Wasaaradaha Ugu Muhiimsan Ee Golaha Wasiirrada Madaxweyne Muusa Biixi

0
374

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muusa Biixi ayaa maanta ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, oo ka kooban 23 wasiir iyo sagaal wasiir ku xigeenno, wuxuuna meesha ka saaray wasiirro dowlayaasha. Golahan wasiirada madaxweyne Muusa Biixi oo shalay xilka la wareegay uu magacaabay ayaa aad uga yar kuwii hore u soo maray Somaliland.

Golaha wasiirrada ee xilka wareejin doono ee dowladdii Siilaanyo waxay gaadhayaan illaa 70 xubnood.

Golahan wasiirada ee cusub ayaa u badan dad cusub, marka laga reebo afar wasiir oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda, Dr Sacad Cali Shire, wasiirka waxbarashada oo ah Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon. Sidoo kale wasiiraddii hore ee soo noqday waxaa ka mid ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheikh Khaliil Cabdillahi Axmed, iyo wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil.

Golaha kale ee wasiirrada cusub kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

Maxamed Kaahin Axmed – Wasiirka cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha

Ciise Axmed yuusuf – Wasiirka Gaashaandhigga

Axmed Muumin seed – Wasiirka Horumarinta Beeraha

Yusuf Maxamed Cabdi – Wasiirka Maaliyadda

Dr Xasan Ismaaciil yuusuf – Wasiirka Caafimaadka

Saleebaan yuusuf Koore – Wasiirka Horumarinta Biyaha

Hinda Jaamac Xirsi – Wasiirka shaqogelinta iyo arimaha bulshada

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo – Wasiirka Warfaafinta

Xasan Gaafaadhi – Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumeysiga

Cabdillahi abokor – Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Tirada dumarka ee golahan wasiirada cusub ayaa aad u yar. Golaha oo gaadhaya illaa 32 xubnood waxaa dumar ah laba wasiir iyo wasiir ku xigeen.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here