.  “Aabbo nacnac.” Waa Isra yar oo yididdiilo ka gashay shandaddan aabbaheed xagga guriga u la soo kacay. Waxay ahayd arrin ay aabbaheed uga baratay marka uu guriga yimaaddo. Laakiin waa abbahee? Abbihii Faysal ahaa. Aabihii ay taqaannay. Kan maanta maaha. Kii caadiga ahaa.

 

Shandaddii waxa wuu daf la yidhi qolkii Maxamed ee uu in yar uun ka hor ka baxay. Isaga oo aayar walwaalaya shandaddii ayuu ku furay sariirta rukunkeeda. Wax tibta mooyaha xawaasha aad mooddo iyo quraarad yaro oo cadar ah ayuu ka soo saaray. Macdan maaha muuqaalkeediina malaha. Haddana wuu dhowrayaa. Dhulka ayuu aayar dhigayaa, sidii sabi xalay dhashoo dhibta loo diidayo. Sidii uu kolba taako dhan ugu qaadayey sidii jirjirroole xooggiisa dhulka uga tudhaya, ayuu tib lamooddii ula soo dhaqaaqay dhanka hore ee sariirta. Halka ay barkimadu sida joogtada ah salka sariirta uga saarto, madaxuna soo jeedka sare ee sariirta uga salaamo ayuu wixii sudhay. Muu sudhine wuu xuluuliyey. Wuxuu xuduud kala qaybisa uga dhigay halka furaasha iyo sariirtu iska hardiyaan, barkimadiina wuxuu uga dhigay boqorad ku dekaysa.

 

Isaga oo ku diirsanaya shaqada uu qabtay, hoostana Alle uga xamdi naqaya ayuu sida miigga albaabka uga booday. Guul ayuu tirsanayaa. Midho geed sare saaran in uu goostay ayuu u arkaa. Gabagabada xaajo ku gun dheeraatay in uu gaadhay ayuu guddooonsaday. Intuu guriga isha ugu gubay sidii nin aan dib u soo guryo noqon doonin ayuu ka galbaday.

 

Haajiri intaa waxaasi dhacayaan, dhaqdhaqaaqa wiilkeeda meel aan sidaa uga sii dheerayn ayey kala socotaa. Ma danaynaso laakiin. Indhaha daaraddan iyo lixda qol ee hareera ka soo eegaya ka daalay uun baa doontaye iyada dani kama hayso wiilkan horteeda kolba dhinaca isku kala gurayo. Muuqiisa ayaa ku dhaafiya ayey isleedahay. Kuma gafaso e waa wax uu ka galabsaday. Haajiri qof jilicsan umay dhalan, waayuhuna wax badan oo hore ayuu baray. In badan oo ay jirtay iyo duruufo kala geddisan oo ay u soo joogtay ayaa wax badan baray. Qiimaha adduunyada iyo inta uu gaadhsiisanyahay wey garanaysaa. In ay adduunyaduba tahay hadhkaa labadiisa gelin hadal uun kuma hayso e hagaag ayey u soo aragtay. Waayo badan oo qallafsan ayey soo qaadatay oo noloshu bilow uma aha barbaradna maahee waa qalin jabis. Sansaanka maantu leeyahayna wey garanaysaa. Laydh tabani in ay hayso wey dareemaysaa. Mid ayey is weyddiinaysaa laakiin. Halka ay dhigidoonto dabayshan sidda farriimaha aan tognayni.

 

Marka uu Faysal albaabka ka sii baxayo, waxa Haajira maankeeda ku soo dhacay xasuusihii waayadii hore. Waayadii uu Faysal taagta iyo tamartaba darnaa iyaduna ay xoogga lahayd. Sidan maanta si ku cagsi ah markii ay ahaayeen. Waxa isku qaban waayey sida ay ugu soo dhib mudatay dhallaanimadiisii iyo sida uu maanta uga dhaaqay iyada oo ayni ah. Sida ay u soo ahayd iyo sida uu maanta u yahay. Ma garanayso sabab uu Faysal waxan  oo dhan u samaynayo. Sabab uu carruurtiisa cidlada rajaynimada la baaba’aysa ee dayacan u daryeeli la’yahay. Sababta uu iyada araggeeda uga naxayo ee marka ay indhaha isku dhuftaan uga sii jeedsanayo. Sababta marka ay wax weyddiiso aanu si wacan ugu warcelinayn. Sababta xilligan adag ee xaafaddu ku jirto aanu wax xil ah isku saarayn.

