HUBAALMEDIA.COM
Warbaahinta caalamka Oo Ka Faalooday Ahmiyadda Heshiiska Horumarinta Dekadda Berbera Ee Ay Wada Galeen Somaliland & DP World
September 7, 2016 - Written by Mustafe Faro

DUBAI (Hubaal):-Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta, ayaa sheegtay inay Isniintii qalinka ku duugeen heshiis rasmi ah oo lagu casriyaynayo dekadda Berbera oo ay la gashay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wargeyska weyn ee caanka ah ee  The World Street , ayaa warbixin dheer ka qoray heshiiskan iyo ahmiyadiisa, waxaanay u qornayd warbixintaasi sidan:-

heshiiska dp world iyo somaliland

“Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee  DP World  ayaa sheegtay Isniintii toddobaadkan in ay ku guuleysatay  heshiis lagu horumarinayo, laguna maamulayo dekadda Berbera ee Somaliland, iyada oo lagu soo darayo qeybo caalami ah oo  ka badan 75 terminal.

Waxa ay intaa raacisay  in heshiiska dhex marey Somaliland iyo shirkadda DP uu soconayo muddo soddon sanno ah, lana  sii fidinayo  10 sanno oo hor leh..

Heshiiskani oo ay tebisay  jariiradda  ‘The Wall Street Journal’  waxa ay sheegtay  in Shirkadda DP world, arrimaha maamul,  ay u soo raaceyso maalgelin gaadheysa   $442 million taas oo qorshuhu yahay in la sii  fidiyo kaabayaasha dekadda. DP World  waxa ay intaa ku dartey  in qeybuhu ku tiirsanaan doonaan  dekadda qaadkeeda.

Shirkad ahaan  DP World, waxa uu heshiiskani siinayaa bugcad  cusub iyo marin badda cas ah kanbalka  u ah dekedeeda  Djibouti  ee Geeska Afrika.

Shirkadda ayaa heshay bishii hore kor u kac dhan 50.2%  faa’iidada kala badh ahaan qeybtii ugu horeysay iyada oo lagu darey  awoodeeda iyo inta ay gaadhsiisantay ee  la oggol yahay.DP World  waxa ay ka mid tahay howl wadeenada ugu waaweyn ee dekedaha caalamka gacanta ku haya, waxayna  maamushaa  terminaallo badda iyo berrigaba ah  oo ku yaal lixda qaaradood.

Waxa kale oo dhawaan ay hantidey  awoodo cusub oo ah suuqyada sida ka Turkiga ee  Yarimca,  suuqa Stuttgart  ee Jarmalka iyo Prince Rupert  oo ah Canada iyo kan  dekadda ku taal  dalkeeda ee Jebel Ali.”

Sidoo kalena, Wargeyska caanka ah ee Gulf News, ayaa isaguna qormo dheer ka diyaariyay heshiiska DP World iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu warbixin dheer oo uu ka qoray casriyaynta dekadda Berbera ku bilaabay: “DP World oo ku guulaysatay  inay damaanad qaado Horumarinta dekadda Berbera ee ku taalla Badda cas.”

Wargeysku waxa uu intaas ku daray in heshiiskan ay ku baxayso lacag dhan $442 Milyan oo Doolar, iyadoo la sameynayo dekad kale oo 400 oo mitir ah isla markaana tii hore lagu kordhinayo 250.000 sqm yar.

Gulf News, waxa uu ka soo xigtay Guddoomiyaha shirkadda DP World Sultan Ahmad Bin Sulayem, Group Chairman, “Horumarinta dekadda Berbera waxay kaalin weyn ka qaadan doontaa horumarinta Somaliland iyo xataa dhaqaalaha mandaqadda Geeska afrika ee aan lahayn Baddaha.

Shabakadda caalamiga ah ee Worldmaritime news, ayaa iyaguna si weyn u qaadaa dhigtay ahmiyadda heshiiskan, waxaanay ka qortay qormo ay ciwaan uga dhigtay : “DP World oo kor ugu qaadaysa horumarinta  adeegyadda dekadda Berbera adduun dhan 1.2 Bilyan oo Doolar oo ay heshiis kula gashay Dawladda Somaliland.”

Hase ahaatee inkasta oo warbaahinta kala duwan ee caalamku dhammaanteedba si wanaagsan uga warantay  heshiiskan qiimaha badan ee ay wada galeen xukuumadda Somaliland iyo shirkada caalamiga ah ee DP World iyo muhiimada weyn ee uu heshiiskaasi u leeyahay  dalka Somaliland oo ah Jamhuuriyad aanay weli dunidu aqoonsan  iyo shirkada DP world-ba, ayaa waxa run ahaantii ayaan darro weyn  iyo wax lala yaabo ah  in  ah warbaahinta maxaliga ah ee reer  Somaliland qaarkood  heshiiskaas  uga warameen si  xaqiiqada ka fog,  oo xitaa aad uga xun  sidii ay uga warantay warbaahinta uu gaarka u leeyahay cadawga Somaliland.

 Sidoo kale  qaabka ay warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland uga warantay dhacdadii lagu saxeexay heshiiskaasi waxa ay ahayd  mid aan xog iyo xaqiiqotoona  ku dhisnayn oo malo awaal iyo ku-tiri-kuteen ah, isla markaana ay ka  muuqdaan  aqoon darro faro badan iyo cadaawad weyn oo ka dhan ah guusha  weyn ee dalkooda iyo dadkooda u soo hoyatay. Taasina waxa ay keentay in shacbigu kala garan waayo warbaahinta qaarkeed iyo warbaahintii ay iska lahaayeen dadka  Somaliland  cadawga ku ah ee iyagu Somaliland guusheeda iyo horumarkeedaba necebi.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews