Warbaahinta Garoowe oo Muujisay Kurbada la soo Deristay Maamulkooda

0
107

By: Cumar M. Faarax

 

Faallo uu qoray Arbacadii 07/02/2018  Xuseen Faarax oo ah mulkiilaha  mareegta Horseed Media  oo  laga leeyahay maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya   oo ciwaankeedu ahaa “Ma ku habboon tahay Federaalka inuu xiligan Wadahadal la galo Somaliland?”  Maqaalkani wuxuu    daaha iiga fayday  werwerka la  soo  dersay  maamulka Garoowe oo ku baraarugay   in Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhammaaday dulqaadkii   iyo deris wanaaggii ay xeerinaysay muddo labaatan sannadood ku siman.

 

 

 

Maqaalkani wuxuu iftiimiyey kurbada iyo  kayr-kayrka maamulka Cabdiweli Gaas oo  gacantooda  toddobaadkan ay ka baxday degmada Boocame  ee gobolka Sool oo ay  dool ku joogeen maleeshiyaadka Puntand.

 

 

 

Xuseen Faarax qalinkiisu wuxuu   ka dareen celiyey  mowqifka  maamul-goboleedka Garoowe oo  ka soo horjeeda wada-hadalladii istaagay ee Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu wado inay dib u bilaabmaan dhowaan. Wadahadalkaas oo ay horayso iyo dambaysaba Puntland kaalin siyaasadeed oo ay ka ciyaarto ka weyday, waxaan shaki ku jirin inaanay imikana hadal uga furnayn.

 

 

 

Mareegta Horseed inkastoo ay ka masuugto  horusocodka Somaliland waxay  haddana si dadban u  qirtay in Somaliland tahay dawlad ka dubaalad dheer dawladda Muqdisho ee ku tiirsan  taageerada ciidammada shisheeye. Waa run oo Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku naaloonaysaa dawladnimo raasamaal ah oo ummaddeedu  nasiib u heshay  inay madaxdooda  iyo goleyaashooda kala duwan ku cugtaan gacantooda [one man one vote].

 

 

 

Xuseen Faarax waxa uu ku dooday in xiligan aanay ahayn munaasib  in dawladda Soomaaliya wada-hadal la yeelato Somaliland, isagoo u daliishaday  shan qoddob oo aan runta caarro ku lahayn,  waxaanu  ku andacooday in dagaalka Sool ay xukuumadda Muuse Biixi ugu talogashay inay indhaha iskaga jeediso wax uu ugu yeedhay mucaaridad kaga oogan  [gudaha Somaliland] Taas oo ah  been abuur aan  caadi ahayn.

Horseed Media, waxay ka dhacsan tahay in Somaliland ka mid tahay  dawladaha  faro ku tiriska ah ee   mandaqada ka jira ee awood dhaqan iyo mid siyaasadeedba u leh inay khilaafaadkooda ku xalistaan si maxali ah oo aanay kaalmaynaynin gacmo shisheeye.

 

Sidoo kale,   waxa Xuseen yare aanu  xog ogaal u ahayn in Somaliland tahay mid xushmaysa dimuqraadiyada, xoriyatal-qowlka iyo dhawrista xuquuqda aadanaha oo ay tahay sifooyinka togan ee ay dheer tahay Soomaaliya oo dhan.

 

 

 

Qorshaha xuduudaha Somaliland:

 

Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi, waxa ka go’an inuu sugo oo soo xidho xuduudaha Somaliland ay la wadaagto Soomaaliya. Inkasta oo Somaliland ay ahmiyada kowaad siiso  nabadgelyada, waxa madaxweyne Muuse   nidar ku maray  in aanay taako dhul  ah ku  doorsan doonin nabadgelyo.

 

Waxa la gaadhay wakhtigii  xaqiiqda la wajihi lahaa ee Puntland ay awoodeeda tallaabsan lahayd. Waxaa halku-dhiga Somalilad isu beddelay  ‘in aan dib looga wada hadal Tukaraq ee lagu wada hadlo Garoowe’

 

Wada-hadalka Somaliland & Soomaaliya:

 

Dawladda Somaliland waxay mowqif cad ka taagan tahay  wadahadalka ribadey ee u socday Soomaaliya, taasi oo ah inay ugu dambaynta ka soo baxdo ‘In Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan laba dal oo jaar ah.’

 

Waxa kaloo wareegyada dambe ee wadahadalka ay ka qaybgalaysaa Somaliland  haddii ay  ka soo xaadirayaan dalal badan oo ka garnaqi kara   wada hadalka. Sidoo kale Somaliland ma aqbalayso in wada-hadalku  ay la yeelanayaan dawladda Muqdisho ay noqdaan qaar sii   jiitama sidii hore u dhici jirtay.Somaliland  hoos uguma soo noqonayso  maamulka Garoowe ee duruuftu u run sheegtay, waxase aan ku soo xidhayaa tix ku jirtay maansadii kala-maan ee Abwaan Hadraawi oo ahayd:

 

 

 

“Naftu way ka maagtaa

 

Godka lagu muquunshoo

 

Maaray ka dhigataa

 

Inay maahda caal waa

 

Meermeerka badisoo

 

Marmarsiinyo keento”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here