Warqad Ka Dhan Ah Adeega Marsada Berbera Oo Hay’adda Cuntada Caalamku Ay Somaliland U Soo Gudbisay & Xukuumadda Oo ka Hadashay

0
87

Maxay Dawladda Somaliland Ka Tidhi   Cabashada  Ka Dhanka ah Qaabka Ay DPW Ula Macaamishay WFP Iyo Waxyaabaha Ay Dekedda Kusoo Kordhisay?

“Warqadaasi way jirtay aniga ayaanay igu socotay, waxaanay ahayd mid ay ku cabanayso hay’adda DFP….Annagu waxaanu muddo Toban Cisho Ah ku Maqnayn DUBAI, Waxaananu DP World Isla Qaadanay In….” – Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), Wasiirka Qorsheynta Somaliland

Hargeysa(Hubaal):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay cabasho ay hay’adda WFP ka gudbisay adeega dekeda Berbera oo lagu wareejiyey shirkada DP World. Wasiirka qorshaynta qaranka iyo horu marinta Maxamed Ibraahin Aadan oo ka hadlay cabashada ay hay’adaasi ka qabto dekeda Berbera ayaa sheegay inay soo afjareen saluugii laga muujiyey adeega dekeda. Wasiir Qabo  ayaa sheegay inay wada kulmeen madaxa hay’adda WFP ee somaliland waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Warqadaasi way jirtay aniga ayaanay igu socotay oo waxay ahayd warqad ay ku cabanayso hay’adda WFP, arrintaasna waanu xalinay, waxaanu iskugu nimid xafiiskayga madaxa hay’adda WFP ee Somaliland  si fiicana waanu iskula jaan qaadnay oo si fiican ayaanu u dhamaynay arintaas, waxaanu mudo toban cisho ah ku maqnayn xarunta imaaraadka ee Dubai, waxaanan isla qaadanay madaxdii sare ee DP World oo joogtay Dubai  in muhiimada koowaad la siiyo wixii la xidhiidha bina aadamnimada,  muhiimada koowaadna waxaanu siinay hay’adda WFP.”Ayuu yidhi wasiir Qabo oo u waramay HCTV. Sidoo kale Wasiirka qorshaynta ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay shirkada DP World ilaa hada ku soo kordhisay dekeda Berbera waxaanu yidhi “DP World dekeda Berbera wax badan ayey ka qabatay, qalabkiina waa yimid balaadhintii dekeda si dhakhso ah ayaa loo bilaabayaa, caafimaadka berbera oo dhana waxa la wareegtay DP World , cusbitaal cusub ayaanay dhisayaan iyaga oo keenaya dhakhaatiir, waxay la wareegeen Biyihii waxaanay qodayaan ceelal cusub, sidoo kale DP World waxay la wareegtay laydhkii Berbera oo dhan waxaas oo dhana way soo socdaan.”

Ugu damayn wasiir Qabya-tire ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday warar sheegaya in dawladu imaaraadku ay xisbiga Kulmiye soo siisay lacag loogu tala galay inuu ku galo ololaha doorashada waxaanu yidhi “Arintaas ku saabsan in shirkada DP World ay bixisay lacag lagu galayo ololaha doorashada xisbiga Kulmiye waxba kama jiraan, waana arin aan sal iyo raad toona lahay, waan wayso qabaa si daacad ahna waan u hadlayaa arintaasna waxba kama jiraan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here