Wasaaradda Diinta & Awqaafta Somaliland Oo Gobolka Awdal Ka Bilawday Diiwaangelinta Maddarasadaha Iyo Xafiis Cusub Oo ay Ka Furatay Boorama

0
1

Boorama(Hubaal):- Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa khamiistii magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka daah-furay diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah oo laga soo dhammaystiray gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Saaxil.

Munaasibad loo qabtay daahfurka diiwaangelinta Maddarasadaha oo khamiistii lagu qabtay Huteelka Haldoor ee magaalada Boorama, waxaa ka qaybgalay culimada waawayn ee gobolka, Maamulayaasha iyo Macallimiinta Maddarasadaha oo iyagu safaf u galay diiwaangelinta maddarasadaha ee isla khamiistii maantaba ka bilaabantay Boorama.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Aadan oo ka hadlay munaasibadda, ayaa ka warramay faa’iidada diiwaangelinta, waxaanu yidhi; “Sharaf bay noo tahay wasaarad ahaan inaannu ka soo qaybgalno kulan qiimaha iyo sharafta leh ee aynu ku daah-furayno diiwaangelinta maddarasadaha diiniga ah ee gobolka awdal. Barnaamijkan diiwaangelinta Maddarasaduhu waa midd muhiim ah oo lagu tirokoobayo, macallimiintooda iyo ardaydaba.”

“Wasaaraddu waxay waddaa oo qorshe ah Manhaj mideeya Maddaarista Diiniga ah. Waxaannu qabnaa wasaarad ahaan iyo qaran ahaanba, in faa’iido wayni ku jirto, in la mideeyo higgaadda, in la mideeyo waxa ardaygu u baahan yahay, in la mideeyo macallimiinta iyo in tabobbarro loo sameeyo macallimiinta maddaarista.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu.

Isu-duwaha wasaaradda diinta ee gobolka Awdal Sheekh Xaamud Ladiif Axmed, ayaa sheegay in marka horeba xidhiidh fiicani ka dhexeeyey Maddaarista gobolka iyo Xafiiska wasaaradda ee Awdal, immikana diiwaangelintan rasmiga ahi xoojin doonto wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta maddarasadaha iyo wasaaradda.

Muuse Gaas oo ah agaasimaha qorshaynta wasaaradda Diinta, ayaa isna halkaas ka hadlay, ayaa isna halkaas ka hadlay, isla markaana sheegay inay diiwaangelinta maddarasadadu si habsami ah uga soo qabsoontay saddexda gobolka ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer, Awdalna yahay gobolkii afraad oo ay rejaynayaan inay si wanaagsan uga qabsoonto.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Axmed Maxamed Guutaale, ayaa soo dhaweeyey diiwaangelintan oo uu sheegay inay qayb wayn ka qaadan doonto isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta maddaarista, waxaanu yidhi; “Waxaan idinka rejaynayaa mar walba inaad nala soo socodsiisaan wixii aad isleedihiin dhib bay idinku keenayaan, hadday Dad tahay, hadday Kutub iyo Buugaag wax laga baranayo tahay, waayo, waxbarashada diiniga ah waynu wada ilaashanaynaa, masuuliyad baa innaga wada saraan.”

Xoghayaha Maamulka gobolka Awdal Mustafe Duuddu oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay tallaabadani tahay mid fiican oo ay maamul gobol ahaan soo dhawaynayaan, sida ay u wada shaqaynaynayaan ee ay isugu xidhan yihiin Maddarasadaha gobolka iyo wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland, waxaanu ku baaqay in la sii xoojiyo xidhiidhkaas fiican.

Qaar ka mid ah Maamulayaasha iyo Madaxda Maddarasadaha Boorama oo iyaguna kulankaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tirokoobka ay wasaaraddu samaynayso, Manhajka hawshiisu socoto iyo inay wasaaraddu la ogaato maddarasadaha iyo macallimiinta dhiga iyo weliba ardayda wax ka barata, waxaanay ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wadashaqayntii horeba ay ula lahaayeen wasaaradda Diinta.

Geesta kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu waxa uu xadhigga ka jaray Xafiiska isu-duwidda hawlaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee gobolka Awdal oo wasaaraddu ka hirgelisay magaalada Boorama ee xarunta gobolkaas oo aanay hore xafiis rasmi ah ugu lahayn, si hawsha heer gobol ee dacwadda Diintu si habsami ah halkaa uga socoto.

Culimada gobolka Awdal waxay shahaado-sharaf guddoonsiiyeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sh. Aadan Cabdillaahi Cabdalla, iyaga oo sheegay inay ku maamuuseen dedaalka uu ugu jiro arrimaha Diinta ee dalka oo dhan. Agaasimaha, ayaa geestiisa ka mahad-celiyey sida ay u maamuuseen culimadu.

SHARE
Article horeXoghayaha fulinta ee Laascaanood oo Dhiirigeliyey Haween reer Sool ah oo dersaya barashada Distoorka JSL+Daawo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here