 

Haajira madaxeedu ma qaadi karayo fikir sidaa u badan. Maskaxdeeduna iyada oo marka horeba da’ lasii gudhasay ayey haddana duruufaha adagi uga sii dareen. Sida ceeryaanta galbeed casarkii cadceedda u cimri dedejiyaan ee iyada oo aan weli godkeedii ku carraabin dhulka mugdiga ugu hadoodilaan ayey Haajira hawlaha haystaa ugu awood iyo itaalba sheegteen. Hurdo ku filan habeenkii ma hesho hawsha maalintiina kama hadhgasho. Halkee ayaa fadhiba u yaallaa? Sow saddexda carruura ee rajayoobay hooyo iyo aabboba maanta uma aha. Sow kaalintii hooyo Hadiyadii hoyatay iyo tii aabbe Faysalkaa aan dhimashada waxba dhaamin in ay buuxiso lagama rabo. Fikirkii falalka Faysal samaynayey Haajira ku riday waxa uu dhaxal siiyey in ay yara suurto. Waxa ay ka qataato dhacday kursigii ay docda qolkeeda ku fadhiday.

 

Baskan kala jiidan waligeedba may arag. Ma kala jiidna oo kaliya e korna wuu u dheeryahay. Quruxda ayuu wax walba kaga daray. Ashqaraar ayaa ku dilayaba marka aad aragto. Muuqaal maskaxdu wada sawiran karayso hal mar maaha muuqiisu. Baska muuqaalkiisa dibaddu waa caddaan balayax ah oo caleemo sureeri khafiif ah si habsami leh loogu qurxiyey. Laba laamood oo jirid qudha salka ku wada haya balse mid waliba markay dhexda maraysay dhan u fushay ayaa markay dalxiiskoodii soo dhammaysteen iyaga oo aan qaarkoodii dhexe dhaqaajin afka isa saaray. Sida ay sanka iskugu hayaan waxa aad mooddaa in mid waliba ta kale uga warramayso meeshii ay u foof tagtay. Badhtamaha, halka ay labada laamood u kala fogyihiin caaro ayaa xuub ku samaysatay. Shan dalool oo waaweyn ayaa badhtamaha xuubka ka muuqda. Birta dheer ee turuska baska ka taagan marada ka babanaysa isla xuubkii caarada iyo caleemihii isa soo xooday si ay is ku salaamaan uun baa ka maquuqda.

 

“Marxabban biki bisalaam yaa ummii al casiisa.” Ayey inan albaabka baska taagani ku tidhi Haajira oo saddexdii carruur ahaayee ilma Faysal daadahaynaysa. Inanta lafteeda muuqaalkeeda ayaaba ka daran kii baska. Da’ ahaan waxa ay u muuqataa 21 jir. Tima yar oo biliix ah oo ay hareeraha madaxa u kala rogtay ayey leedahay. Masar iyo wax madaxa lagu asturo mawadato kamana ag muuqdo haddii aad is odhan lahayd dabayshan dhacaysa ayaa ka tuurtay. Haaf yar oo boodhe ah oo labada jilib korkooda ku laalan ayey xidhantahay. Mijo dhuudhuuban oo aan wax xaad ah loo ogayn oo aad ku wii xidinxiitada mooddaana halkan ayey Haajira ka soo khaawisayaan. Xaashiyo cadcad oo dhowr is dul saaran ah oo wax aad caag madow mooddo sii dulsaaran ayey inantu kolba wax yar intay ku foorarsato ku qoraysaa. “Shukran bintii.” Intay ku tidhi ayey Haajiri hore u dhaaftay. Iyada oo aan muuqaalka baska gudiisa weli kawada bogan ayey kursigii ugu soo horreeyey dul hunbudhsatay carruutiina mid dhabta ku qabtay kuwii kalena kursi ku duwday.

 

Saddex saacadood oo safar aan kala go’ lahayna ka dib waxa ay soo gaadheen xero yar oo dad badani ku urursan yihiin. Dhammaan guryaha ka dhisani waa qaar isku eegeeg. Waa guryo aan dhagax iyo dhoobo midna ka samaysnayn. Waa guryo isku samays iyo sansaanba eg. Waa guryo haddii aan tirada wajahadda kaga taalla loo samayn lahayn aanad kala garateen. Waa guryo kolba dabayshu dhanka ay ka qabato dari ku yeelanaya laakiin aan haddana dumayn.

