Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Shalay Ka Dhextoostay Qorshe Ay Dawladda Hoose Ka Fulinaysay Duleedka Hargeysa

0
22

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud Oo La Wareegay Qalabkii Qorshahaas Lagu Fulinayay Iyo Saraakiishii Dawladda Hoose Oo Meesha Ka Yaacay

Hargeysa (Hubaal)- Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Mukhtar Maxamed Cali Iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ciise Maxamuud Ciise Ayaa shalay  Joojiyey Dhul Sharci Daro Ku Qorsheynaysay Dawladda Hoose Ee Hargeisa. Ugu horayntii waxaa halkasi ka hadlay Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada Hawlaha guud Ciise Maxamed Ciise oo sharaxay Sharci ahaan sida ay qalad u tahay in qorshe loo Sameeyo dhulka, taasi oo digreto uu soo saray Wasiirka wasaarada hawlaha guud uu mudo afar Bilood ah uu ku xayiray dhaman dhulka cusub ee la qorshaynayo. Sidoo kale agaasimaha waaxda qorshayntu waxa uu sheegay in xeer 17 xeerka dhulka farqadiisa 4aad uu mamnucayo in la qorsheyo dhulka sidaa buuraha dooxyada ay tahayna hanti guud. Sidoo kale isna waxaa gobtaas ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Muukhtaar Maxamed Cali oo shegay in cabasho badan uga timid dadwaynaha ay sidaas ku ogaadeen in dhulkan la qorshaynayo waxaanu halkaas ka sheegay in cidkasto oo falkan ku shaqale sharciga la horgayn doon. Sidoo kale agaasimaha guud waxa uu sheegay in dawladaha hoose iyo gudidida nashqadaynta qaranku ee uu gudoomiyo Wasiirka Hawlaha Guud ay wadahadalo u socdeen ah sidi loogu soo wareejin lahaa wasaarada hawlaha guud dhulka guud dhamaan. Isla goobtas waxa uu agaasimaha guud ka Shegay in hanti kasta oo lagu qabto dhul si sharci Daro ah loo qorshaynayo ay la weregayaan ka Wasaarad ahaan maanta ay la wareegeen cagacagaftii hawsha waday dirawalkiina xidheen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here