Wargelin: Isbedel Ku Yimid Saacada Ay Soo Cagadhigan Doonto Madaarka Hargeysa Diyaarada Sida Maydka Marxuum Fuaad Aadan Cade

0
14

Guddidii heer qaran ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xil saaray Aaska Marxuum Fuaad Aadan Cadde,isla markaana uu shalay ku dhawaaqay in aaska marxuumka la keenayo 7-da Subaxnimo, ayaa mar kale wargelin muhiim ah u soo jeediyey Guud ahaan shacbiga Somaliland.

1waxanay mar kale shacbiga ku wargelinayaan in duulimaadkii diyaarada ay wax iska bedeleen oo halka ay markii hore ka ahayd 7:00 subaxnimo, ay hadda  noqotay ama laga dhigay 10:30 subaxnimo ee Berri, halka 11:00 saacadu markay tahayna toos loo geyn doono xabaalaha Naaso Hablood, iyada oo halkaasi lagaga tukan doono Marxuumka laguna aasi doono.

Sidaa awgeed waxa lagu wargelinayaa labada Golle, asxaabta xisbiyada, Culimada, Madax-dhaqameedka iyo Shacbi weynaha Somaliland in ay sidaasi ula socdaan kana soo qaybgalaan aaska marxuumka iyaga oo tixgelinaaya wakhtiga danbe ee duulimaadku u dhacay guddiduna ku dhawaaqday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here