 

“Ihbiduu, naxnu fii makaaninaa.” Ayey tidhi inantii yoo ay aad uga muuqataa in Carabigu ku adagyahay. Mar qudha ayey dadkii dhulka soo taabteen sidii iska rogo dhagax  laga rogay. Dhowr hablood oo u eeg inantii baska ayaa dadkii qoloba dhan u hor kacay. Farxaddeeda Haajiri waxay aragtay Maxamed iyo Faysal oo iridda baska taagan oo gacmaha is haysta. “ Soo deg hooyo, maanta dagaal …”

 

“Toos, toos ayeeyo.” Waa Hadiya oo layaabtay waxa Isra yar helay. “Acuudu billaahi. Oo waa halkee halkani ayeeyo.” Waa Haajira oo hurdadii weli aan hagaag uga soo wada kicin. “Ayeeyo waad yara gama’day e balkaalay Isra eeg ma hadlaysaba e.” Intaa soon weli afkeeda ka soo wada dhammaan ayey Hadiyi u kacday dhankii qolka adeerkeed Maxamed ee Isra yar dhex jiiftay. Haajiri hadalkaa caadi umay wada maqlayn. Way wada maqlaysay laakiin may wada fahmayn waxa ay Hadiyi leedahay. Kalmadda ayeeyo ayuun bay caadi u garanaysaa in ay lahayd. Erayga ‘ayeeyo’ hore ayuu dhegaheeda uga batayoo maskaxdeedu meel fogba kama doonta. Muddo ilaa toddoba daqiiqo ah ayey isku dhex yaacsanayd. Adduunyadan ay joogto iyo tii ay inyar ka hor baska bilicda san leh u raacday ayey kala garan weyday midda dhabta ah. Siday kolba hareera u eegaysay ilaa oo ay daaleen muruqyada margigu may xaqiiqsan in dunidii ay hurdada ku dhistay dhalanteed ahayd, saddexdii eray ee u horreeyey ee afka Hadiya yar ka soo baxayna ku burburtay. Hore waxay u maqli jirtay ‘guri in la dhisaa ma dhib yara in la dumiyaana ma adka.’ Mid taa u eg laakiin inyar kaga duwan ayey immika aragtaa ‘ duni dhan oo calankeeda leh in hurdo lagu dhisaa ma adka hadal in lagu burburiyaana ka sii fudud.’

 

Ilaahay ballankii gurigu waa isagii. Korsiguna waa kii ay ku fadhiday uun. Gabbalkuna weli ma dhicine wuu yara gaabtay uun. Geedkii guriga ku horyaallayna muu guurine halkiisii uun buu is gamaarinayaa. Iyaduna adduun kale ma aadine halkeedii uun bay kanbadhuudhaa. Kuwii yaryaraana midda hadal daysay mooyee halkan bay orordayaan. Ciil iyo cadho weynaa. Waa iyadii. Iyadii iyada uun ahayd. Iyadii dhibta badnayd. Dunidii ay ku hawshootay ee kuwii ay dhashay ku hirdamayeen. Inta ay qalbiga ka oyday ayey istidhi haddii Hadiyi aanay ku kiciseen adduunyadaadii cusbayd ee aan cidhiidhiga lahayn ayaad sii joogi lahayd. Haddana inta ay is badh qabtay ayey tidhi maxaad inanta yar ee aad ayeyda u tahay ku maagi ma marbay ahayd adduunyo lagu waarayo. Mid nafta uuni kuugu sheekaysay ayey ahayde. In yar intay dib u milicsatay adduunyadii daqiiqado ka hor ay dhex joogtay ayey tidhi Ilaahoow mid uun iiga rumee. Baskeedii bilicda samaa iyo inanteedii bilnaydba ha is kala tagtee Ilaahoow middaa uun iiga rumee. Maxamedkaa iyo Faysalkaa gacmaha is haysta. Walaalahaa aan sida maanta is malgayn ee meesha wada jooga. Kuwaa aan dowlad iyo dad ka soo horjeeda midna aan u kala adeegayn ee iyagu is ilaashanaya. Midhaa uun Allaaw iiga dhabee.

