Wasaaradda Maalliyada Oo Bilowday Odoroska Miisaanniyad-sannadeedka 2018-ka Iyo Meellaha Mudnaanta la Siinayo

0
70

“Maadaama Oo Aanaan waqti Badan Haynin, Guddida Siyaasadda Ee Golaha Wasiirradu Waxaa Ay Is Barbar Wadaan  la kulanka hay’adaha qaranka Iyo….”

 “Waxaanu Ku Hawlannahay Inaanu Markii Koowaad Soo Saarno  Qorshaha  2018-Ka Ay Wasaaraddu Ku Shaqaynayso, Annagoo Aasaasnay Waxa Loo Yaqaanno….” – Md. Yuusuf Maxamed Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalliyada JSL

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa shalay sheegay inay Wasaarad ahaan bilaabeen Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan aynu ku Jirno ee 2018,Taas oo ku Salaysnaan doonta Sida uu Yidhi Siyaasada Xukuumadda Cusub. Wasiirka maalliyada oo ay weheliyaan saraakiisha waaxaha kala duwan ee wasaaraddaas gaar ahaan waaxda miisaanniyada oo shalay warbaahinta shir saxaafadeed u qabtay ayaa tilmaamay inay maalmihii u dambeeyey ku hawlanaayeen qorsheynta sidii loo kala horreysiin lahaa baahiyaha kala duwan eedalka  “guddida siyaasadda  ee golaha wasiirradu waxay is barbar wadi doonaan samaynta siyaasaddii miisaaniyada iyo la kulanka hay’adaha qaranka maadaama oo waqti  aanaan haynin, muddadii horena aanu ku hawlanayn dardar galinta shaqada wasaaradda iyo habaynta waaxeheedii kuwaas oo aanu hadda dhamaystirnay”. Sidaas ayuu ugu horeyn uu Wasiirka maalliyadu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay markii uhoreysay soo saarayaan qorshaha ay ku hawl galayso wasaaraddu “Annagu waxaanu ku hawlanahay inaanu markii koowaad soo saarno  qorshaha ay wasaaradda Maalliyadu leedahay 2018-ka, sidoo kale waxaanu ku hawllanahay samaynta miisaanniyada kharashaadka iyo cashuuraha  annagoo aasaasnay waxa loo yaqaanno Fiscal policy Unite”. Ayuu yidhi wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi, wasiirka wasaaradda Maalliyadu. Geesta kale Wasiirku waxaa uu shaaciyey in ay u qorsheysan tahay inay socdaallo shaqo ku soo mari doonaan magaalo madaxyada gobollada dalka oo dhan iyaga oo u kuur gali doona sidii loo dardar gelin lahaa hawsha ay wasaarad ahaan qaranka u hayaan.

Kulankan ay wasaaradda maalliyadu ku shaacisay bilowga qorshaha miisaanniyada  ee ay dejinayaan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Maxakamadda sare ee JSL ahna guddoomiyaha maxakamadda distooriga ah ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here