War Cusub Oo Kasoo Baxay Tirakoobkii Shaqaallaha Dawladda & Hay’adda Shaqaallaha Oo Soo Bandhigtay Xujo Ay Muwaadiniintu U Dhegtaagayaan Fulinteeda

0
1

Shax Saamiley Ah Oo lagu soo bandhigay Tirada Labka iyo Dhedigu Ka Kala Helayaan 50ka shaqo ee Cusub iyo Saddex Qaab Oo Lagu Sallaynayo Baahida Qaadashadooda

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Oo shaaciyey Daahfur Lagu Baahinayo Shaqooyin Loo Beratami Doono Oo Diiwaangelintii Ka Dib Ka Banaannaaday Dawladda & Kuwo Cusub Oo La Qaadanayo+Gobolka Ugu Horreeya Ee laga Bilaabayo

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dib markii ay dhamaystirtay Hay’adda shaqaalaha dowladdu Tiro koobkii lagu sugay shaqaalaha Dowladda u shaqeeya ee kala duwan waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday daahfurta Bilawga Baahinta Kaalmihii Shaqo ee soo baxay iyo kuwa cusub ee la Dowladdu qaadanayso oo gobolkii u horeeyey ee tartankaasi si daahfuran looga bilaabayoa uu noqday Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, shalay warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa magaallada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in Guddida Hay’adda shaqaalaha ee Dowladdu ay u kala baxayaan gobollada dalka, iyadoo gobolka ugu horeeya oo Sanaag ah ay ka bilaabayaan Tartan loo geli doono shaqooyinka Dowladda Somaliland ee la qaadanaayo. waxaana bulshadda ku dhaqan Gobolka Sanaag uu sheegay in ay ku tartami doonaan 210 boos oo shaqooyin ka banaan yihiin banaan. Qoraal uu warbaahinta u akhriyey guddoomiyaha hay’adda shaqaalluhu ayaa uu ku sheegay in hawshan ay indhawaaleba guddida hay’adda shaqaallahu gacanta ku haysay ka midho dhalinteeda, waxana qoraalkaas oo cinwaan looga dhigay baahin shaqo uu ku bilaabay “  “Iyada oo Mudooyinkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu gacanta ku haysay, buuxinta kaalmihii Shaqo ee ka soo baxay tiro-koobkii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku soo sugtay tirada rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda JSL, ayaa waxaa bilowday baahinta kaalmihii Shaqo si dhalinyarada dalku si siman ugu tartamaan. Haddaba, Guddida Hay’adda Shaqaalaaha Dawladdu waxa ay tartamada ku qaban doontaa gobollada kala duwan ee dalka halkaas oo maanta [shalay] la shaaciyey gobolkii ugu horreeyey ee tartaankaasi ka qabsoomi doono oo ah Gobolka Sanaag caasimadiisa Ceerigaabo.

Kaalmaha Gobolka Sanaag ayey tiradoodu dhan tahay 210 oo u kala baxa:

137 Kaalmo Shaqo oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada kuwaas oo lagu buuxiyey natiijada Kormeerkii u dambeeyey ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku wada sameeyeen. 23 Kaalmo Shaqo oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka kuwaas oo lagu buuxin doono Kormeer dhawaan Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku wada samayn doonnaan 50 Kaalmo Shaqo oo Cusub kuwaas oo immika la qaban doono tartankii loo gelayey iyaga oo tartamayaasha ku soo guulaysta ay ka shaqayn doonaan dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda. 50-kan kaalmo Shaqo ee cusub ayaa loo geli doonnaa 3-nooc oo imtixaan oo ku salaysan baahiyaha Wasaaradda/Hay’ada Dowladdeed ee banaan kuwaas oo kala ah:

1- Maamulka iyo Maaraynta “Management and Administration Exam”

2- Sharciga “Legal Exam”

3- Xisaabaadka iyo Maaliyada “Accounting and Finance”

Shuruudaha looga baahan yahay Tartamaasha ayaa ah:

1- In uu sito Shahaado Jaamacadeed oo la xidhiidha Shaqada uu Codsanayo

2- In uu soo gudbiyo CV-ga iyo Warqadii Codsiga oo ay ku cadahay shaqada uu Codsanayo.

3- In uu soo qaato Warqada dembi la’aanta

4- In uu keeno laba sawir oo kur ah

5- In uu keeno kaadhka aqoonsiga Somaliland oo goobta dhalashadu tahay meel kamid ah Gobolka Sanaag

6- In uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo meel kasta oo kamid ah gobolka Sanaag iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe ee Dawladda

F.G:- Waxaa xusid mudan in 50-ka Kaalmo shaqo 30% kamid ah ay noqon doonaan gabdho taasi oo ka dhigaysa saamiga tartanka in la qaadan doono 35-ka wiil ee ugu sareeya wiilasha iyo 15-ka hablood ee dhanka gabdhaha ugu sareeya”. Sidaasi ayaa guddoomiyaha hay’adda shaqaalluhu ku yidhi qoraalkiisa. Gebogabadiina waxaa qoraalka lagu xusay xilliga la baahiyey xayaysiiskan, goorta ay bilaabmayso iyo goorta ay xidhmayso qabashada arjiga codsadeyaashu,  goobta lagu qabanayo iyo weliba taariikhda imtixaanka shaqada la qaadayo iyo halka lagu qaadayo, kuwaas oo u dhignaa sidan:

Taariikhda Xayaysiiska:- Arbaca 14/11/2018

Taariikhda Bilowga qabashada Arjiyada:- Sabti 17/11/2018

Taariikhda ay xidhmayso qabashada Arjiyada:-Sabti 24/11/2018

Taariikhda Imtixaanka:- Salaasa 27/11/2018

Goobta Qabashada Arjiyada:- Xarunta Gobolka Sanaag

Wargelin:- Dhawaan waxaa lasoo baahin doonnaa gobolka ku xiga ee tartamadu ka dhacayaan halkaas oo gobolada dalka oo dhan tartamada shaqo ka qabsoomi doonnaan

Sharmaake Axmed Muxume Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here