 

“Ee ayeeyo dee kaalay bal Isra eeg.” Waa Hadiya oo ku xiiqday ayeeyadan aan iyadaba maqlayn ee iyada uuni isku mashquulsan.                                                Haajira: “Iigu yeedh kalabadda xun. Ma caanihii ayey cabbi la’dahay.”                  Hadiya: “Maya e bal kaalay eeg maba kacayso e.”                                                 Haajira: “Ma kacaysa aa. Naa maxaad leedahay.”

 

Marka aad afaafka sidaa uga soo gasho qolka Maxamed, halka ay sijaayaddu taallo, meel sariirta hal tallaabo bari ka xigta, galafeedha casna in yar uun ka horraysa waxa jiifta Isra yar. Caadi uma jiifto. Laakiin jiifku waa tilmaanta ugu dhow ee tibaax lagaga bixin karo sida ay meesha u taallo. Kodhida madaxeeda ayaa si fiican dhulka ugu mudan. Dhabarka oo dhan labada garab dhexdooda ayaa isna si fiican dhulka u haysta. Qaarka danbe oo dhan labada miskood ayaa dhulka iyaguna si aada ugu dangiigsaday. Qaybaha kale ee jidhkeedu samada ayuu heehaabayaan. Haa, samada ayuu heehaabayaa. Labada gacmood iyaga oo aad mooddo madaafiic diyaaradda samada meel fog maraysa loo diyaar garaynayo ayey halkan cirka ku fiiqanyihiin.  Aadbay bay u giigsanyihiin oo ku waasaa beri dhexda meel iskaga laabmi jiray maba odhanaysid. Faruhu iyaga oo sidii macne feedh oo kale duuban ayey hoos u fooraraan. Labada addin meel dhulka iyo cirka dhexdooda ah ayey fidsanyihiin. Mid la mida ama ka daranba gacmaha ayey iyaguna giijisanyihiin. Indhuhu iyagu sidii qof hurdo meel macaan u marayso ayey u dansanyihiin. Quraarad cadara oo oo laabta Isra ee sida fiican dhulka uga soo kacsan taalla mooyee wax kale ma agyaallo.

 

Haajira: “ Isra Isra, naa waan hoogay huunno inanta maxaa sidan u kala daadiyey. Ma habaar qabihii aabbaheed ahaa ee ay markii dhaweyd ka daba ooyeysay ayaa…”

 

Isri dhaqdhaqaaq malaha. Gacmaheeda iyo lugaheeda midna meesha uu yaallo kama soo dhaqaajin karaysid. Wax neefsasho ah iyo naqas ay qaadanaysaa ma jiro. Wadnuhu garaaciisii uu jidha ugu gargaari jiray waa horuu ka gaabsaday. Dheguhu maqal ma leh. Indhuhu arag ma leh. Afkuna wuu aamusanyahay.

 

Haajiri maaha qof ay ku cusubyihiin aragtida qof laga waayey astaamihii noolaanshaha. Laba wiil oo Maxamed iyo Faysal afrayn lahaa ayey hore u soo weyday. Ayaan iyo Amuul oo ay ayey u ahayd, Isra iyo Hadiyana u dhexeeyey ayey iyagana aaskoodii u soo taagnayd. Maantana waaba ayniyoo waaya aragnimo waqtiyeed ayey leedahay. Laakiin mid ayaa ka dhaadhici la’. Qaabka Isri noqotay iyo xilliga ay noqotay iyo waxa ku dhacayba maskaxdeeda ayey wareeriyeen. Si ay weyddiimaha maankeeda maansheeyey warcelin ugu hesho waxa ay qabsatay aleenka guriga si ay u garaacdo qaybta gargaarka degdegga ah ee dhakhtarkii ay Hindi ka hawl geli jirtay intii aanay hoyan ka hor.

 

“Inanta yar waxa laga helay jidhkeeda sunta khatarta ah ee sayriin la yidhaahdo.” Dr Nahyaan.

 

“Ma garan karo si ay taasi suuro gal u tahay. Inanta yari meel dagaal ka socdo may tagin. Guriga uun bay joogtay. Een… Bal ii faahfaahi digtoor suntan. Maxay ahayd sayruukhdu horeba u maan maqale. Maba karayee matii lalaahaa baa sigaarkay ku jirtaa?” Haajira.

 

“Sayriin waa sun ku jirta kuwa ka mamnuuca ah xataa in dagaallada loo isticmaalo. Muruqyada jidhka ayey kala bixisaa. Qofkii la siiyaana markaaba neef qabatow ayuu u dhintaa. Immika inantaada yari wey kuu saqiirtee qaado. Cid kalena arrinta ha ogaysiin. Waayo haddii adduunku arrintan ogaado in adiga laftaada eedi kaa raacdo ayaa la arkaa. Afkaaga hayso arrintanna hoos u dhammee.” Dr Nahyaan.

