War Ka Soo Yeedhay Shirguddoonka Golaha Wakiillada Oo Xummad-jebin U Noqday Xaraarad Maalmahan Kacsanayd

0
1

Kulan Lagu Guddoonsaday In Culimada Dalku Talo Ku Yeeshaan Shuruucda Oo Shalay Shirguddoonka Goluhu La Qaatay Xubno Ka Mid Ah Culimaa’udiinka Somaliland

“Xeerkani wuxuu maray Golaha Wakiillada, wuxuu u gudbay Guurtida, waxaanna Saxeexay Madaxweynaha Markaa Sidaasuu Ku Dhaqan-galay, Dalkuna wuxuu ku dhisan yahay wada-tashi” – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL

Hargeysa (Hubaal) – Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in culimada dalka loo xilsaaray faaf-reebka Xeerka muranka iyo doodda badan dhaliyey ee Kufsiga.Qodobo ku jira Xeerkan, ayaa ka hor-imanaya Shareecada Islaamka iyo Dhaqanka wanaagsan “Xeerkani waa mid si cad uga hor-imanaya Diinta Islaamka, Dastuurka dalka iyo Dhaqanka” sidaa ayey ku doodayaan dad badan oo ka soo horjeeda Xeerkan.  Laakiinse Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay Warbaahinta u sheegay “Xeerka Kufsigu wuxuu maray Golaha Wakiillada, wuxuu u gudbay Golaha Guurtida, waxaanu gaadhay Madaxweynaha oo saxeexay, markaa xeerkaasi wuu dhaqan-galay”. “laakiinse qodobo ku jira ayaa la yidhi waxay ka hor-imanayaan Shareecada Islaamka, inagu waxaynu nahay dad Islaam ah, markaa culimada waxaanu ku heshiinay inay soo qoraan qodobada ka hor imanaya Shareecada  ee ku jira” ayuu yidhi. Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyey in dib u eegis lagu sameynayo qodobada xeerka ku jira, waxaana dib u naaqishaya Guddiyo farsamo oo ka kooban, Goleyaasha Baarlamanka, Culimo Aw diinka, Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo Wasaarada Diinta iyo Aw Qaafta. “Wax allaale wixii Shareecada Islaamka ka hor imanaya ee ku jira xeerkaasi waa waxba kama jiraan” ayuu yidhi. Guddoomiye Baashe wuxuu sheegay inay sameynta shuruucda tallo iyo doorba ku yeellan doonaan culimada dalku, waxaanu qiray in la baal maray shaqo wakhti hore loo baahnaa in la sameeyo, taasoo ah in Khubarada shareecada Islaamka laga qaybgeliyo Sameynta Sharciyada sida kan Kufsiga oo kale Xaasaasiga ah. “Dalku wuxuu ku dhisan yahay wada-tashi” ayuu yidhi. Xubno kamida Culimada la kulantay shalay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo la hadlay Warbaahinta, ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay isla qaateen Guddoonka Baarlamanka. Golaha Wakiillada ayaa hore u ansixiyey Xeerkan, laakiinse gadaal markii uu soo baxay waxay kala kulmeen dhaleecayn badan oo uga timi Bulshada.   Culimada laftooda ayaa wax laga saarayaa dhuumashada qodobada xaasaasiga ah ee ku jira Xeerkan. laakiinse Golaha Guurtida ayaa si weyn loogu amaanay diidmada iyo dareenka culus ee ay ka qaateen Sharcinimada Xeerkan, halka Golaha Wakillada, Xukuumadda iyo daneeyayaasha kale ee Xeerku cambaareyn badan kala kulmeen. Sidaas darteed, ayaa hadalka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu   jeediyey looga dareemayaa in culayska kaga yimi Bulshada ee khuseeya diidmada Xeerkani shiiqisay aaminaadii lagu qabay Golaha Xeer-dejinta.

SHARE
Article horeShir Lagu Gorfaynayo Bedqabka Suxufiyiinta Somaliland oo ka Furmay Hargeysa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here