Wasaaradda Shaqa-gelinta Iyo Arrimaha Bulshada oo Bilowday Qorshe Ay Ku Diwaangalineyso Hay’addaha Maxaliga Ah Ee Wadanka Jooga

0
1

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda shaqagalinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa isugu yeedhay hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa aan maxaliga aheynba.

Kulankan hay’addaha leysugu yeedhay ayaa ahaa mid lagu diwaangalinayo hay’addaha maxaliga ah ee wadanka ku sugan.

Marwo Hinda wasiirka wasaarada shaqa-gelinta iyo arrimaha bulshadu waxaa ay sheegtay in qorshahan ay isugu yeedheen hay’addan u qayb ka yahay balanqaadyaddii xukuumadda talada dalka heysa ay ku horumarineysay hawlaha qaranka Somaliland.

 

 

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyada oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi“Dhamaan hayada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba  waan idiinka mahad celinaya sida aad u soo ajiibteen dalabkii anu idiin soo dirnay inaynu yeelano kulan aynu ku lafa gurayno wada shaqeynta inaga dhaxeysa, maada aad tihiin dadka u adeega bulshada anaguna aanu nahay wasaaradii igman inay u adeegto amase ogaato  adeega bulshada loo qabanayo, si aaanu u ogaano hay’adde noo diwaangashan teebaan noo diwaangashaneyn haday noo diwaangashan tahay maxay noo qabata waxaan ay  nagala shaqeyso hay’add kale oo nagala shaqeysaa ma jirto, kulankayagu sidaasi ayuu daaranaa, waxaan idiinka mahad celinayaa mudadii aan joogey wasaarada iyo intii ka horeysayba sida dhaw ee aad wasaarada ula shaqeyseen, waxaanan filayaa in sidii wanaagsaneyd ee aynu u wada shaqeyn jiray si ka wanaagsan aynu u wada shaqeyn doono, waxaa aanu idiinla dhaga nuglaan doona sidaa aad noola shaqeysan waxaa ay tidhaaha Soomaalidu ubadkaagu ma kala jeclid ee iyaga ayaa iskaa kala jecleysiiya, anaguna waanu garab taagnaan doona hadba cidii adeega bulshada noogu dhaga nuglaataa, anaga oo qayb mihiima ka qaadan doona hadba wixii ay tabayaan”

 

Marwo Hinda Jaamac Xirsi waxaa ay ku wargalisay masuuliyiintii kala duwana ee hay’addahaasi ka socday in ay buuxin doonaan foom lagula xisaabtamo waxaanay tidhi “Waxaynu halkan ku kala qaadan doona warbixin cad oo qoraala, taasi aynu ku ogaaneyno hay’add waliba hawsha ay qaranka u heyso waxaanaydun buuxin doontaan foom aynu kuwada xisaabtami doono, waxaanu idiinka balanqaadaynaa inaanay waxba idinkaga soo noqon dooneyn xagayaga waxaanu idinka rajeynaynaa in sdii awalba aad noola shaqeyn jirteen si ka wanaagsan aad noola shaqeyn doontaan, inta badana barnamijkeenu waxaa uu ku saleysnaan doonaa barnaamijka horumarinta qaranka Somaliland sidoo kale waxaa uu qayb ka yahay balanqaadyadii xukuumada talada dalka heysaa ay u sameysay bulshaweyntaweynta Somaliland anaga oo bulshada magaceeda ku adeegaynaa mid la xisaabtan leh oo aan iska dul dhac aheyn ayay noqon doontaa, qofkasta waxaan rajeynayaa meeshii lagu ogaado inuu ka soo bixi doono, dhammaantiina waxaad tihiin masuuliyiin aan ku qanacsanahay waxqaadkooda waxaanad tihiin dad muwaadiniina oo wixii bulshadeenu u baahan yihiin aad ka wakiil noqon doontaan”

 

“Ujeedadeenu waxaa ay tahay maxaad qabataan maxaad ka shaqeysaan waxaa anu rabno ma nagala shaqeynaysaan mise wax xaga sare laga keenay oo aad idinku rabtaan ayaad dooneysaan inaad nagala shaqeysaan faylbaad wasaarada ku yeelan doontaan waxaad ka shaqeynaysaan ayaa la garan doonaa, hadii kale fiilkaba kama shaqeyneysid anagu  xaq ayaanu u leenahay ka wasaarad ahaan cidii nala shaqeysaa waxaa ay nala qabaneysaa inay caddaato markaa imika waxaa aanu idiinku yeedhnay inaynu meel ka wada shidaal qaadano oo wax wada qabano waxaanu ogaan doona cidi aanu martiqaad u diray ee aan iman, cida aan tixgalin casuumadayadana anaguna tixgalinmayno, waxaa aynu dooneynaa dadka jilicdasan ee carruur leh ee haween leh ee dadka buka iyo kuwa naafada ahba leh maada aynu ka wada shaqeynayno in shaqadeenu noqoto wax isku duba ridan oo cad oo wanaagsan markaa”Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here