 

‘Hoonbaro libaax bay soo waddaa’ Maxamed markii loo sheegay shilka gurigii ka dhacay waxa uu dhab u xaqiiqsaday in waxaa maanta dhacay iyo wax kale oo ka daranba Faysal ka soo naaso cadyihiin. Waxa uu ka qoomammeeyey siro uu Faysal ka hayey oo aanu hooyadii afka uga furin. Waxa uu isku canaantay haddii xilli hore uu uga warrami lahaa hooyadii xogta uu Faysal ka hayo in maanta Isra yar adduunyada sii joogi lahayd. Caano daatay dabadood la qabaye, maanta waxa aad hayso waa in aad hooyadaa daboolka uga qaaddaa ayuu arrin ku soo gabogabeeyey.

 

Maxamed: “Hooyo haddii ay fooli timaaddo futo qarsiimo hadhaye, maanta waxa aan doonayaa in aan arrin aan beryahaaba kaa qarin jiray kuu sheego.”

 

Haajira: “ Bismillaahi raxmaaani raxiim. Bal ii wad Alle mid khayr qabta haka yeelee hooyo.”

 

Maxamed:  “Hooyo waad ogtahay halka uu maanta xaafaddeenna xaal ka joogo. Waad ogtahay in aan saacadahaa aan toddabaadkii kaa soo war helaa ay igu adagyihiin isaga oo ciidankayga xeradiisu afar boqol oo tallaabo kuu jirto. Waad ogtahay amniga waddanka iyo arrimuhu siday yihiin. Waad ogtahay curadkaagii iyo walaalkay Faysal halka uu ka fadku diyey. Waxa aan maanta doonayaa inaan saddex arrimood kuu sheeg. Waa midda koowaade waxa aan doonayaa in aan kuu caddeeyo waxa uu walaalkay Faysal waxan innogu samaynayo. Waa midda labaade waxa aan doonayaa inaan kuu sheego cidda ka danbaysa dilkii Isra yar. Waa midda saddexaade waxa aan doonayaa in aan ciidanka ka soo goosto oo aan meel amniya ku geeyo oo aan aniga iyo walaalkayna ku kala nabad gelayno.”

 

Haajira: “Alle hooyo ha ii kaa daayo Maxamed-Hanadoowe bal hooyo taa inanta yar ii faahfaahi.”

 

Maxamed: “Ta ka sii horraysana aan kuugu daree, sida aad ogtahay Faysal waxa uu   raacay mid ka mid ah qolooyinka dowladda ku mucaaradka ah. Weliba kuwooga aadka dowladda uga soo horjeeda habeen iyo maalinna qaraxyada iyo dagaalka ku dhufoo ka dhaqaaqda ah fuliya. Gaar ahaan isaga iyo kooxdiisu dowladaha reer galbeedka ayey hoosta kaga xidhanyihiin. Aniga maalintii labaad ee markii uu dagaalku bilowday ayuu farriin qoraal ah bartayda faysbuugga iigu soo diray. Waxa uu ii sheegay in aan ka baxo ciidanka dowladda. Waxa uu igu yidhi dowladdu jidkii iyo hannaankii hagaagsanaa wey ka badhee ka bax. Haddii kale cid u horraysa ee ku dili doonta ee weliba dilkaagana janno ku mutaysan doontaa waa aniga. Anigu laakiin kamaan hoos qaadin. Waayo dowladdu waa tii uu shalay Faysal i odhan jiray u adeeg, shaqada qaranka sideeda u gudo. Dowladdu waa tii aniguna waa anigii isaguna waa isagii. Isagu waa isagii oo aan caadi ahayne cid kale ka dhex hadlayso.

