HUBAALMEDIA.COM
Wasaaradda Khaarijiga Oo Soo Bandhigtay Natiijada Xog Ururin Lagu Taageerayo Madaxbannaanida Somaliland
August 24, 2016 - Written by admin

DSC_0084Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa soo bandhigtay natiijada xog ururin lagu taageerayo madaxbannaanida Somaliland oo muddo afar bilood ah wasaaraddu wadday. Hal milyan iyo koow iyo labaatan kun (1,021,000) muwaadiniinta Somaliland ah ayaa saxeexay qoraal wasaaraddu dadweynaha ku waydiinayso siday u taageersan yihiin qaddiyadda ictiraaf raadinta Somaliland, taas ujeeddadeedu tahay sidii beesha caalamka loo hor dhigi lahaa rabitaanka bulshada Somaliland ku doonayso ka mid noqoshada qaramada dunida ee la citiraafsan yahay. Munaasibadda lagu soo bandhigayay waxa ka qayb galay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, madaxda ugu saraysa wasaaradda arrimaha dibadda, xubno ka mid ah guddida citiraaf raadinta, mas’uuliyiin saddexda xisbi ka socday iyo waxgarad kale. Waxaa wasaaradda lagu ammaanay hawsha ay qabatay ee lagu soo ururiyay aragtida dadweynaha. Hawl waddeenno ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa intii u dhexaysay 29-kii bishii Abril iyo 9-kii bishan Ogos waxay soo ururiyeen xogta dadweynaha. Hawl wadeennada oo ka hawl galay gobollada Awdal, Gabiley, Maroodijeex, Saaxil, Sool iyo Sanaag ayaa dadka ku bookhanayay guryaha, hudheellada iyo goobaha la isugu yimaaddo iyagoo ka buuxinayay warqadda ay ku qoran tahay inay ogol yihiin madaxbannaanida Somaliland. saxnaanta xogtan ayay wasaaraddu tilmaantay inay tahay mid la hubiyay oo la isku hallayn karo, qof walba oo ka qayb qaatayna laga qoray magaciisa, Lambarka telefoonkiisa iyo meesha uu degan yahay. Xaqiijinta dheeraadka ah ayay wasaaraddu u adeegsatay inay magacyada ku hubiso adeegga Saadka iyo kaadhka dhalashada ama dhukumentiyada la midka ah. Wasiirka arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire ayaa sharraxay ujeeddada la leeyahay soo ururinta aragtida inka badan hal milyan oo muwaadin. “Ujeeddada codsigani waxa weeye in dadku shucuurtooda iyo dareenkooda muujiyaan halka ay ka taagan yihiin aqoonsiga Somaliland. Waa farriin dadka Somaliland caalamka u diraayo oo ay leeyihiin, aqoonsiga iyo citiraafka Somaliland maaha wax in yar oo siyaasiyiin ahi wadato ee waa qaddiyad qaran. Ujeedada kale waxa weeye in dadka Somaliland farriin u diraan dawladda Somalia, farriintaas oo ah Somaliland sooma socoto, kala go’eenu waa rasmi, waxaanu doonaynaa inaynu noqono laba waddan oo walaalo ah oo ku jaar ah Geeska Africa, sida waddamada kale” ayuu yidhi wasiir Sacad. Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaanu ugu baaqaynaa caalamka inay tixgaliyaan codsigaa dadka reer Somaliland soo sameeyeen. Aqoonsi la’aantu waxay Somaliland ka qaaday xuquuqo fara badan oo aynu leenahay. Waxaynu nahay dad jira oo Africa ka mid ah. Caalamka waxaanu marti uga nahay xaqaas iyo xaqa aynu ku leenahay. Waxaanu caalamka uga digaynaa inuu dhabarka inoo soo jeediyo, waa inay indhaha inoo soo jeediyaan” ayuu yidhi wasiir Sacad, isagoo intaasi raaciyay in loo baahan yahay in dawlad iyo shacaba natiijada codsigan la gaadhsiiyo dunida oo dhan oo ay ka mid yihiin Ururka IGAD, Midawga Africa, Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Marwo Canab Illeeye oo xisbiga Kulmiye ah, wasiirkii hore ee arrimaha dibada haddana ka tirsan guddida citiraaf raadinta Dr Adna Aadan ismaaciil, wasiirkii hore ee khaarajiga Prof. Maxamed Siciid Gees iyo xubno kale ayaa wasaaradda arrimaha dibada ku bogaadiyay hirgalinta codsiga ay saxeexeen inta ka badan hal milyan.  Waxay tilmaameen in arrintani muujinayso sida dadka Somaliland ay uga go’an tahay meelmarinta qaddiyadda citiraaf doonka Somaliland, iyagoo tilmaamay inay arrintani qayb ka tahay tallaabooyin horumar oo wasiirka cusub ee khaarajiga iyo hawl waddeennada la shaqeeyaa qaadayeen muddooyinkii u dambeeyay. Guddoomiyaha maxakamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa isna soo dhaweeyay codsiga wasaaraddu soo bandhigtay. Waxa uu sheegay in waaxda garsoorku diyaar u tahay inay wasaaradda khaarajiga ka taageerto dhinaca shuruucda caalamiga ah iyo fasiraadda shuruucdii Somaliland ee 1960 iyo ka hor la galay. Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in Somaliland qorshayso danihii ay ka iibin lahayd dalalka ay citiraafka ka raadinayso, kuwaasi oo dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo istiraatijiyada juquraafiyadda ku salaysan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews