Wargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Doorashada Baarlamaanka Somaliland Ee Dib U Dhacday

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Wargeyska The East African oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa shalay oo axad ahayd warbixin ka qoray dib u dhaca doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland, waxaanay sheegeen in  doorashada Baarlamaanka Somaliland muddo dhaaf tahay muddo 14 sannadood ah.

Wargeyska The East African wuxuu sheegay in doorashada Baarlamaanka dib loo dhigay ilaa 2022ka, iyadoo doorashadii ugu dambeysay ee Baarlamaanku Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2005tii. Waxa kaloo wargeysku tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u qabato doorashada Madaxtooyada,waxaanu iftiimiyey  in khilaafka ka dhashay Komishanka cusub ee doorashooyinku uu sababay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.

Wargeysku wuxuu  xusay in xukuumadda Somaliland ay sheegtay in mucaaridku muran geliyeen xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland, halka xisbiga Waddani uu xukuumadda ku eedeeyey inay xubin Komishanka ah u soo magacaabeen nin taageera xisbul-xaakimka.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa warsidaha The East African u sheegay in Madaxweyneyaasha Somaliland la soo doorto oo ay leedahay laamihii dawladnimo ee kala duwanaa, halka Madaxtooyada Soomaliya aanay xukumin dhul gaadhaya 10km oo ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo danjire Baashe Cawil sheegay in caalamku ku daalay isla markaana guul ka gaadhi waayey nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Wargeyska The East African wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal xasiloon oo tusaale u noqon kara geeska Afrika oo dhan.

SHARE
Article horeSiyaasi Kale Oo Sheegay In Hunguri Kaga Jiro Murrashaxnimada Guddoomiyaha KULMIYE
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here