 

Aan u imaaddo arrintii Isra e, dhacdadaa waan baadhay. Ilaa shalay markii aad ii soo sheegtay waan baadhayey dhacdadan. Waliba waxa aan la kaashaday qayb ka mid ah ciidanka sirdoonka qaranka. Waxa ii soo baxday in ay ahayd arrin Faysal ka danbeeyey. ‘Booraan hadimo ha qodin haddaad qoddana ha dheerayn ku dhici doontaana mooyee.’ Isagu Isra ula ma jeedin. Aniga ayuu iila jeeday laakiin umay suuro galin. Quraaraddaa sow ma arkaysid? Waa quraaraddii aad ilahayd inanta quraarad cadar ayaa laabta ka saarnayd. Cadar iyo cuud toona may ahayn. Quraaraddan ayey suntu ku jirtay. Cadarka ogaan ayaa loogu soo ekaysiiyey. Waxa loogu talo galay in qofku cadar aan iskugu buufiyo ka dibna naftuba ka baxdo. Laakiin umay noqon e inantiisii yarayd ayaa Alle ku sababay. Taasina waa ayaan darro.”

 

Halkaa marka uu marinayo Haajira labada dhaban ayey ilmadu dareeraysaa. Amakaag iyo afka la qaad ayey u arkaysaa warkan Maxamed afkiisa ka soo burqanaya. ‘Hadal aanad filayn iyo fallaadhiba wey kaa nixiyaane,’ wadnuhu naxdin aanay weligeed hore u dareemin ayuu fugtaa la hayaa. Damdamtiisa dadka u dhow ayaa dareemaya. Dhacdo sidaa soo kale ahi sida kii laga beeray uga suuroto gashay ayaa garaadkeeda ka dhaadhici la’. Nafteedu waxa ugu sheekaynaysaa malaha inanka waa la falay waxaasi kamay suuro galeene.

 

Maxamed isaga oo hadalkiisii sii wata hooyadiina u laab qaboojinaya ayuu yidihi “ Inna macal cusri yusraa. Is deji hooyo wey hagaagi doontaaye. Aan kuu dhammeeyee, waxa aan go’aansaday in aan ciidankayga ka soo goosta goor aanay i ogayn. Waa arrin khatar leh laakiin waan ka taxadirayaa. Qarankayga difaaciisa waan u dhaartay laakiin dhibta ku haysata ayaa intaaba igala weyn. Meel nabada oo adoo niyadsan aad seexato ood soo toosto in aad tagto ayaan rabaa. Faysal iyo rabashkiisa in aad ka fogaato ayaan doonayaa. Xero Qaramada Midoobay Xama agteeda ka sameeyeen ayaan rabaa in aan ku geeyo. Kuuma cayimi karo immika laakiin diyaar noqo.”

 

Safar baa loo xidhxidhay. Iyada Haajira wax badani kama qabyo aha. Maantaba haddii ay dhaqaaq is tidhaahdo wax gurigan milayga adduun ka soo maray dib ugu sii dhajiyaa ma majiro. Laakiin waxa la isku afgartay in ayaamo la nagaado. Waayo Maxamed in xerada ciidanka ee uu hoggaanka ka yahay ka soo goostaa wax sahlan maaha. Haajira yididdiilo ayaa gashay. Nolosha oo ay hore uga quusatay ayey dib u bilowday in ay qiimayso. Qaybo jidhkeeda ka mid ah oo qallalay ayaa dib u soo qoyaya. Ubax udgoon badan oo ayaamo markii uu roob iyo raysba waayey qaadhay ayaa did u soo baxaya. Caleemo curdin dhadhay oo casaaday ayaa dib u soo magoolay. Dhul uu ayax aroor dhaweyd amsaxa ka dhigay oo uu idleeyey ayaa bilaabay in uu dib u soo fiilo.

 

Saddex iyo toban saacadood iyo sagaal daqiiqo iyo soddon ilbidhiqsi ayuu Maxamed ku qiyaasay in ay ka hadhay saacaddii ay safarkooda bilaabi lahaayeen. Ballantu waxay tahay lixda subaxnimo marku uu kala wareejiyo labada ciidan, ciidanka habeenkii hawl galka dhammaystay iyo ciidanka aroorta hawsha ku jiraya, in uu si yar oo sibiq ah u soo siibto safarkana sidaa hooyadii iyo labada ilmood ee uu adeerka u yahay kul bilaabo. Haajira xaggeeda iyadu waa iska diyaar. Immika waxa ay u baxday si ay alaabo yar suuqa uga soo iibsato. Wey ogtahay in kollay tuulo yar la tagayo, markaa in xamaanta yaryar ee caasimadda uun laga helo in ay ka sii faro qabsataa waa garteed iyo garashadeed. Dal beddelashada iyo dareenka farxadeed marka laga tago, hal shay ayey Haajiri ka walaacsantahay. Markay dhowr tallaaba qaaddaba waxa ku soo dhacaya ‘billee afka goostii inkaarta qabay inta aad maqantahay gurigii kuu sii dhaafaa oo dhibaato kale gaystaa.’ Waa garteed Haajiri in ay ka fikirto in Faysal guriga iska yimaaddo. Waxay ogayd in sida wadku nafta aanu ula ballamin amminta uu ifka ka qaadayo in Faysalna guriga isaga soo galo isaga oo aan wax ogaysiis ah sii bixin.

