Wareegto Lagu Jidaynayo Dib u Habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha Somaliland

0
1

“Waa In Taliyaha Boolisku Uu lixdii biloodba mar isku-beddel ku sameeyo Ciidanka Ilaallada Cashuuraha”

Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-184/082018, uu dib-u-habayn ku sameeyey Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee loo yaqaan (Turbataariyada). Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada)

Markaan Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:Ahmiyadda Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u Leeyihiin Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dar-dar-galinta Dakhli Uruurinta Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Muhiimadda Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u leeyihiin Qaranka;

Markaan Helay:Talo-soo-jeedinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

  • In laga bilaabo taariikhda maanta dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada), kuwaas oo noqon doona qayb ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoos tagi doona Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.
  • In Taliyaha Ciidanka Boolisku isku-beddel ku sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha lixdii biloodba hal mar, isla markaana la siiyo tababar ku saabsan nidaamka ilaalinta cashuuraha, tacriifadaha badeecadaha, wada-shaqaynta maamulka goobta cashuur-qabashada iyo asluubta la-dhaqanka cashuur bixiyaha.
  • In Ciidanka Ilaalada Cashuuraha laga dhigo kuwo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo ammaano dhab ah, laguna soo xulo karti iyo hufnaan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

SHARE
Article horeXeerar Muhiim ah Oo Ay Golaha Wakiilladu Sanadkan Ansixiyeen Oo Madaxweynuhu Qalinka Ku Duugay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here