Warar Is Khilaafsan Oo Ka soo Baxay Ciidamo Weeraray Guriga Mid Ka Mid Ah Qabqableyaashii Dagaal Ee Muqdisho

0
88

Cabdi qaybdiid oo sheegay in Lagu Wargeliyey In Ay Gurigiisa Weerareen  ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.+ Farmaajo Oo Amray In La Baadho Cidda Ka Dembeysa dhacdadaas

Muqdisho (Hubaal) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga  Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo kamid ahaan jiray qabqableyaashii dagaal ee Muqdisho markii dembena madaxweyne  ka noqday maamul gobolleedka Galmudug, kaasi oo duhurnimadii shalaya Ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda soomaaliya yihiinn ay xoog ku galeen. Xilliga weerarku uu dhacay, Mr Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.   Cabdi qaybdiid oo goor dambe ooh shalay ahayd  saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.

 

Barta Twitterka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyadana lagu qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu taliyaha milateriga ku amray in baadhitaan lagu sameeyo dhacdadaas, iyadoo ‘ciddii ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono’.

 

Sawirro laga soo qaaday guriga Cabdi Qaybdiid ayaa muujinaya burbur loo gaystay agabkii guriga yaallay.

 

Wakaaladda wararka ee ku hadasha Afka dawladda Soomaaliya ayaa goor dambe shaacisay in taliyaha ciidanka xoogga dalka uu xabsiga u taxaabay 40 askari oo ciidanka dawladda ka tirsan iyo laba sarkaal oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qaybdiid.

 

Weerarkan ayaa imanaya Toddobaad uun ka dib, Weerar xilli habeennimo ah lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho ku leeyahay Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo sababay inay dhintaan Shan Askari oo Gurigaa ilaalo ka ahaa, dhaawacna soo gaadho Siyaasiga la weerarray Gurigiisa, kaasi oo isagoo dhaawac ah markii dambe la xidhay, wallow maalmo ka dib Maxkamadi siidaysay.

 

Cabdi Qayb-diid ayaa hore u ahaa Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Gal-mudug.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here