 

Gurigu kii ay ka baxdayba maaha. Albaabka oo aanay kaga tagin guriga cid furta ayaa iska ballaqan. Tuug wax bililiqaysta oo guryaha baadhaana baryahaaba magaalada ma jirin. Booqasho iyo bariido cid uga timaadda xilli la filayo maaha oo waa casar cadceeddu gaabatay oo godka liiqa dhigtay. Albaabkuna muu ahayn mid iskii ama aayar ku furmi kara e furaha hoose ayaa ku rognaa. Dabayl iyo duufaan albaabka jabisaana ma jirtee hawadu wey deggenayd.

 

“Ayeeyo aabbo ayaa yimidoo adiga ayuu ku doonayey oo markii uu ku waayey dibadda ayuu u baxay.” Waa Hadiya oo imaatinka aabbaheed ayeydeed farxad uga dhigaysa. Inkasta oo aanay weli ka quusin Haajiri inankeeda Faysal, inkasta oo dareenkii waalid nimo ay dareemayso, inkasta oo uu beerkeedii, kii iyada laga beeray iyo badh ka ka mid ah ba yahay, haddana marka ay magaca Faysal Haajiri maqashay meel ayaa damqanaysa. Nabar sii bugsanayey oo qolofaystay ayaa dib u qoonmaya. Qalbi dhaawacnaa laakiin dhaymo u socdeen ayaa dhalfiifaha noqonaya. Maqalkiisa ayaa nabar ay ka bogsatay dib u mililinayee araggiisuna toloow intuu yeeli lahaa? Alluun baa oge aadame ma suuraysan karo. Laba dareen oo is diidaya ayaa mar qudha ku soo wada degay.  Dhan farxad ayaa ka gashay oo haddii aanay kol guriga ku soo gaadhine oo uu ka hor baxay waa u bushaaro iyo bilkhayr. Dhan kale werwer ayaa weli kaga furan.Waxay isleedahay taloow maanta halkee ayuu wax idiin dhigayo oo midkiin ku aakhiraysan doonaa. Waa male kaliya uune ilaa imika waxba uma muuqdaan.

 

Faysal markii uu guriga yimid waxa uu hubiyey hawshii uu maalintii hore fuliyey. Quraaraddii wuu waayey. Waxa aanu halkaa ka gartay in qofkii qaaday uuni quraaraddaa u qoolanyahay. Dhankii sariirta ayuu haddana u kacay. Wuxu halkaana ka ogaaday in aanay hawshaasi weli guuleysan. Waxa uu is dareensiiyey in uu meel hoose oo aanay hawsheeda ka wada qabsan karayn geliyey. Waxa uu guddoonsaday in meel sariirta ka macquulsan uu galiyo. Fikir aan fayoobayn ka dib waxa uu gartay in uu kursigan geesta sariirta yaalla dul dhigo. Waxa uu is dareensiiyey in Maxamed marka ugu horraysa ee uu guriga soo galo kursigan dul fadhiisto. Si kale xataa haddii uuna ugu fadhiisan inta uu kabaha iska furayaba kollay sow dul harbash odhan maayo, ayuu nafta kula shawray. Alleylehe immikaad heshay halkii ku habboonayde halkan uun gali. Waxba ha galine sidaa uun kursiga u dul dhig. Dabadeed sijaayaddanna dul dhig, yaan la arkine. Culays hal kiiloogiraam ka badan haddii la dul saaro hawsheeda wey qabsan karaysaa. Si fudud ayey u dayaami karaysaa.

