HUBAALMEDIA.COM
Warbixin Cinwaan Looga Dhigay ‘Maxmiyaddii Xorriyadeeda Diiday’ & Sababtii Ay Ku Timi Maalin Ku Astaysan GUUSHII Ambatay
June 23, 2017 - Written by Mustafe Faro

Shirkii Qori-tuurka Ahaa Ee Ay reer Yurub 133 Sannadood Ka Hor  Ku Qeybsadeen Qaaraddii Ay Danaha Ka Lahaayeen Ee  Baratamayeen Qanniimaddeeda…. Waxa Soo Ururiyey H. H. Keefkeef

hqdefault

Hargeysa (Hubaal): Maalinta Isniinta Ah ee innagu soo fool leh oo ku beegan 26-ka  bisha June waxay ku astaysan tahay  ahayd 26 waxay ku beegnayd Sannadguurada 57-aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland madax bannaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska oo ka talinaysey muddo 80 sanadood ka badan. Inkasta oo ay tahay maalintii ugu horaysay ee ay Soomaaliland calankeeda taagtay, ayna ahayd maalintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyi leedahay hadana dadka soomaaliland waxay ugu suntantahay Guushii Ambatay si aynu wax uga ogaano sababtii ay taasi ku timid aynu taariikhda dib u eegno. 1884-kii Shir ay Baarliin ku yeesheen gumeystayaashii Reer Yurub ayaa waxay ugu qori-tuurteen Qaaradda Afrika oo lagu naanaysay “Qaaraddii Madoobeyd”, balse ahayd meel dihin. Gumaystayaashaas oo ay hormuud ka ahaayeen; Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Boortaqiiska iyo Isbaanishku waxay u beratemayeen dano iyo ujeeddooyin dhaqaale, siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo diimeed. Waqtigaas, Somaliland oo lahayd Ilbaxnimo iyo xadaarad la rumaysan yahay inay ka dhaxashay dowladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta iyo xidhiidhkii ganacsi ee faraaciyiintii Reer Masar ku iman jireen cidhifka geeska Afrika ee ay Somaliland ku taallo, waxa qoriga saamigu ugu dhacay Boqortooyadii Ingiriiska oo lagu magacaabi jirey “Boqortooyada aan Calankeeda Qorraxdu ka dhicin”, taas oo loola jeedo dunida gees ilaa gees in ay isku ballaadhisay. Waxa taariikhdu qortay in dadka reer Somaliland ay hangool farraaro leh iskaga qabteen Gumaystaha Ingiriis markii uu geyiga soo galay, shuruudo iyo cahdina lala saxeexday. Iska caabbintaasi la kawsaday soo gelintaankii gumaystuhu waxa ay ahayd mid aan marna damin marxalad kasta oo uu soo istaageyba ilaa uu jaanta isla helay halgan af iyo addinba leh oo lagaga soo horjeedo gumaystaha. 1950-neeyadii ayaa Afrika oo dhan uu ka bilaabmay dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah oo ay horkacayeen jiilkii waxbartay ee Afrika u kacaamay waqtigaas. Somaliland sida dalalkii Afrikaanka waxaa ka abuurmay ururro gobanimo doon oo ay ugu door-roonaayeen SNL, NUF iyo USP. Kuwaasi oo la jaanqaaday ololihii xornimo u dirirka ahaa ee socday. Si kastaba ha ahaatee, 26-kii June 1960-kii ayaa Boqortooyadii Ingiriisku Somaliland siisay xornimadeeda, calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelatona laga taagey Hargeysa, iyada oo Djabouti ay weli baaqi ku ahayd gacanta Faransiiska oo gumeysan jirey, Soomaalida koonfureedna waxa Talyaaniga kala wareegey Qaramada Midoobey oo toban sannadood oo xornimo-gaadhsiin ah gacanta ku hayey. Somaliland waxay xornimadeeda Ingiriisku hibeeyey 1958-kii markii Ergo Odayaal reer Somaliland ah oo tegey London ay Ingiriiska kula garnaqsadeen dhulkii Hawd iyo Reserve Area la odhan jirey oo uu ku wareejiyey Boqortooyadii Xayle-salaase ee Itoobiya, taas oo xad-gudub ku ahayd axdigii Somaliland iyo Ingiriiska u yaaley. Hase yeeshee, Somaliland kuma sii waarin xorriyaddaas. Afar maalmood oo keli ah markii ay madax bannaanayd ayay ku biirtay Soomaaliya waxaana 1-dii July lagu kulmiyey Muqdisho munaasibadda madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxana ay ku sifowdey Somaliland sidii uu ku sifeeyey wargeys ka soo baxay London 31-kii June oo ciwaan far-waaweyn ah ku qoray “MAXMIYADDII XORRIYADDA DIIDDEY”. Waxa xorriyaddaas lagu tuuray god qaatay soddon sannadood in lagaga soo saaro. Markii ay dadka Soomaaliland dareemeen in xornimadii ay qaateen ay ambatay ayay bilaabeen halgan ay dib ugula soo noqonayaan gobanimadoodii halgankaasi oo uu horseed ka ahaa ururkii S.N.M. oo la aasaasay 1981kii, halgankaasi oo socday mudo 10 sano kabadan aakhirkii waxa uu keenay in ay Soomaaliland la soo noqoto gobanimadeedii 18kii May 1991kii kadib markiii ay shir isugu yimaadeen beelaha Soomaaliland magaalada Burco.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews