Warbixin KuSaabsan Qaabka Ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu U Qaabishay Imtixaan Ay Maanta 240 Jaamici Oo reer Somaliland Ah Ka Qaaday

0
241

 WAxa Ay  U Tartameen Shaqooyin Ka Banaan Wasaaradda Cusub Ee Dhaqanka Iyo  Dalxiiska

 

“Qaranka Somaliland Waxa Ina Dhex Yaala Ma Badna, Laakiin Waxa Ina Dhexyaala Inta Uu Doonaba Ha Leekaado Ee Waa In Aynu Si Caddaalad Oo Nadiifa U Qaybsano Oo Si Tartan Imtixaan Lagu Kala Baxo U Wixii Shaqooyina Ku…” Guddoomiye Sharmarke Geelle

 

Hargeysa (Hubaal) -Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaad 240 Muwaadiniin reer Somaliland oo  shaqo doon ah, Hoolka Hay’adda Shaqaalaha ugu qabatay Imtixaan ay ku kala saarayso si cida Imtixaanka ku guulaysata ay uga shaqo gasho shaqooyin ka banaan Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Somaliland qaadanaysa shaqaale Cusub.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay weheliyaan Madxda kale ee Hay’addaasi, shalay Xarunta Hoolka Hay’adda Shaqaalaha ku dhaariyey Macalimiinta  Imtixaanka ka qaadi doona 240 Muwaadiniin reer Somaliland oo  shaqo doon ah ee Tartanka Imtixaanka ah u geli doona shaqooyinka ka banaan Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Somaliland ee shaqaalaha cusub qaadan doonta, waxaanu Guddoomiye sharmarke halkaasi dardaaran ah uga diray Dhawrka Boqol ee dayarta iyo dhalinyarta Aqoonyahanka reer Somaliland shaqo doonka ah una galaayey 30 shaqo eek a banaan Wasaaraddaasi Dawladda ka tirsan, waxaanu sido kale farta ku fiiqay in qof kasta oo Imtixankan ka qaybgalaa aanay suurto gal ahayn maadama oo cadadka shaqooyinka loo baahan yahay kooban yihiin sida darteed marka Macalimiinta la dhaafiyey ay shaqadooda qabsadaan 30-ka muwaadin eek u soo baxa ay walaalahooda kale ku hambalyeeyaan iyaguna waayo aragnimo iyo cashar ka bartaan si ay Imtixaan kale oo shaqo ugu soo baxan.

 

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka hadlaayey qaabka ay Imtixaankan Hay’addiisu uga qaadayaan 240 ka qof ee Imtixaanka ay ugu tartami doona shaqooyinka dawladda ka banaan waxa uu yidhi “Dhamaantiin dad aqoonyahan ah ayaad tihiin oo Imtixaano hore u soo galay oo umaydaan Baahneyn sida Imtixaan loo galo iyo sida loo dedaalo iyo sida loo tartamo in aynu iskaga warano wuxuubaynu iskugu nimid in aynu isku adkayno isla markaana Illaahay uga mahadcelino in uu inoo suurto galo Nidaamkan aynu dooneyno in wixii qarankeena u soo kordha si daah rogan loogu kala calaf qaado oo Kaalmaha aad ku tartami doontaan oo 30 Shaqo oo banaan ku dhaw baa waxaan wasaaradda Dalxiiska iyo dhaqanka  uga mahadcelinayaa runtii hortiina garashadda iyo la shaqaynta ay hay’adda shaqaalaha dawladda la shaqeeyeen  ay ogolaadeen wixii ay hayeen intay dhulka soo dhigeen inay yidhaahdaan tartama oo qaranka Somaliland haku tartamo shaqooyinka banaan dhalinyaradiisu, waxaan is leeyahay wasiirka Khadar waxa caawiyey macalin ayuu ahaayo intiinuba Ubadkiisii ayaad tihiin oo isaga ayaan kala jeclaysiga ogoleyn oo badhtamaha iyo badka inoo soo dhigay”

 

Guddoomiye Sharmarke oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Hay’adda shaqaalaha dawladda madaxdeeda iyo Saraakiisheedu waxay shaqaynayaan saacadahaasi adag si waxaasi ay u noqdaan Imtixaan si fiican oo caddaalad ah oo daah rogan ugu dhaco, waan ugu hambalyeynayaa, waxaynu isku og nahay qaranka Somaliland waxa ina dhex yaala ma badna, laakiin waxa ina dhexyaala inta uu doonaba ha leekaado ee in aynu si caddaalad oo nadiifa u qaybsano in aynu si tartan Imtixaan lagu kala baxo u qaybsano in qofka walaalkii maanta marka uu Imtixaanka galo hadii uu guulaystana waa galad hadii uu guulaysan waayana goldalooladiisa ayuu baranayaaya oo iyana waa galad labaad wuxu ogaan doona halkii uu qalday iyo Erayga iska dhaafay, halkii uu awalkii hore ka diiqadoon jiray ee dalka nici jiray, maanta waxa laga yaaba in oo qofku isguul gaara dib u galo oo uu is ogaado meeshii yareyd ee uu shalay qalday sidaasina uu barito mustaqbalkiisa shaqo fiican Imtixan kale ku guulaysto oo dhaxal gal ah”

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here