 

Inta uu sidaa naftiisa ugu sheekeeyey ayuu dul dhigay kursigii wixii tibta la mooday. Sijaaddiina inta uu hal mar isku laabay ayuu si habsami leh ugu dul hubsaday. Inta uu faraha ka qaaday ayuu yara fikiray. Muraayad aad arkayso ayuun baa la soo hormariyey. Maxamed oo sidiisiiya ayuun baa ka soo baxay. Sidii uu u qorsheeyey, markii uu sidaa afaafka qolka uga soo galay kursigii uun buu abbaaray. Salka markuu kursiga la helay, mar kuu gacanta bidix kabtaa midig taxa kaga furayo ayuun bay meeshii dayaantay mar qudhana Maxamed lawaayey. Halkaa marka uu fikirkiisii iyo hummaag beeneedkiisii isla marayaan ayuu yara naxay. Mawjaddii irbaddu saarnayd ayuu yara beddelay. Dhan kale ayuu maskaxda u foof geeyey. Ninka aad shirqoolka noocaas ah u samaynaysaa muuna ahayn walaalkaagii keli ahaa. Maxamed Maandhaye. Kii aad dhalashadiisa madinimo kaga badbaadday. Kii kali ahaa ee marka aad qayrkaa u faanayso aad odhan jirtay walaalkayga iga yar ayaa guutooyin kumannaan kor u dhaafaya gadhwadeen ka ah. Marka Maxamed la waayo sida ay noloshu u ekaandoonto ayuu yara eegay. Hooyadii sida ay dareemi doonto ayuu il milicsi yara sheedaaliyey.

 

Ka qaad waxa meesha. Ma walaalkaa ayaad wadkiisii wehel uga dhigaysaa? Ma kii badbaadadiisa aad boqolle uga dul tallaabsan lahayd ayaad birta ka aslaysaa. Ma hooyadaa ayaad hoogay ka siindoontaa? Maya, maya, taasi macquul maaha. Astaaqfirullaah! Waan gafay. Waa maxay jixin jixa iyo jidhkaygan jidhiidhicadu ku jabtay. Sidaan u idhaahdaa waa walaalkay ninka daaquudka difaacaya. Ninka hilinkii toosnaa iyo tubtii hagaagsanayd ka habaabay ninka heeganka ugu jira sidaan u soo dhaweystaa xataa haddaan wada dhalannay. Walaalkaa hadduu qalloocday masuuliyadda koowaad adiga ayey kaa saarantahay toosintiisa af iyo addinba. Markaa hawshaydu wey hagaagsantahaye ha fusho. Ha fushoo fuleyga habaabay ha disho.

 

Haajiri iyada oo dhan ka digtoon ayey qolkii Maxamed gashay. Qolku isagiiba maaha. Albaabka iyo irridda laga galayo midna waxba iskamay beddelin e waa iyagii uune ammuurta iyo ibtiladu meel kale ayey ka jiraan. Qolku wuu daba iyo hor geddisanyahay. Dhar aan la dhiqin ayaa guriga ku dhex daadsan. Si farsamo xumo ku jirto ayaa dharka guriga loogu farrashay. Laguma farrashine loogu filqiyey. Is ku may hawlin kumaynay habsaamin kala hagaajintiisa e hore ayey u dhaafay. Maxay ku falaysaa kala guriddiisa sow berriba ka guurimayso.

 

Marka ay Haajiri kolba calal coodhcoodhsan ka tallaabasanayso kaskeeda waxa ka guuxaya laba fikradood. Kolba inta ay is illowdo ayey soo noqonaysaa. Safarka subaxa berri ay geli doonto iyo qolkan Maxamed ee is dhexdaadsan Faysal waxa uu maantana ka yeelay ayey maskaxdeedu la mashquulsantahay. Iyada oo degdeggii qof safar  isku diyaarinayaa ka muuqdo ayey kursigii harbash dul tidhi si ay in yar ugu dul nasato.

 

Il bidhiqsiyo yar ka dib, madaxa oo aan intii uu maamuli jiray iyo mujihiiba ku oollin oo meel cidlo ah yaalla ayey midi ku soo dhacday. Xasuus yar oo ku xidhan inta aan xididdada xawlal mariidyada ee dhiiggga maskaxda u xanbaaraa xinjiroobin, ayey dhab ahaan u xaqiiqsatay in aanu madfac iyo xabbad meel lagaga soo ganay midina galaafannine gurideeda biyo ugu galeen. “Safarkaan galaayiyo, Maxamed kaan sugaayiyo, sabigaan sabaayiyo silic badan adduunyooy salaama” ayey ifka ku sagootiday Haajiri.

 

 

 

 

 

Cabdixakiim Maxamuud Maxamed (Ubaxle)

 

E-Mail: ubaxle959@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here