HUBAALMEDIA.COM
WAR-SAXAAFADEED: Magacaabis Iyo Xil-Ka-Qaadis Madaxweyne Siilaanyo Digreeto Kusoo Saaray
March 23, 2017 - Written by Mustafe Faro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4621/032017 uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Badhan, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, halka uu xilkii uu qaranka u hayeyna ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi.    

Madaxweyne_Siilaanyo2013

Madaxweynuhu:

 Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Badhan;

 Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cali Xuseen Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  • Sidoo kale Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (j) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Tixgeliyey:            Ahamiyadda ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Xilka Qaadis

 Ku:      Mudane, Maxamuud Cabdillaahi Xarbi,

                Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda     

 Og:      Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda                                        

 Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdirkariim Maxamed Xaaji Cali, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaan farayaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews