Wargeyska Daily Nation OO Warbixin KA Qoray Fursadaha Maalgashi EE AY Wadaagi Karaan Somaliland Iyo Kenya

0
1

“Maalgashadeyadeyaashu Waxay Ka Faa’iidi Doonaan Iskaashiga Somaliland Iyo Kenya”

Nairobi(Hubaal)- Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dedaal ugu jirta inay iskaashi ganacsi iyo maalgashi la yeelato dalka Kenya, maadaama oo ay labada dal ka wada shaqeeyaan dhinaca ammaanka mandaqada Geeska Afrika. Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa baahisay  warbixin ay ka soo xigatay   shalay Wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi, oo ka hadlay   fursado  maalgashi oo  yeelanayaan  waddamada Somaliland iyo Kenya. Waxa kaloo warbixintaas lagu soo qaaday  shaqada safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar,  warka Daily Nation wuxuu u qornaa sidan:

“Fursado maalgasho ayaa la filayaa ka soo baxdo cilaaqaadka siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo Kenya. Danjiraha Somaliland  ee Kenya, Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu raadinayo inuu iskaashi  toos ah la yeesho Kenya.

“Iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Kenya wuxuu noqon doonaa mid ku wajahan ganacsiga labada dal oo soo koraya. Waxa kaloo aanu ka wada shaqeyn doonaa ammaanka gobolka,”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee Kenya. Waxa kaloo uu tilmaamay inuu la kulmi doono masuuliyiinta dowladda Kenya,  si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dhinac.

Safiir Baashe Cawil waxa uu sheegay in Somaliland iyo Kenya ay ka wada shaqeyn jireen dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah, waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in  cilaaqaad ballaadhan labada waddan yeeshaan, gaar ahaan  Ganacsiga Beeraha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Safiirka  Somaliland  ee Kenya wuxuu  iftiimiyey  in qodobbada ay iska kaashanayaan labada dal ay ka mid noqon doonto sidii loo fududayn lahaa  muwaadiniinta labada waddan  si sahlan ugu socdaali karaan Somaliland iyo Kenyaba.

Wargeyska  Daily Nation wuxuu sheegay inay Kenya ku nool yihiin illaa 18 kun oo reer Somaliland ah, waxaanu warsiduhu ku ammaanay  Somaliland dimuqraadiyad iyo xasiloonida buuxda ee ka jirta waddanka.

Daily Nation wuxuu sheegay in Safiir Baashe uu hore u ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta isla markaasna uu kaalin ku lahaa heshiiskii maalgashi ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo shirkadda DP World ee la xidhiidhay casriyeynta marsadda Berbera.”

SHARE
Article horeSheekh Aadan-Siiro Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu Samaysto La-taliye Ku Takhasusay Shareecada Islaamka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here